Macalinkii Masriga ahaa oo la soo daayay,soona gaadhay Burco

 

Maxamed Mustafe Ibraahin oo ahaa macalin u dhashay wadanka Masaarida oo wax ka dhiga Dugsiga Sare ee 15-Mey,ayaa maanta la soo

daayay ka dib markii mudo laba maalmood ka hor koox hubaysani ka qafaasheen magaalada Burco.

Sii daynta Maclinkan ayaa ka dambaysay markii Ciidamo xoogan oo ku hubaysan gaadiidka tiknikada looyaqaan lagu wareejiyay goobtii ay Dableydu ku haystay Maclinka Islamrkaana lagu amaray inay si degdeg ah u soo daayaan hadii kale la weeraridoono,ka dibna ay soo daayeen.

Masuuliyiinta Gobolka iyo Ciidamada Booliska ayaa saacado dhoweyd soo gaadhsiiyay Maxamed Mustafemagaalada burco,waxaana la geeyay Gurigiisii.

Maxamed Mustafe waxa uu sheegay inaan wax dhibaato loo gaysan oo si wanaagsan loola dhaqmay mudadii ay haysteen kooxdaasi dableyda ahi.


Maxamed Mustafe ayaa laba maalmood ka hor koox dabley ahi ka afduubay gudaha magaalada Burco,kuwaasoo la tegay meesha lagu magacaabo Ceelal,oo 130km dhinaca waqooyi Bari kaga beegan Burco.

Dhinaca kale waxba lagama soo qaban kooxdii dableyda ahayd ee falkan waxashnimada leh ku kacday.

 

 



Kayse A.Digaale

Togdheernews