Maanso Magaceeda La Yidhaa "Dhaawac"


Salaamu calaykum dhamaan ummadda somalida ah ee ku kala nool baalaha aduunka waxaan halkan ku soo bandhigayaa maanso ka hadlaysa dhibka jaadka kolay waa aragtidayda inta aan anigu is idhi waad ka sheegi kartaa waxaana laga yaabaa inaan wax badan ka tagay ama aanan gaadhsiin halkii ay ahaayeen tixda magaceeda waxa la yidhaa Dhaawac waxay soo baxday 13/09/2008 waxaa tirisay Bushaaro cali baando London UK waxaan ku halqabsaday Faysal aw cabdi cambalaash
 


Faysaloow dharaarahan
bulshadeeni dhacantoo
qaadkay dhilanayaan baa
dhibaatada u gaystoo
dhalin yariyo waa yeel
maskax doodii dhaawacay
dhaqaali hiina kala tagay


dhibtuu qaadku leeyahay
waa kumaankun iyo dhawr
mana wada dhamayn karo
anigoon ku dheeraan
dhawr aan tilmaamee


imisuu dhantaaloo
isagoon isdhaadayn
been intuu u kala dhigey
dhisa dabaqyo aan jirin

imisuu nin dhumuc wayn
dherer iyo laxaadba leh
illahay dhamaystiray
dhaqashada u diido
maanta dhereran suuqyada
imisuu dhalinyaro
ubax laba ku dhololaan
dhabaleexsan mariyoo
marfashyada ku dhuuntoo
dhana laba daarood
geesna aan u dhicin weli
Imisaa is dhaafoo
Noloshaba ka dhacayoo
Dhaxantiyo dabaylaha
dhawr sano markuu waday
wuxuu maal dhaqaayiyo
ka dhamaystay lacagtii
illeen waa u dhuuntee
dhib yaraan ku yidhi hadal




2)
imisuu nin dhaqan wacan
aaminimo ku xeel dheer
dhulka uu lagalayoo
dhabadii ka leexshoo
dhishay laanta faraqa leh.

dhadhamadii horeetaba
dabin uu u dhigayoo
dheef mooday geedkoo
ka dhergoo ituu cunay
dhakafaar ka qaadoo
dhankii u ka yimi iyo
dhabadii ka weecshoo
cidla kaga dhaqaaqoo
soo dhaafin gaydhkoo
walina dhoof kuu siijira


dhibta kalee uu leeyahay
inta reer dhaqqnaydee
dhisnayd ee wacnaydee
hadal kala dhex galayee
qaadku kala dhantaalee
dhibayee wax yeelee
intuu kala dhaqaajee
sabarayt ka kala dhigay
dhawr kun way ka badan tahay.


hadaan dhuggano meel kale
dhibta taa kasii wayn
inta laga dhaqaaqee
furiin loo dhameeyee
lagu nacay dhalaankaa
cadadkoodu dhumayoo
dhanna haysan maantoo
dhaygagoodu badan yahay
dhulka way ka buuxaan
rabi dhawra mooyee
dhawaaq way ka quusteen



3)
dhibta qaadkuu leeyahay
anigoon ku dheeraan
dhawr aan tilmaamee
dhirtan ruuxa daaqaa
marka uu kusoo dhaco
ee uu dhiibto lacagta
dhufsashada horeetaba
farxadbaa ku dheehanoo
waa uu dhabaabeceyaa
dhankalena ma egee
dhab wuxuu u adaa
halkii uu ku dhilan lahaa
kuna soo dhamayn laaa


waa dhul logu talo galay
waa hoygii dhibaatada
oo gogol lasii dhigay

dhinacay isi saaraan
maskax lagama dheefee
muranbaa dhex yaaloo
dhawaaqoodu waa xoog
dhib kalaa se dacal taal
dhawrkii daqiiqaba
way sasoo dhimaayoo
ninka xiga dhankiisuu
ku dhurayaa warkiisii
ka kalena dhagaysiga
dhaguhuu u weelayn
dhehe iyo dhegeystaa
isu dhiibta sheekoo
war is dhaafsankaraye

waxa la isku dhuro oo
laysu kala dhagays taba
dhan kastaba ha noqotee
marka ay dhamaystaan
ee faraha laga dhigo
fekerbaa ku soo dhaca.



4)
siduu dheeman haystoo
ama dhaqaale xoog badan
wax uu dhisaa fooq
iyo dabaqyo dhaadheer
dhulka siduu ka taliyuu
marba dhinac u guuraa

dhabo wuxuu ka jeexdaa
dherer iyo ballaadhba leh
bustaan buu dhex joogaa


dhirto midhaha bixisoo
muha uu dhexyaaliyo
dhaldhalaalka beenta
kaga dheregyey daymada
hadba dhinac u sii raac
hurda kala dhaqaaqoo
wuxuu dheelmadaa
goor ay saq dhexe tahay


dhankanuu u seexdaa
dhanka kale ku eega
marba dhinac u jeestaa
dhibsadaa ka toosaa
riyo lagu dhar dhaaraa
qarow uu u dheeryahay




isagoo dhibtaa qaba
eedaan lagu dhuftaayoo
waagu soo dhalaalaa
madhagaysto taasoo
ma dhugtaan dareemuhu
waxkalaa ku dheehane

goor lakala dhaqaaquu
isagoo dhan dheero leh
dhibsanaya hadalkaba
qaadirana u dheertahay
halkii uu ku dheelmaday
uu ka sii dhaqaaqaa



5)
beentuu dhisaayaa
dhab ukala cadaatoo
runta la isma dhaafshee
dhalanteed ka noqotoo
dhibtiisuu dareemaa

geedku waa dhibadan yee
alla ha ina dhaafshee
aamin mar wada dhaha

waageed na dhaawacay
bulshadiina dhalan rogay
dibna waa ka noo dhigay
dhaqankaan lahayn iyo
xishoodkana na dhaafshee
kartideeni dhumiyee
alla ha ina dhaafshee
waa geed dhibadano
dhaqtaradu ka doodaan

 



By:Busharo Ali Baando