Maareeyihii hore ee Warshadda Laydhka Oo Bah-dilaad Iyo Qayrul-Sharci Ku Tilmaamay Sida Masuuliyiinta Cusub Loo Magacaabay

 

Hargeysa (TNN)-Maareeyihii hore ee Warshadda Korontada Hargeysa, Eng Xuseen Cilmi  Warsa me, oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu maanta xilka kagala wareegay Maareeyaha cusub ee Warshaddaas dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay, ayaa sheegay in qaabka Masuuliyiinta Xukuumaddii Hore ay xilka uga tirsanayaan kuwa cusubi inay tahay qaab aan meelna dunida  h ore uga dhicin, isla markaana baal-marsan sharciga xil la kala wareegidda dawladaha, isaga oo ku dooday inaanu jirin Masuul cusub oo warqad qoraal ah oo Madaxweynuhu u soo qoray xilka ku tiriyey ama ku tirsaday.

Munaasibadda Maareeyaha cusub ee Warshadda Laydhka dawladda ee magaalada Hargeysa oo lagu qabtay maanta xarunta Warshadda, taasoo ay ka qaybgaleen Agaasimeyaasha  qayba ha kala duwan ee Warshadda, Shaqaalaha, Masuuliyiinta xilka la kala wareegey iyo marti  shar af kale. Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay Mareeyihii hore ee Warshadda Laydhka Hargaysa Eng Xuseen Cilmi Warsame oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo martay Warshada laydhku, qa abka ay u shaqayso, Mishiinada xilligan u shaqeeya, kuwa fadhiya ee aan shaqayn hadda, xad diga shidaalka ay Mishiinadu isticmaalaan, tirada shaqaalaha Warshada laydhka, Dayn  Xukuum ada kaga maqan iyo mid uu sheegay in Warshada laydhka Hargaysa lagu leeyahay.

 “Xil wareejintan aynu maanta (Shalay) isugu nimid way ka duwan tahay qaabka dawladnimo ee laba masuul xil ula kala wareegaan, sababtoo ah ilaa imika ma jirto waraaq I soo gaadhay oo lagu farayo in aan xilka wareejiyo, waxaanan ahay masuul xil qaran hayey dalkana xaq ku leh oo berito xil kale loo dhiibi karo, mana haboona in si bahdilaad ah xilka loogala wareego masuul qaran. Ta labaad Xasan ma sito warqad sharci oo faraysa inuu xilkan la wareego, labadayadu ba maalin ayuun baynu ka maqalnay Warbaahinta, laakiin mid kaayana hannaan dawladeed oo loo maray xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisa ma jirto,” ayuu yidhi Maareeyihii hore ee  Warsh adda Korontada Hargeysa Xuseen Cilmi, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Walaalkay Xasanna (Maareeyaha cusub) waxaan u arkaa imika in la yidhi ha kula  joo go oo la ii soo kordhiyey Shaqaalaha, hase ahaatee, qayr-kay baan la qabaa oo sidaa qayrul sharciga ah xilka loogala wareegay ama looga qaaday. Laakiin, waxaan Xukuumadda soo  jeedi nayaa inay beddasho nidaamkaa baalmarsan xidhiidhka hannaanka dawladnimo ee ay wax ku magacaabayso.”

Eng Xuseen Cilmi Warsame, oo ka warramay qaabka ay Warshaddu u shaqayso, waxa uu  shee gay inay Xarumaha Wasaaradaha magaaladaha Hargeysa oo dhan laydhka u shiddo  Warshad du, hase ahaatee, wax lacag ah oo ay sannadkan ka hayaan jirin. Isaga oo xusay inay daal  ba dan iyo rafaad ka mutaan ururinta biilasha Laydhka. ”Wax lacag ah oo aanu sannadkan ka  hay naana ma jirto, daal iyo hawl ayaa naga gaadha doonista lacagta, masuul kastaana  (Wasiirra da) waxa uu ku odhanayaa waa laydhkii dawladda ee naga sug, mana bakhtiin kartid laydhka Wasaaradihii iyo Goobihii Ciidamada. Markaa Mareeye waxaan kuu sheegayaa Xoolo dawladeed waa timir xabaal taal oo lama kala xigo.”Sidaa ayuu yidhi Maareeyihii hore ee Warshadda  Layd hku. Eng. Xuseen Cilmi, waxa u sheegay in saddex Mishiin Warshaddu leedahay shaqeeya laba duug ah iyo mid cusub.Mareeyihii hore ee Warshada laydhka Eng Xuseen Cilmi Warsame waxa uu wareejiyey Dayn aanu xadigeeda sheegin.

Meerayaha cusub ee Warshada laydhka Hargaysa Xasan Cismaan (Sabce), ayaa munaasibadaa gebagabadii xafladdaa hadal kooban ka jeediyey, isla markaana u mahadceliyey Mareeyihii  ho re, isagoo Shaqaalaha Warshadda laydhkana ka codsaday sida uu xilka ugu wareejiyey  Maree yihii hore si la mid ah oo aan hagrasho lahayn ula shaqeeyaan, waxaanu dhiniciisa ballan-qaa day inuu si fiican ula shaqayn doono shaqaalaha kala duwan ee Warshadda, rejaynayana inay halka ay Warshaddu maanta taagan tahay hore uga sii dhaqaajiyo. Ka hor xil wareejinta  laba da Mareeye ee is-beddalay iyo Agaasimeyaasha waxay goob goob u soo wada mareen  qayb aha kala duwan ee ay Warshadu ka kooban tahay iyo qalabka yaalla.

Source: Togaherer.com