Maamulka Shirkadda miyaa igu aamini weydeen?-"dhabanada ayuu gacmaha
saaray"

Sweden
(TNN)-Waxa uu fadhiyaa barandaha
aqalkiisa, waa uu yaabbanyahay. Dhabanada a yuu gacmaha
s aaray, waanuu maqanyahay, balse, waa kan fadhiya ee kursiga
quruxda ba dan ku fadhiya. Goor danbe ayuu ku war helay " Waar
shaaha maxaad u cabbi weyday sawk an qaboobay!" oo ay
xaaskiisa oo ag fadhida ku leedahay,----Yaa oo miyuu qaboobay, dee
mid kale ii keen--- maxaan kuu keennaa waa kii saddexaad ee aan kuu
keeno'e. Maxaa kugu dhacay ee aad la fikiraysaa? Mar haddii maamule
lagaa dhigay, maxaa kaa maqan ee kale, sawtaad weligaa odhan jirtay
haddii maamulkaa Shirkadda la ii dhiibo, wax badan baa ii muu
qda oo aan qaban lahaa, dabcan dee waa aad ka nasan lahayd hawshii
badnayd, miyaanay sidaa ahayn xaaji, maxaad la fekeraysaa.
Warsame Gudaal, ma uu jawaabin ee waxa uu ku adkaystay in koob kale
oo shaah ah loo ke eno. Waana loo keenay. Markii uu laba jeer
cantuugay buu yidhi: " Yaa--maxaad lahayd, ma anigaad ila hadlaysay?
Warsame, waa oday madaxa la sii gelaya siddeetankii. Wax badan ugama
hadhin siddeetan k a, laakiin waa nin xoog ah oo geed adayg u
dhashay. Tan iyo maalintii uu labaatan jirsaday waxa uu ahaa nin
isagu is maamula oo dhaqaalihiisa la soo baxa. Waxa uu bilaabay
yaraan tiisiiba in uu wax barto, oo waxa uu waxbarashada ka gaadhay
meel sare oo aan xilligaa cidi ba higsan jirin. Waa dhallintii
ku kacaantay wadaniyadda iyo dedaalka horumarka. Kolba heer la soo
maro-ba waxa uu ka soo shaqeeyey shirkado farabadan oo uu qaar isagu
aasaasay, qaar kalena uu shaqaale ka ahaa. Dhawr shirkadood ayuu
maamulka sare ka hayey siddeet amaadkii, laakiin waxa uu
markasta ku hamiyi jiray shirkadda ugu weyn in uu maamule ka
no qdo. Waxa uu u arkayey in uu waxbadan ka bedeli karo. Marka la
eego waaya-aragnimadiisa, aqoontiisa, raganimadiisa, geesinimadiisa,
codkarnimadiisa iyo dad la tashigiisaba waxa lagu xaman jiray in
ninkaasi noqon karo nin maamuli kara shirkadda la magac baxday "Daryeelka
Danyarta iyo Danta guud."
Sababo fara badan ayaa loo cuskadaa in uu Warsame Gudaal ku
habboonyahay maamulaha Shirkaddaas. Dadka qaar baa yidhaahda---tan
iyo maalintii uu dugsiga sare ka baxay, ilaa m aanta oo laga
joogo 50 sannadood, dan guud mooyaane dan gaar ah maba uu qaban,
haddii uu qabtayna mar kasta danta guud buu ka horraysiin jiray
tiisa gaarka ah. Sidaa darteed w aa ruug caddaa haya xog
farabadan, iyo qaabka loo maamulo Shirkadaha waaweyn. Dad kale oo
badan ayaa aaminsan in uu mar horeba xaq u lahaa in shirkaddaa loo
dhiibo. Waxaase jira qaar kale oo iyagu u arka in aanuu ku
habboonayn maamulka Shirkadda "Daryeelka Danyarta iyo Danta guud".
Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxa jiray rag iyo dumarba dad la
halgamay oo dedaal dheeri aha la sameeyey sidii uu buurta figteeda u
kori lahaa. Markastana waxa ay ku odhan jireen, " Annagu waxba kaama
rabno, ee waxa aanu rabnaa isbeddel in lagu same eyo
shirkaddaas oo noqotay mid aan faa'iido soo saarayn"
Maanta hadhqoodaarka uu fadhiyo waxa uu ku sugayaa rag ka mid ah
raggii la halgamay la akiin mar kasta lahaa danta guud ayaanu
kuula soconnaa. Shalay kuwo kale ayaa u yimi, do rraad gurigaba
laguma kala bixin, tii ka horreysay waabuu ka baxsaday guriga. Tan
iyo maal intii loo magacaabay maamulaha shirkadda, laba
indhood isuma uu keenin. Indhihii yaryaraa ayaa sii yaraaday.
