Maayarka cusub ee Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay iyo dardaarankii masuuliyiintii madasha ka qayb galay

 

 


Munaasabad balaadhan oo loo sameeyay Xilwareejinta Maayaradda ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Arimaha


Gabiley (TNN) xaflad baaladhan oo ay xilka kula kala wareegayeen Maayerka cusub ee mag aalada gabiley shucayb maxamed muuse iyo Maayerkii hore axmed muxumed qaalib (Axm ed Samir) ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka Dawlada hoose ee Magaalada Gabiley.

Munaasabad balaadhan oo loo sameeyay Xilwareejinta Maayaradda ayaa waxaa ka soo qa yb galay Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Xildhibaanada Golaha, Cuqaal, Odayaal iyo Wax garadka magaalada Gabiley

maayerkii hore ee magaalada Gabiley axmed Muxumed Qaalib oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa ka war bixiyey waxyaabihii u qabsoomey intii uu xilka hayey waxaanu sheeg ay inuu awooda saarey kor uqaadida Waxbarashada iyo biyaha waxaanu yidhi ‘’anigu wax aa aad ugu Faraxsanahay mudadii aanu joogney waxqabadkii aanu fuliney ee aad Maanta arkeysaan, waxaan leeyahay wakhtiga la baratama oo muujiya Horumarka degmada waxa anu fuliney mashaariic faro badan oo ka kooban iskuulo aanu dhisney ‘’

Waxa kale oo halkaasi ka hadley xogahaya dawlada hoose ee degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor waxaanu sheegay inuu kordhay Dakhliga dawlada hoose isla markaana ay kordhiiyeen mashaariicda Horumarka gobolka ‘’magaalada gabiley mudooyinkii Ugu dambeeyay waxaa ka socdey horumara balaadhan oo dhincayo badan leh,waxaa sifiican noola sheqeeyey saraakiish wasarada arimaha gudaha oo marwalba wixii nagaga xidhma si qurux badan noogu dhameeya,dakhliga dawlada hoose ee wakhtigii maayer khadra xaaji Gaydh wuxu ahaa 7bilyan,wakhtigan maayer axmed samirna 11bilyan Sanadwalba dakhtigu wuu kordhayaa,miisaniyadiin waanu diyaariney Oo golaha ayey hortaalaa ,golihii hore ee deegaanku wuxuu sitey koobka maayer badalka markaa ka tashada arintaasi’’ayuu yidhi C.raxmaan nuur Abokor
.
Waxa kale oo halkaasi ka hadashay marwo khadra xaaji gaydh oo Xildhibaanada kula dardaaran tey inay ku dadaalaan sidii ay gobolka u Horumarin xildhibaanada laga sugayo inay sii ambo qaadaan wadada Horumarka‘’ maayerkastaa horumar ayuu sammeeyey waana horumar la wada leeyahay,xildhibanada cusubna waxaanu Leenahay degmooyinkii la idinka soo doortey ka war haya si, aad u Ogaataan baahiya ay qabaan.ilaahayna xilkaa ha idiin fududeeyo xeer Hoosaakiina waa idiin diyaar,waayo xildhibaan walba meeshii laga soo Doortey waa inuu baahideeda ka warhayaa’’ayay tidhi Khadra X.Gaydh

Waxa kale oo halkaasi ka hadley sh.c/laahi mawaaki oo wacdi diiniya u jeediyey dhamaan dadweynihii kasoo qayb galey xafladaasi xildhibaanadan kula dardaar mey inay ilaaliayaan hantida umada ee ay masuulka ka yihiin’’

Cheif caaqil cabdi ciidle iyo suldaan Maxamuud sh.cumar oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxay kula dardaarmeen inay xildhibaanada Cusub muujiyaan isku duubni iyo wada jir, dadweynahana waxay kula Dardaarmeen inay la sheqeeyaan xildhibaanada cusub’’

Waxa kale oo halkaasi ka hadley taliyaha qaybta gobolka gabiley Saleebaan ubaxleh waxaanu ka warbixiyey xaalada guud ee gobolka isla Markaan sheegay inay si wanaagsan ula shaqyn doonaan xildhibaanada Cusub.waxaanu digniin u direy dhalinyarada kooxo kooxaha ah iyo Wada yaasha gaadiidka oo uu sheegay inay si xun la dhaqmaan ciidanka Booliska ,waxaanu sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan’’
maayarka cusub ee magaalada gabiley shucayb maxamed muuse oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Balan qaaday inay ku shaqayn doonaan wada tashi iyo wada jir isla markaan ay ka dhabayn doonaan balan qaad koodii, waxaanu bulshada ka codsadey inay la sheqeeyaan oo si wada jir ah loogu halw galo danta tuud "waxaanu balan qaadeynaa golahayga cusub ee 21ka ah inaanu noqono,gole isku xidhan ,talada wada leh,waxaanu balan qaadeynaa inaanu ku meel marin doono wax wada qabsi iyo wada tashi.inaanu muujino hawshaa aad noosoo doorateen 21kayaga xildhibaanada ninwalba shaqada uu yaqaan ayuu si tabaruc ah bulshada ugu shaqayn doonaa,waxaanu awood saari doonaan kobcinta dhaqaalaha ,kobcinta ciyaaraha ,kobcinta waxbarashada ,ka faa,iideysiga khayraadkeena’’

Waxa kale oo halkaasi ka hadley badhasaabka gobolka gabiley axmed cali nuur sh.maxamed waxaanu u mahadnaqay xildhibaanadii hore waxqabadkii ay sameeyeen mudadii ay xilka hayeen,waxa kale oo uu hambalyo iyo dardaaran u jeediyey xildhibaanada cusub oo uu ugu baaqay inay shacabkooda waxa u qabtaan ,iskuna duubnaadaan’’
Gabogabadii waxaa xafladaasi soo afmeeray wasiirku xigeenka wasaarada arimaha gudaha cismaan garaad soofe waxaanu la dardaambey xildhibanada cusub inay la sheqeeyaan wasaarada isla markaan miisaaniyadii ay ku shaqayn lahaayeen inay hore u ansixiyaan,si ay mashaariic ugu fuliyaan waxaanu yidhi ‘’ waanu idin soo dhaweyneynaa waa wasaarada aad wada shaqaynta lee dihiin,sanadka cusubna way idiin diyaarsan tahay miisaaniyadiin waa idiin diyaar oo waad ansixin doontaan,qorshihii aad ku shaqayn la haydeen sanadkan waanu diyaariney ‘’

 



C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland