Ifku maaha waxraaga
aakhiraan tageynaaye
bal-istaafuraleysta
Iimmaankii aradaana
ilaah wuu katagaaye
bal-aan eegno wanaaga
ogaw awr iscunaysa
dugaag iridooda
afaafka u taagan
*****
adhaxduu ka jabshaaye
hadhaw yaad eersanaysaan
is-aaminla,aantu
abaar joogta ah weeye
awoodana weylumisaaye
maguulbaan arkeynaa
hadduu uurku xumaado
wixii aad astureysay
afku wuu xadayaaye
*****
bal-ilaahay kayaaba
Mabda,a ururkeenu
akhlaaq xumo maaha
aslaaxa dhexdeenu
inlays adyadeeyo
lays eegtana maaha
markey odayaashu
is,aamini weydo
isna uurxaadhaniweydo
*****
siday ubadkeenu
aayahooda kayeeli
dantii arligeena
haddaan arki weyno
ayaan daro weeye
mucaarid awoodleh
bulshada u adeega
hogaan ummaddiisu
ay,aaminto weeye
*****
ammuurta dhexdooda
rag aan astureynin
aflagaadada qaawan
u,ooman xummaanta
masuul ibtileysan
aroorwalba qaawan
distoorka ilaalin
runtana agmaraaya
colaadana ooga
*****
ururkii furfjraaya
inkastoon ka adkaysto
ka aamu idhaahdo
lama eegan karaayo
is,ilaaqa dhexdeenu
inxunbuu dhalayaaye
axdigeena xaqdhawra
oo guusha aan u,ordeyno
yey u,iillan caddaawe
*****
afxun looga wanaagsan
odayaal reero uweyne
ortiyo qaylada jooja
ehel noonoqonmaayo
dagaal aasa libteene
bal-ammuurta qabooja
ilma,addeer kala yaacday
cidna aaminimaysee
wax kaloon ku ilawno
*****
ururkeena u keena
warkiiyoo caqliyeysan
odhaahdii ucid weeye
ruuxii aan aqbalaynin
amma uurka dabaaya
isagoon na,asqaynin
umabaahnin illeyne
aayar uun hanadhaafo
*****
asalaamucaleykum |