maciishad xumida shacabka s/land iyo sida looga xoogo dolarka debeda
uga yimaada
Xaalada adag ee shacabka soomaliland waqtigan maraayo haday noqoto
xaga maciishada iyo h a day noqoto xaga siyaasada inta badan
dadka reer s/land waa shacab aad u masaakiina oo wa qtigu haysto
mana dareemaan xaqiiqda ay ku nool yihiin ama cilmiba uma laha
waayaha haysta iyo waqtiga haysta
Tusaale ahaan hadaad magaalada xamar tagto nabadi ma jirto laakiin
maceeshada taalaa way ka jaban tahay ta hargaysa taala ama burco iyo
magaalooyinka kale ee somaliland.
waxaad arkaysaa 100$ dolar oo wax badan u jaraya marka loogu badalo
shilin soomali ee aad ku sarifato koonfurta soomaliya laakiin s/land
marka aad shilin s/land u badalato 100 doolar lacag yar ayaa laguugu
sarifayaa wax ay kuu goynasaana ma jirto.
taasi waxay noqotay in maciishada dadku ku noolyihiin maalinkastaba
hoos u sii dhacayso
cunto qaaliya iyo dadkoo fara madhan dolarka yar ee debeda looga soo
dirana halkan rag u fadhiyaan.
Sababta dolarka looga guranaayo dadka masaakiinta ee s/land waa arin
aanay ayagu ka warqa bin laakiin aan u sheegayo maanta. raga
tujaarta ee debedaha wax kala soo degaa waxay u baa han yihiin lacag
adag oo ay debeda wax kaga soo iibsadaan waxase jira in aduunyada
maanta sicir barar iyo dhaqaale xumo ka jirto taasina waxay
saamaysay in ascaarta iyo sarifka suuqyad u sii xumaado tujaarta
somaliland sida kaliya ee ay lacag adag oo badan oo debeda ay wax
kaga soo iibsadaan ku helayaan waa ayagoo CUNAHA QABTA SHACABKA
S/LAND .
waxay heleen farsamo aan shacabku fahmi karin qurba jooguna ku
dhawakhaan oo marba la yidhaa lacag ma haynee soo dir.
Kaliya waxay tujaartu sameeyeen dolarka qurba joogu keeno ayuunbay
ka xoogaan masaakiinta
gudaha jooga oo ay wax yar intay ugu sarifaan u dhoolo cadeeyaan.
ka gudaha joogaan waxooga dhawr boqol oo aan waxba u goyn karin ayuu
wax moodaa
laba wiig ka bacdina faraha ayuu iskula hadlaa[[ aduunba iska siiyay
lacagtaada nin kula mida ]]!!!!!!!!
SHacabka ugu maskaxda badan somaliland waa SHACABKA BOORAME oo arkay
dhibka tujaartu wado
iyo aaya xumaha kasoo jeeda ka dibna waxay go,aan ku gaadheen inay
isticmaalaan lacagta birta
ee dalka ethoobiya laga isticmaalo.
runtiina maceeshadoodu aad bay uga fiican tahay kuwa kale ee
somaliland
watigan xaadirka ah degmada kaliya ee qurba jooga iyo soomalida
koonfureed ee qurbaha jooga
caruurtooda u soo dalxiis geeyaan waa ALA HA BARAKEEYEE DEGMADA
BOORAME[ amiin dhaha].
Wasiirka maaliyadu ilaa imika wax uu ka qabtay arinkan ay wadaaan
qawlaysatada ganacsadayaashu
ma jirto, mana jirto meel kale oo loo cararo hadaan dawladu arinkan
soo fara galin.
waxay ahayd in dolarka lagu celiyo qiimihii lagu sarafi jiray
waqtigii hore
hadii aan taa lasamayn karin waxa fiican in sicirka maceeshada 40%
la dhimo dawladuna ku qasabto
in tujaartu dhimaan sicirka qaaliga ah.[ ma fiicna in masaakiintu
khasaarto haday cidi khasaarayso xaydha wayntu ha
khasaarto].
Gababadii;-
Waxaynu ku dhiiri galinaynaa wasiirka maaliyada iyo maamulka dawlada
inay si degdega usoo faragaliyaan maciishad xumida dadka reer
somaliland haysata.dadku haday baahidu ku badato waxa badanaya isku
dhaca iyo isdilka haday sii socotana waa hubaal in lagu kala tagi oo
talo fara ka haadi[ balaaayo ka hortag bay leedahay ee ka daba tag
malaha] waxaanu leenahay dalka yaan laga dooran DOOLAR LA URURSADO
LAGA DOORAN.
wabilaahi tawfiiq
Siciid
Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London |
|