MAANTA OO SI RASMI AH LOO DHAGAX DHIGAY JAAMACADA NUGAAL UNIVERSITY

 

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay Jaamaca Nugaal University oo ay yeelan doonto magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.

iyo magaalooyinka dhowdhow iyadoo ay jaamacadani maanta si rasmi ah u dhagax dhigeen Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed iyo Gudoomiye kuxigeeka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Faarax.

Jaamacada Nugaal university oo soo martay waqtiyo kala duwan ayaa waxaa si rasmi ah maanta loogu dhagax dhigay magaalada Laascaanood halka ay ku yeelan doonto dhismeheeda ay ku hawlgali doonto musqabalka dhaw iyadoo dhagax dhiga jaamacada ay kasoo qayb galeen masuuliyiin aad ufara badan oo ka socda maamulka Somaliland ee Gobolka Sool,bahda waxbarashada iyo shacabwayne.

Dhagaxdhigan ayaa waxa uu ka dhacay goob loogu talo galay oo ku taal bartamaha magaalada Laascaanood goobtaas oo dherekeedu le’eg yahay 200m dherer iyo 50m oo balac ah iyadoo goobtan laga yagleeli doono jaamacada cusub ee laga dhisi doono magaalada Laascaanood ay horay u ahaan jireen dhismayaasha maxakmadii hore oo hadda laga guuray,Gurigii Boosta,Civil Centerkii iyo Guryihii Hawlaha Guud.

Dhulkan hadda laga yagleelayo ee ay horay ugu yaaliin guryaha Dawlada ayaa waxaa siiyay Jaamacada Nugaal University Madaxwaynaha JSL mudane Daahir Riyaale Kaahin kadib markii la waayay dhul baaxadaa le’eg oo kuyaal magaalada Laascaanood gudaheeda iyadoo laga maarmi kari waayay in magaalada Laascaanood laga saaro jaamaca Nugaal university.

Gudomiye kuxigeenka oo u waramayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Jaamacada maanta sida rasmiga ah loo dhagax dhigay uu dhismeheedu sii socon doono uusana ahaan doonin mid la dhagax dhigay uuna ahaan doono mid sii socda iyadoo uu Gudoomiyuhu sheegay in waqti dhaw Jaamacada maanta la dhagax dhigay ay hawlgali doonto.

Hadaba Jaamacada Maanta la dhaga dhigay ayaa waxa ay soo martay heerar kala duwan iyadoo hadda ku shaqaysa guri kiro ah oo kuyaal bartamaha magaalada Laascaanood halkaas oo ay ku hawlgasho ayna ku dhigtaan ardayda kala dhigta kuliyadaha kala gedisan ee Jaamacada Nugaal University

 

 



Ahmed Abdulahi Hirsi
Isuduwaha wasaarada warfaafinta
iyo wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool