Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Xarunta Villa Somalia oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya

 

Tiro madaafiic hoobiyayaal ah ayaa galabta lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia, halkaasi oo uu saacado kaliya ku sugan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaafiicdaas oo dhawaqooda laga maqlayay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaaney jirin wax jawaabo ah oo ay ka bixiyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ilaalo ahaanta u jooga Xarunta Villa Somalia.

Intii ay jirtay Dowladdii hore ee TFG-da waxaa dhici jirtay in marka madaafiic lagu weeraro Xarunta Villa Somalia ay Ciidamada jooga madaaf ku jawaabi jireen, iyadoo taasina ay khasaare ka soo gaari jirtay dad badan oo ku dhaqan gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha.

Jawaab la’aanta madaafiicda lagu tuuray Xarunta Villa Somalia waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa heli jiray jawaabta madaafiicda loo rido dhinaca Villa Somalia.

Waa tallaabadii ugu horeysay oo uu qaado Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo uu ku muujinayo in uu kala duwan yahay hab-dhaqankiisa iyo midka madaxdii ka horeysay ee fariisinka ku lahaa xarunta Villa Somalia.


 

 


Hiiraan Online