Maayarka Hargeysa Oo ku eedeeyay inay ka cago jiideen inay guuraan
Qoysas hawl lagu fuliyay
Hargaysa (TNN):- Maayarka caasimada Hargaysa Eng. Xuseen Maxamuud
Jiciir ayaa ka hadlay dhibaatadii ka dhalatay dadkii laga rarayay
xaafada Jajabka, hawl galkaasi oo sababay dhimas hada laba qof iyo
laba dhaawac ah, ka dib markii uu iska hor imaad dhex maray
ciidamada booli ska iyo dadkii halkaasi laga rarayay.
Maayarkan oo ka hadlayay dhacdadii shalay wuxuu yidhi “Arrintan
saaka dhacday aad iyo aad ayaanu uga xunahay, waanan ka
tacsiyadaynayaa wiilkaa dhinta qoyskii uu ka baxay, iyo laba daasi
dumarka ah ee uu dhaawacu ka soo gaadhay, runtii wax aanu filaynay
may ahayn boolis ka iyo shaqaalaha dawlada hoose oo uu hogaaminayay
maayar ku xigeenku ayaa aroortii tega y meesha, taasi oo aanu markii
horeba heshiis ku ahayn dadka halkaasi deganaa in ay guura an, oo
kaadhadh kiina la siiyay, meeshii la dejin lahaana la siiyay, iyo
gawaadhidii lagu rari lah aana loo soo diyaariyay, markaa rebshadan
iyo dagaalkan la bilaabay aad iyo aad ayaanu uga xunahay, la
filayayna ma ahayn.”
Maayar Jiciir waxa uu sheegay qorshaha dadkan lagu rarayay in ay
hore uga wada shireen w asaaraddaha Caafimaadka, Arrimaha guddaha,
dib u dejinta, badhasaabka gobolka iyo dawla da hoose, isla markaana
ay diyaariyeen qorshihii dadkaasi lagu rarayay una diyaariyeen meeli
hii ay degayeen iyo gawaadhidii lagu rarilahaaba, shalayna ay ku
balan sanaayeen in la raro oo la dejiyo meelihii ay u diyaariyeen
“Dhawr jeer ayaanu ka wada shirnay wasaarada caafima adka, wasaarada
arrimaha guddaha, wasaarada dib u dejinta, badhasabka gobolka iyo
dawla da hoose, kuligayo waanu ka wada shirnay sidii dadkaa loo rari
lahaa iyo sidii loogu diyaarin lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin,
waanu u diyaarinay meeshii ay degayeen kaadhadh kii na waanu siinay,
markaa in la raro ayuun bay ahayd ee in dagaal lagala hor yimaado
booliska maanaan filayn.” Ayuu yidhi Eng. Jiciir.
Dadka dhulkaasi laga rarayay ayaa iyagu ku dooday in ay diyaar u
ahaayeen in ay halkaasi ka guuraan, balse iyaga oo an ka war qabin
si kedis ah ay subaxdii hore ciidamada boolisku rasaa s ugu
bilaabeen, Eng. Jiciir isaga oo arrintaasi ka jawaabayana waxa uu
yidhi “Maya taasi ma dhici karto, booliska iyo maayar ku xigeenku
waxay meesha u tegeen qorshihii aanu maalintii hore isku ogayn ee
ahaa in ay guuraan, lama rari karo ilaa meel aanu u diyaarino, qof
kastaan a kaadhkii uu meesha ku degayay ayuu haystaa, guri kastana
waanu ku sawirnay, maantana balanku wuxuu ahaa in ay guuraan.”
Eng. Jiciir waxa uu tilmaamay in dadka shacabka ah ee halkaasi laga
rarayay ay iyagu rasaas kala horyimaadeen ciidamada booliska iyo
baabuurtii ay dawlada hoose ugu talo gashay in ay ku rarto, taasina
sababtay in ciidamada boolisku ay rasaas ku ridaan waxaanu yidhi
“Waxaa imika la noo sheegay booliskuna baadhayaan
in ay qoryo la galeen dadkaasi oo ay rasaas
bool iska ku rideen, markaa sababta ay
booliskuna rasaasta u rideen sidaas ayay ahayd. Taas aya ana
wax aad iyo ad loola yaabo ah, qoryahaa ay dadku booliska kala
horyimaadeen ayaa mus hkilada keenay, dawlada hoosena samafal ayay u
samaysay dadkan, gawaadhi bay u soo dirt ay lagu raro, dhulbay
siisay ay degaan, meeshaana dhakhtar baa dadka looga dhisayaa iyagu
na ma lahayn meesha oo way ogaayeen waana guryihii dawlada.”
Maayar Jiciir waxa uu sheegay in dadka halkaasi degani ay
maalmihii u danbeeyay ka caga jiid ayeen in ay
ka guuraan dhulkaasi, waxaanu u soo jeediyay dadka iyagu weli
halkaa degan in ay sida ugu dhakhsaha badan uga guuraan “Iyaga ayaa
ka caga jiidayay maalmahan danbe oo dhan in ay guuraan, todobaad ka
hor ayaanu kawada xidhiidhnay waxaanan ku heshiinay in ay sidaas ku
guuraan, imikana waxaan dadkaasi u soo jeedinayaa in ay sida ugu
dhakhsaha bada n uga guuraan oo ay alaabtooda uga qaataan, oo ay
gawaadhida ay dawlada hoose u soo dir tay u raacaan.” Ayuu yidhi
maayarka oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee idaac ada
BBC-da.
Source: Somaliland.Org
|