Maanka Dheeliyay


Dhabarkuu ka jabay ruux xiskii dhaawac ka qabaaye
Alle wuu dhamayn karahayaa maanka dheeliyaye
Dhaayaha fayawbaa xigmado looga dhigayaaye.
Maxamed Yuusuf .”
Nabaadiino Xasan Cabdi Madar.


Weedhahaa Aad dulucdooda fahanteen ayaynu la jaanqaadi doonaa  socod  ke ena dambe ee aynu sadaro kooban aynu kaga hadli doono Dad waqti waqtiyada ka mid ah lagu manaystay Xoolo, Sharaf, Mansab, Aqoon, balse waayay hibada Garashada ee ilaahay inagu manaystay !!!

Waxaa ay seexdaan Guryaha Hoostooda, dhinacyada dariiqyada, waxay wax ka cunaan sanaadiiqda qashinka, Saqda dhexe waxaad kula kulmaysaa huluulaha iyo laabatooyinka, ma dhawrtaystaan, ma hadlaan, cid ma xagtaan dabcan ku darso oo ma maydhaan, kama warhayaan technologiga dunida ka socda iyo xataa xaaladda ku xeeran la yaab xataa tani ay ku jiraan ayayna waxba ka  og ayn, qalinkii waa laga kor qaaday oo waxba lagama qorayo,ilaa inta ay soo  bar a arugayaan waxaana ku filan inay yihiin dad quluubtoodu saafi tahay oon cidna u hayn cuqdad iyo cid baa idin dayacday toona.

ma kala saarayaan madax iyo mijo waxa kaliya ee maskaxdooda ku soo  noqno qonaya dareenka ay u qabaan ninka haraadka ama gaajada ka rida iyaga oo  or daya dariiq ka mid ah dariiqyada caasimadda, sida xoolaha ayay u socdaan  gu ud ahaan dariiqyada caasimadda, akhristahayga sharafta leh waxaan filayaa inaad fahantay cidda aynu ka hadlayno waa dadka “xiskoodu dhimanyahay”.

Qaab dhaqmeedka way ku kala duwanyihiin, dabeecad ahaana isu mid maaha, waxay joogaan dhamaan suuqyada, badhkood waxay doorbidaan inay  gudaa fadaha wax ka cunaan ay kaydsadaana hadhaaga Qaadka lagu tuuro  Dariiqya da Magaalada Hargeisa, halka qaar kale kaa dalbanayaan inaad siiso qadar lacag ah, kuwo kale oo iyaga ka mid ahi waxay ku waydiinayaan xabad sigaar ah, Qaar iyaga ka mid ahi waxay hor kambadhuudhaan Goobaha lagu cunteeyo waxay quudaraynayaan hadhaaga umada ,qaar kalena way wareegayaan istaagina maayo ilaa inta hurdo ama Daal midkood soo weerarayo, halka qaar kale ay iyagu samaysteen saldhig iyo meelo cayiman oo ay seexdaan kuna Jiifsadaan karaatoon waana deegaankooda asalka ah halkaasi meel kasta oo ay u baqoolaan maalinta gelinkeeda dambe way ku soo noqonayaan.

Daymada iyo Aragtida dadkani waxay noqotay wax lala qabsaday oon cidina  di idin, xaafadaha magaalada waxaa inta badan laga helaa dad waalwaalan, oo si gaar ah ugu nool, qaarkood waxayba joogaan dhawr sanno,qadar yar oo  dadk an qaba xanuunka dhimirka ayaa ah kuwo ku soo dhasha xanuunkan, intooda badani lakin waa dad si nafsi ahaan u buka, qaar ka mid ah dadkani waxay  kug ula hadlayaan xikmad hadana waxbaa isaga qasan, waxaa jirta qayb iyaga ka mid ah oo khatar iyo cudwaanimo ku haysa dadka hadii loo caga jugleeyo.

Dadka “xiskoodii waayay “ ” runtii way dulmanyihiin Masuuliyadooduna waxay qoorta ka saarantahay Xukuumadda Mujtamacana waxaa saaran masuuliyadda ilaalinta dadkaasi, iyo inay ula dhaqmaan si insaani nimo ku jirto.oo aanay  dadk an ka saarin xayndaabkii baniaadamnimo.

Xukuumaddu waxay is moodsiisay inaanu arinkani khusayn, Hayaddaha iyo  Urur ada Xuquuqal insaankuna weli barnaamijkooda kumay sheegin waayo waxay  m a shquul ku yihiin waxyaabo kale oo macaash iyo sumcad badani uga soo  daree rayso, wasaaradda cadaaladdu weli kumay fikirin bani aadamnimada dadkan bukaanka ah, marka aad waydiiso qaarkood waxay odhanayan qorshaha waa lagu dari doonaa qaar kalena waxay u aqoonsanyihiin dad nolosha ku fashilmay waxaanay ugu yeedhaan dadka “ waalan” iyo tuhmooyin kale oo tiro badan.

La soco ….

 

 


Mahdi sheekh abdi

mhd_guluc@hotmail.com
Hargeisa