Maanso - 07/11/2011
caadil waa ilaahay
cilmigiisu badanyahay
muu dhalin caruuroo
isagana cidmay dhalin
casiis keliya weeyoo
inla caabudaa mudan
cidna lalama simayoo
caalamiinta oo idil
midka curiyey weeyaan
kii caabudaayiyo
ninka caasiyaayaba
isgaa cassis u ah
calaf waxan helayniyo
halkaan cidhib dhigeynaba
isagaa caddaan u og
oon caad kasaareyn
inta caadil uumayna
aadmigaa cid ugu dhaw
ceeluu uga arooriyo
qofba si u ucaabudo
kaasaa cid ugu dhaw
nin cadaynkaraan jirin
waa cilmi qarsooniyo
cibaaradiisa gaarka ah
cidhifyada adduunyada
dadka cuuranee jira
magac uu calmada iyo
qofba cod u kusheegaba
callow waxa lawada qirey
inuu caadilkeen jiro
anna waxan ku caabudi
caynaanka diintee
carfoonow rasuulkii
caadil noogu dhiibee
waa codkiisi nagu yidhi
rabi camaladiisana
quraankaa caddeeyoo
cad-cad noogu kala dhigay
markay tallo cakirantee
kugu ciirsantahayee
culleys kugu yimaadana
halka loola cararee
cabsida looga magan galo
eed cadaabta aakhiro
cafiska uga baryeysaa
waa caadilkeenee
macidbay kadadantahay
caqligaan shaqeynoo
ifkaan ciil kumudanee
allaw cidhibta aakhiro
kuwa loo cadgooyee
janada lagu casuumee
intay ciida joogeen
dambigay cantoobteen
laga cafiyo naga yeel
caamiyaan kanahayoo
cilmiyada adduunyada
kuma caano maalee
inlanoo cayimayoo
caanad lagu kordhini karin
ayaa caalinkeeniyo
digtoorkeen ku caanbaxay
xadaarada cirkaa iyo
u carcartay samadee
xidigaha cabireysaa
waa calaamad diintiyo
codka eebe lagu qirey
waase laga cadilanyahay
Mohamed Muhumed Eleye {Suweys} From Nederland