Maayarka Gabiley oo Uga Mahad Celiyay Ururka Alkh a yri ya ee Haweenka
Qurba-joogta Gobolka oo Buugaag Kusoo Deeqay Jaamacada Timacadde
Gabiley ( TNN):- Maayarka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse
ayaa mahadnaq balaadhan u diray ururka haweenka qurba joogta gobolka
Gabiley ee Alkhayriya oo de eq buugaag ah soo gaadhsiiyay jaamacada
Timacadde.
Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa ururkaasi ku amaanay
kaalinta iyo do orka ay ku leeyihiin guud ahaan horumarka gobolka
Gabiley isagoo xusay inay hore ugas oo qayb qaateen dhismaha
jaamacada iyo cusbitaalkaba, maantana aanay ka hadhin ee ay wadaan
deeqdii ugu qiimaha badnayd oo ay keeneen wakhti ay jaamacadu baahi
wayn u qabtay.
Maayarka oo dhambaalkaasi mahadnaqa ah u diraya isagoo ku sugan
hoolka Dawlada H oose ee Gabiley oo buugaagtaasi lagu gudoonsiiyay
maamulka jaamacadaasi ayaa waxa a hadaladiisii ka mid ahaa “Marka
hore Allaha wayn ayaa mahad oo dhami u sugnaatay. Mar labaad, anigoo
ku hadlaya afkayga iyo afka golaha deegaanka degmada Gabiley, wa xaan
halkan mahadnaq balaadhan uga dirayaa ururka haweenka qurba-joogta
dalka in giriiska ee Alkhayriya oo runtii kaalin xoogan ka qaata inta
badan barnaamijyada horum arka ee ka socda guud ahaan gobolka Gabiley
gaar ahaan jaamacada iyo dhakhtarka oo ay gacan wayn ka gaysteen.
Waxaan uga mahad celinayaa deeqdan buugaagta ah ee ay caawa
jaamacada soo gaadhsiiyeen oo ay keeneen wakhti ay jaamacadu u
baahan tahay. Buugaagtu waxay halbawle u yihiin waxdhigashada
heerarkeeda kala duduwan oo dhan. Buugaagtaasi waa sadaqatul jaariyo
oo buug kasta oo la akhristo wuxuu illaa hay idiinku darayaa
ajarkiina iyo xasanaadkiina.”
Maayarku waxaa kale oo uu ardayda kula dardaarmay inay buugaagtaasi
akhriyaan, is agoo xusay in buugtani ay ku jiraan kuwo dhawaan la
daabacay, buugaagta wax laga dhigtana sanadba sanadka ka danbeeya
lasoo cusboonaysiiyo oo aqoon iyo aragtiyo dhawaan la ogaaday lagu
kordhiyo isla markaana ardaydu u baahan yihiin buugaagtan si loo
baro buu yidhi aqoon casri ah.
Ugu danbayntii maayarku wuxuu uga mahadnaqay halkaasi cid kasta oo
wax kusoo da rsata horumarka gobolka dhinacyadiisa kala duduwan,
isagoo ku dhiiri galiyay inaan qurba-joog iyo qolqol-joogba look ala
hadhin sidii gacmaha la isku qabsan lahaa ee loo xaqiijin lahaa
himilada iyo yoolka degmadu hiigsanayso.
Ahmed Sh Nour Ducaleh
Timacade News Desk
Gabiley, Somaliland
|