Maareeyaha
Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka muquurtay inuu horyimaado guddida
joogtada Ah Ee Golaha Guurtida
Maareeyaha Akaalada biyaha
Hargeysa Eng: Khaliif Cabdillaahi Xuseen ay aa ka baaqsaday inuu
horyimaado guddida joogtada golaha Guurtida oo qoraal yeedhmo ah u
diray Axadii toddobaadkii hore, taas oo ay balantu ahayad inuu
guddida joogtada ah ee Guurtida horyimaado dorraad Axadii, ilaa
haddana lama garanayo sababta uu uga baaqday maareeyaha waka
aladda Biyaha Hargeysa in hor imaanshaha guddida joogtada.
Guddoomiyaha guddida joogtada golaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim
Xirsi oo aanu wax ka weydiinay sababta uu maareeyaha guud ee
wakaalada biyaha Hargeysa u hor iman waayey guddida iyo inuu wax
jawaab ah ka soo bixiyey baaqashadiisan, ayaa isagu sheegay inaanu
ilaa hadda wax wargelina ka soo siinin sababaha baaqashadiisa balse
waxa uu caddeeyey inuu maareeyaha Biyaha Hargeysa ka baaqsaday inuu
ku horyimaado guddida dalabkii qoraalka ahaa ee ay ugu yeedheen,
isagoo guddoomiya ha joogtadu arrintaas ka hadlayana waxa uu
yidhi “Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa qoraal u yeedhida ayaanu
u qornay oo aanu kaga dalbanayno inuu na hor yimaado hase yeeshee
maareeyuhu nooma iman wax jawaabana nagama soo siinin sababaha
keenay inuu kulankaas ka baaqdo, waxaanse filayaa in arrinkiisu
yahay canaadnimo”
Mar aanu weydiinay guddoomiye Dhugad maadaama ay guddida qandara
asyada qaranka ay u yeedhaan bal inay dalab u yeedhis ah u dirayaan
ganacsatada laga iibiyey dhismayaasha dawladda, waxaanu taas kaga
jawaabay Mudane Dhugad oo uu yidhi: “Qorshaha way noogu jirtaa
inaanu u yeedhno dadka laga iibiyey guryaha iyo goobaha dawladda ee
hantida guud ah, waxaanan kuu caddaynayaa in cidda laga iibiyey
dhismayaasha danta guud aanu xog-waraysi la yeelan doono”.
Haatuf
|