Maayar Ku-xigeenka Gabiley Marwo
Khadra Xaaji Gaydh
Maayar Ku-xigeenka Gabiley Marwo
Khadra Xaaji Gaydh, ayaa markii ugu ho reysay shaaca ka qaaday
khilaaf ay sheegtay inay salka ku hayaan xafiiltan xisbi iyo
wada-shaqayn la’aan u dhexaysa Golaha Deegaanka degmada Gab iley.
Guddoomiye Ku-xigeenka oo uu xalay xog-waraysi kooban la yeeshay
Wargeyska Ogaal, waxay faahfaahin ka bixisay waxyaabaha dhaliyay
gadood iyo Mudaharaad ay shalay sameeyeen Shaqaalaha Dawladda Hoose
ee Gabiley, kaasoo sababay in Xabsiga loo taxaabo 7 qof oo ka mid ah
Shaqaalahaas.
Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;
Su’aal: Guddoomiye, siday wararku nagu soo gaadheen Shaqaalaha
dawl adda Hoose gadood bay sameeyeen, markaa maxaa sabab u ah
arrintaa?
Jawaab: Waxa jiray inamo shaqaalaha dawladda Hoose ka mid ah oo
Hanti-dhowru muddo ka hor baadhay, kuwaasoo lala xidhay Maayorkii
hore oo lagu eedeeyay hanti-lunsi. Laakiin, inamadaa Shaqaalaha ah
markii Maxk amadda la saaray Maxkamaddu waxay tidhi wax hanti
ah oo ku maqani ma jirto, waxayna amartay in xorriyadooda loo celiyo,
mushaharkoodiina la siiyo, haddana waxa ka dambaysay Madaxweynaha oo
qoraal uu soo qoray ku cafiyay inamadaas iyo Maayarkii horeba.
Markaa, iyadoo arrintu halkaa maraysa ayuu Guddoomiyuhu yidhi
Wasiirka (Daakhiliga) ayaa warqad soo qoray oo igu yidhi waa inaad
inamadaa shaqada ka joojisaa, waxaanan ku camal falayaa warqadaa
Wasiirka iiga timi, dabadeedna Guddiga Shaqaalaha dawladda Hoose ee
Gabiley ayuu u yeedhay oo uu u sheegay. Ka dibna, guddigii iyo
Shaqaalihii kale ayaa yidhi maadaama imanadaas Maxkamaddu fasaxday,
Madaxweynuhuna cafiyay sabab shaqadooda looga joojin karaa ma jirto,
markaa iyagiibaa mudaharaaday oo albaabada dawladda Hoose iyo xidhay.
Markaa Maayarka Gabiley baa yimi goobtii, waxaanu yidhi annaga
amarku xagaa buu iiga yimi, inamaduna waa inay sidaa shaqada faraha
kaga qaadaan.
Su’aal: Waxa jira dad loo xidhxidhay
gadoodkaa Shaqaaluhu sameeyeen, markaa maxaa xadhiga keenay, waase
imisa qof inta la xidhay?
Jawaab: Horta, dadka kaleba maahee waxa
la xidhxidhay guddigii Shaqaalaha iyo inamadii la lahaa shaqada
halaga joojiyo laftooda, guud ahaana arrintaas waxa loo xidhay 7 qof.
Su’aal: Markaa, guddiga Shaqaalaha
xadhigooda ma waxa loo cuskaday inay ka soo horjeesteen amarkaa
Wasiirka?
Jawaab: Guddigu waxay yidhaahdeen
warqada Wasiirku soo qoray waxa ka saraysa warqada cafiska ah ee
Madaxweynuhu soo qoray.
Su’aal: Markaa, Maamul ahaan maxaa
idiinka meel yaal arrintaas, ma in shaqaalahaasi ay sidaa shaqada
kaga tagaan?
Jawaab: Walaahi, Maamul ahaan ama guddi
Fulineed ahaan wax aanu kaga tashanay ma jiro, Xoghayaha Dawladda
Hoose-na ma ogayn, Aniga laftayduna kama warhaynin arrintaas.
Laakiin, arrintaasi waa mid uu Maayarka iyo Badhasaabka Gobolku
gaadheen weeye, balse Badhasaabku arrimahayaga dawlad Hoose ahaan si
degdeg ah uma soo farogelin karo. Taas bedelkeedana, waa in
arrintaas ay ka tashadaan guddiga Joogtada ah ee Golaha Deegaanka
iyo xubnaha Fulintu ama uu Golaha Deegaanku ka fadhiisto haddii
nimadaa shaqada laga eryayo.
Su’aal: Markaa, sow tani uma muuqan
karto qaybsanaan iyo khilaaf u dhexeeya Golaha Deegaanka Gabiley?
Jawaab: Horta, runtii Golaha Deegaanku
wax wada-shaqayn ahba ma laha oo inankaa meesha qabsaday ee Maayarka
ah uun baa meesha haysta, xataa Anigoo Maayar Ku-xigeenkiisa ah baan
wada-shaqayn.
Su’aal: Markaa, maxaa sabab u ah
arrintaas?
Jawaab: Waxa sabab u ah ajande uu isagu
iska watay oo ahaa in aanaan wada-shaqayn, maadaama Anigu ahay xubin
KULMIYE ka soo baxday.
Su’aal: Markaa, khilaafka iyo
wada-shaqayn la’aanta idiin dhexaysaa waxay salka ku haysaa
xafiiltan Xisbi miyaa?
Jawaab: Haa.
Wargeyska Ogaal
|