Maayir Ku Xigeenkii Hore Degmada Burco Axmed Cabdi-Falaay Oo ka Degay Moqdisho Iyo Xilka la Filayo In Loo Magacabo

 



Sarkaalkan Axmed Cabdi Falay ayaa waxa uu ka mid ahaa siyasiyiinta sheega inay muqadas tahay mid nimada iyo jiritaanka..


Muqdisho (TNN) Maayir ku xigeenkii hore degmada burco,  Axmed Cabdi Falaay oo todobad kani ka degay magalada moqdisho ee casimada Somalia ayaa la filayaa in maalmaha soo so cda loo magaca bi doono Xil.

Sarkaalkan Axmed Cabdi Falay ayaa waxa uu ka mid ahaa siyasiyiinta sheega inay muqada s tahay mid nimada iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, hasa-yeshee waxa uu wakhtigani u muuqdaa nin ku afgobaadsan jiray jiritaanka somaliland.

wararka aanu ka helayno magalada moqdisho ee casimada somalia ayaa Waxay tibaxayaa n isla m arkaasna cadeyeen imaatinta sarkaalkaasi ee magalada moqdisho.

Mr Axmed Cabdi Falay ayaa warar lagu kalson-yahay oo aanu ka helayno dad ka agdhow-dhow ayaa shegaya in maalmaha fooda inagu soo haya loo magacabi-doono Agasime Wax eed Wasarada Arimaha Bulshada iyo Arimaha Qoyska.

Si Kastaba ha ahatee waxa mudooyinkii u danbeeyayba magalada moqdisho ee casimada somalia ku soo qulqulayay siyasiyiin hore masraxa siyasada somaliland uga sheegi jiray in aanay Gor-gortan lahayn qaranimada somaliland.
 

 


Timacade News Desk
Muqdisho, Somalia