maansadan layidhaahdo hidda soocan waxay soo baxday 10/jun/2009 maalin arbaco ah

Maansadu waxay ka hadlaysaa gabdhaha ama hablaha waxay si  qotod heer u uga sheekaynaysaa wanaaga iyo astaamaha lagu garto hablaha soomalida iyo dhaqamadooda wanwanaagsan

maansadan waxaan u hibeeyey hablaha soomaalida ah ee wali nolasha baasha wanaagsan kaga jira,waana tan maansadii hidda soocan

Hawraarata maansada
Hoobayda jiiftada
Heeladiyo dhaantada
Iyo hurinta gabayadu
waa mid igu hilaayoo
marka aan haleeliyo
hindis ugu dhaqaaqaan
hamuuntada baanaa
halaatiga ku bi iyaa
anigoon hanbaynayn
hagar li i umariyaa


haa kah aan idhaahdaa
caawana mid hodan oo
lagu hagar baxaa baan
soo haabo leeyahay
habla heena wacanbaan
ugu heesayaayoo
hibo iyo ayaan baan
heelada utumayaa
halkaraan hadraawaan
hadal door kareeboo


hawraarsan igu yidhi
hadaan surinka heestaba
hablo ugu horeynayn
habdhaceedu ku dhisnayn
dhadhankeedu ma habsama
xiisaheedu ma hurana
waa nay kaa habaysaa
ana helay abaartoo
murtidaba hadaan saw
hablo lagu amaanayn
oon loogu heesayn


hanaqaadi maysoo
halwad bay ku dhacaysaa
hadalhaynta maansada
habdhiskeedu wuxu yahay
hablo aan hugoodii
habdhiskoodi dhaqankii
xishoodkoodi hidihii
hanaankoodi aan lumin
haybadoodu wacan tahay
hablaheena weeyaan
hablo aan dariiqii
hanuunkii saxa ahaa


ka hayaamin diintii
ku hagoogan sharcigii
ku hanweyna dhaqankii
waa haldoorka geeskoo
hablo heena weeyaan
been kuma hadlaayee
hablaheenu waa sagal
waa hilaac iftiimoo
diintaa haraaciday
hidahay dugsanayaan
dhaqankay hadhsanayaan
hidda soocan weeyaan


gabdho horumar doonoo
hiigsanaaya dunidoo
higaad inay bartaan iyo
ku hamiya tacliintoo
hankooduna sareeyoo
hir ka ay maraayaan
hagaag ugu hayaamoo
hiigsanaaya meel dheer
halacsanaaya meel sare
oon lagu haraadayn
hal muceedka gayigani
habla heena weeyaan
marka hawshu darantahay
cadaw aad hirdamaysaan


hablo geesiyaaloo
dirac hiil u baahnaa
hareertiisa galayoo
halyey garab istaagoo
guubaabo huriyoo
halgan gees ka galayoo
hurintoodu liicayn
hal adayga geeskani
habla heena weeyaan
hablo qaayo iyo qurux
rabbi hibo u siiyoo
haybad lagu manaystoo
heemaalka muuqana
haybtiisa gaarka ah
waxa aad hubaashii
humaageynta moodaa
heego biyo habaysoo
hoosiis dusheenaas
naxariis hadhkeedaas
hogal curatay noqotoo


cirka heensa gaariyo
diilimaad hareeriya
habsan uga carawdoo
cadceeduna hogeedii
sagal lagu hadheeyoo
hal hal ay falaadhuhu
mid mid ay is helayaan
midabada habkoodaas
indhuhu ay hadhsanayaan
hanaan kooda yaab kale
hindda muuqa loodaa
ninka holan jacayl helo
gabadh uu u hiloobiyo
hammi guurna uu galo


gaari halabsanaysoo]
heerin guur u galinoo
hoygii aabaheed iyo
hooyadeed tafteedii
hodan timo lajoogtoo
xishoodkuna hugeedii
himir uu uyahayoo
aan lagu hungoobayn
halka aad ka helaysaa
hargeysiyo togdheer iyo
hilinkii sanaag iyo
doolo iyo hareeriga
bari iyo hadaaftimo
baladweyne hiiraan
ayey hodan dhex joogtaa


waa hibaaqa geeskoo
hohob weeye midhaloo
marka aad heshaayee
hibo aad ka bixisaa
hoy laguudhisaayoo
nolol baad la helaysaa
hayin baanay noqotaa
hadhaw tiyo danbeetana
hanadbay dhashaayoo
hodaar buu noqdaayoo
hooyey u noqotaa
ragga ugu horeeyaha
hadalkiisu mudanyahay
gabagabada heestiyo
hoobaydi maansada


waxan kaga hadhaayaa
hablayahaw haldoor kiyo
hal aqoonka wada ahi
aduunyadu hirweeyee
hadda iyo hadeertaba
hadhaw iyo dan baysaba
halka aad maraysaan
hareeraheeda daya oo
hoosteeda eegoo
horteedana bal dhawroo
horu markiina wada oo
hakad yaanu idin galin
holashadana daayoo
hogaankiina giijiya
diintana hagoogtoo


haaneedka saaroo
tafta huga ku giijiya
hidahana wanaagiyo
xaga samaha hiigsada
hawraari waa gune
hadal waxan ku soo xidhay
hiiliyow alla hayaw
hablahaa manka ubaxa
heemaalka loo bogay
rabbaw janada hoygood
aakhiro halkii roon
hirashada rabbaw yeel
alaw kuwa habaabee
aduunyada huleelayna
hanuunkaaga soogali
hiiliyaw hana halayn

aamiin aamiin
wa bilaahi taw fiiq



curiye:axmed moxamed faarax {badeed}

tell :0025224482935
hargeisa somaliland