Macalin Masaari ah oo laga Afduubay Galabta Magaalada Burco

 

Mid ka mid ah macalimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada magaalada Burco ayaa galabta laga faduubay gudaha magaalada.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa Wariyaha Jamhuuriya ee G/Bariga Somaliland Kayse A.Digaale,u xaqiijiyay in Macalinkaasi la afduubay Islamrkaana Ciidanka Boolisku ku raad joogaan “Macalinkaasi waa la afduubay,lamina garanayo wali cida kaxaysatay,Balse ciidamada booliska ayaa ku raadjooga” Ayuu yidhi.

Macalinkan Masaariga ah ayaa wax ka dhigi jiray Dugsiga Sare ee Ex-15Mey ee magaalada Burco,waxaa wararku sheegayaan in kooxdani ka qafaalatay xili uu ku sii socday masaajidka si uu u soo tukado Salaadii casar ee maanta.

Ilaa hada lama garanayo kooxda afduubaya cida ay yihiin iyo sababta ay u kaxaysteen.
Booliska ayaa iyagu u baxay dhinaca Waqooyi ee magaalada Burco lagu asteeyay inay u kaxaysteen kooxdaasi macalinka masaariga ah.

Waa markii u horeysay in fal noocan oo kale ahi ka dhaco magaalada Burco,oo lagu qafaasho dadka ajanabiga ah
 

 


Kayse Axmed Digaale

Kdigale@yahoo.com
Burco