Maansadani waxay ku socotaa xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaashiisa, ciddii wax ka odhanaysana wuu u furanyahay


Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa  " Ninkaad Kabaha Ka Tolanayso Kabihiisaa La Eegaa ". Haddii ay caynkaa tahay ,xisbiga kulmiye oo waliba aan anigu taageere u ahaa, waxaa ka soo baxaya qalloocyo fara badan.

Cid aad moodo inay dadka kale xisbigii ka xigtaysanayso, awood maroorsi xagga gudoomiyaha ah, wada tashi la'aan iyo isagoo noqday beelo ee noqonwaayey xisbi qaran. Xisbiga maanta arimihiisa ka yeelan waayey wada tashi, ee cod iyo beelnimo isku muquuniyey maxaa laga sugi haddii uu talada dalka qabto.


Waxba yaanan hadalka badinin'e waa tan maansadii boqollay :

 

 

1. Boqollay maansadaydu,
2. Bariidiyo maaha naallo,
3. Biyo iyo maaha caano,
4. Bariis iyo maaha sooryo,
5. Been iyo hadda maaha sheeko.
6. Baroor iyo maaha oohin,
7. Baryo iyo maaha tuugmo,
8. Bushaariyo maaha rayn rayn,
9. Baqdin iyo maaha goorteed,
10. Bilkhayr iyo maaha kow dheh,
11. Balweyn iyo maaha heeso,
12. Haweenka buraanburkoodii.
13. Ablay iyo waa billaawe,
14. Baaruud iyo waa rasaasteed,
15. Bir iyo weeyaan adkaanteed,
16. Mawjad iyo waa badweynteed,
17. Badheedhiyo waa ogaanteed,
18. Birmad iyo waa dagaal,
19. Weerar iyo babac dhiggiisii,
20. Balaayiyo waa sharkeedii,
21. Waxay bixisudu ahayd.
22. Araarta waxaan badshaa,
23. Markay haysato barteedee,
24. Dulucda u soo bannaan bax,
25. Wuxuu yahay bayd muceedku.

26. Haddaan Burco waayo doonay,
27. Boggayga haday ku taallay,
28. Naftayda haddaan badh siiyey,
29. Beerkaygiyo wadnahaygii,
30. Ka baa’ba xanuunkii maanta,
31. Dhankaa bari baa wax yeelay,
32. Shirkaa Kulmiyaa bogsiiyey,
33. Beel baa tidhi waa xaqaygii.
34. Anaa buunka u afuufa,
35. Anaa bigilkiyo caroogga,
36. Anaa bushimaa ku haysta,
37. Ragbaa bud dhiggiisii sheegtay,
38. Bahalka ninkii ahaa,
39. Dadkuba badi uu necbaa,
40. Ninkii halgankii ba’naa,
41. Intaa boqnaha jaraayay,
42. Dharaartaan bacadka jiifay,
43. Bankiyo cidlada aan aalay,
44. Hoteelada bilicda weyn leh,
45. Dhirtiyo beeraha ku yaalla,
46. Ninkii banbeelmiyo casiirka,
47. Barafka qabow cabbaayey.
48. Markaan bulbushii ka xiiray,
49. Bani’aadmina ku sheegay,
50. Wixiisii hadduu bilaabay,

51. Hadduu dabadii la soo baxay,
52. Bah iyo reer uu miciinsaday,
53. Anaa baga idhi jabkiisaa.
54. Niman boqrayow dhagayso,
55. Ragbaa geedka iyo baarka,
56. Buuraa dhaadheer ku saaray,
57. Bulshaa lagu yahay suldaanka.
58. Siilaayow bara’baraale,
59. Abkii iyo beeno waasle,
60. Aaway ninkii Muuse Biixi,
61. Ninkii baawarkiyo awoodda,
62. Buruudkiyo haybaddiisa,
63. Badheedhkiyo hal adaygga,
64. Udubtuba ay baqaysay.
65. Adaa boqnaa maanta gooyey,
66. Adaa kaga baxay dhankaagii,
67. Ballantii adaa afduubay,
68. Bar-barkaagii daciifshay,
69. Adaa boholaha xargagan,
70. Bustaa iyo go’a u saaray,
71. Dabeed soco yidhi bannaanka.
72. Taariikhda haddii la baadho,
73. Buuggaagta haddii la eego,
74. Boggaad ku qornayd la fiirsho,
75. Khaayin buura’a adaa ah,

76. Adaa waligaaba bayr leh,
77. Ka buuba biyaa kalkaaga,
78. Haddaad baarqabkiyo hal doorka,
79. Bahdiisu nimay ku faanto,
80. Burhaan leba aanad doonin,
81. Muxuu kuu tari bayd gaabku,
82. Biigga iyo toban lihiisu,
83. Baashiyo Yeekaha ma gaadho,
84. Adaa baylahshee dhagayso.
85. Baabuurkii wakaa fadhiistay,
86. Inbaa maqan buudhigiisii,
87. Waxaa go’ay baangadii,
89. Wataa balow tidhi shookaantii,
90. Wataa burmaddii ku daysay,
91. Wakaa geer bogoskii yaalla.
92. Wakaa boolbeerinkii iyo,
93. Waysarkiyo boolalkii,
94. Ku tuuray bannaanadaa.
95. Wataa loo waayey baanad,
96. Wakaa daadiyey baadroolkii,
97. Wakaa biyo iyo saliidii,
98. Ku daray baasiinkii maanta,
99. Wakaa baytarigii goostay,
100. Bartaasi wakaa fadhiistay.


 

 

 
By:Ibrahim Cabdi Ibrahim