Inkasta oo uu u dhashay geed adaygnimo oo soo jeedku aanuu waxba
ye eli jirin, waxa aad mooddaa in da'dii iyo hawshan aanuu weligii
qaban ay ku kulantay.
---Yaa garaacaya...waa ayo!
--- Ka fur waa niman aan sugayey'e.
Asalaamu calaykum...Wa calayku wasalaam. Soo fadhiista, yaa, oo
intii aynu isku ogaynba waa ka badantihiine, dee shan kursi oo kale
aan inoo keeno. Maya fadhi annagaa ayaa soo qaadanayna'e. Ilaa 20
nin ayaa daaradii soo fadhiistay. Waxa la socda afar nin oo ka mid
ah raggii ugu dhodhowaa dhinaca Warsame xilligii loo qalqaalinayey
sidii uu Shirkladda madax uga noqon lahaa. Hadalkii bay bilaabeen. "
Dee wakhti badan ma hayside waxa aanu kuula soconnaa in aad hebel
iyo hebel aad u magacwdo agaasimayaal" Nin kale ayaa hadalkii ka
boobay oo yidhi: " Waxa ay ahayd in aanu ku nidhaahno afar agaasime
iyo weliba ninka suu qgeynta alaabta shirkadda ee mar haddii
aad soo koobtay maamulkii shirkadda, sida nagu maqaalo ah, dee waxba
kugu dirqiyi mayno'e labadaas uun hadal ha ka keenin. Warsame Gudaal
oo daal iyo diifi ka muuqato ayaa marka uu u hollado hadalba waxa
hadalka qaata mid kale, isagoo isleh yaa kaa dhaqaajiya uun, bay
marqudha wada yidhaahdeen, dee waa innoo sidaa. Nabadgelyo,
nabaadiino, tusan, iyagoo sii gacanqaadaya odayga.
Todoba maalmood oo la soo dhaafay waxa u yimi ilaa 70 kooxood oo la
mid ah kuwa imminka ka agkacay. Waxa u hadhay ilaa soddoomeeyo kale.
Dhibaatada odayga haysataa waxa we eye, in aanay jirinba cid
la talinaysa, cid dantii guud ee ay ka hadli jireen ka hadlaysa, cid
wa naag guud doonaysa baan jirinba. Dhammaantood waxa ay ka
hadlayaan waa isku mid.
Waana si shirkadda ay dhammaan
uga mid noqdaan maamulkeeda. Oday Warsame, berigii h ore
arrimahani umaba muuqan. Maantase talo ayaa ku caddaatay. Ballamo
badan buu qaad ay, qaar waa buu illoobay, qaar kale waa uu
xasuusanyahay, qaar waa lagu qasbay. Weli m abuu u shaqo tegin
shirkadda madaxda looga dhigay ee durbaba intaasoo hawlood uu
dhexd abbaashay. Weli kadinkeedaba ma uu istaagin. Hore looguma
ogayn in uu gabyo--waa se uu tirinjiray maansada oo isaga ayuun baa
dhegaysan jiray maantase waxa uu rabaa in lala maqlo maansadiisa
gaaban.
Ma siddeetan guuraa
Da'daydii ku siqaysaa
Anigoo sebi ah
Subaxaan suntaday
Miyaan saaka joogaa
Sirtii iga daboolayd
Xalay miyaan ku sarakacay,
Dadku hay saluugee
Danyar ma u sadburiyaa
********
Mise sarara weyntaan
Suubbaa salaax-iyo
Sunuudana u badiyaa
Kuwa soo socdaaliyo
Safka yurub ayaa badan
Tolow sidaan ka yeelaa
Waxba yaan sahwiyine
Allaan talada saaroo
Danytartana sidii hore
Ballanteenu waa samo.
|
Qore: Sayid-Axmed M. Yuusuf
gacanlibaax2001@yahoo.se
Sweden |
|