Maayarka Hargeysa Oo Ka Waramay Xaaladiisa Caafimaad, si adagna u Beeniyay inuu Is-casilay



Dubai (TNN)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimadda Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo muddo laba bilood ku siman ku jiray cisbitaal ku yaala magaaladda Abu dubai ee dalka Isku taga imaaraadka Carabta oo uu xaalad caafimaad loo geeyay, ayaa xiligan caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay isla markaana laga saaray waadhkii gurmad ka deg-dega ah ee uu ku jiray loona bedelay waadhadhka lagu nasto ee lagu baxnaaniyo bu kaanka.

Guddoomiyaha DAWAN Media Group Mudane Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo socdaal ku jooga Imaaraadka Carabta ayaa shalay Maayarka ku booqday Cisbitaalka Jasiira ee uu ku ji ro, waxaanu sheegay in xaaladda Maayarku wakhtigan aad u wanaagsan tahay isla markaa na uu ka baxay waadhkii uu hore loogu dawaynayay ee gurmadka deg-dega ah isla markaa na loo bedalay waadhadhka lagu baxnaaniyo bukaanka cisbitaalkaasi.

Maayarka Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo aanu weydiinay waxa ka jira warar shee gaya inuu iska soo casilay xilkii Maayarnimo iyo xubinimadii Golaha deegaanka Hargeysa, wax a yidhi “Wax ka jiraa ma jiro ismanaan casilin waxaana iga go’an inaan dadkayga iyo dalkayg a u shaqeeyo,xaaladayda caafimaadna aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay waxa kaliya oo aan ku jiraa baxnaano ay igula taliyeen dhakhaatiirtu haddii ALLE yidhaahdo markaan nasas hadaas dhamaystana waxaan tagayaa dalkii.”

Maayarku waxa uu warkaasi ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog oo ay wadaan dad dano gaar ah leh oo faafinaya warar been abuur ah iyo dacaayado raqiis ah.

Eng. Yuusuf Warsame Siciid waa aqoon yahan waayo aragnimo qoto-dheer u leh dawladaha Hoose isla markaasna himiladiisu tahay inuu wax weyn ka bedelo nimaadka dawladda Hoose isla markaana horumar balaadhan ka sameeyo adeegyadda aasaasiga ah ee dawladda Hoose u hayso shacbiweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ah muraayadda iyo xarunta Somaliland.


XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN