Maamulka Kulmiye ee
Togdheer oo Beesha Caa lamka ka dalbaday
Xayiraad Lagu Soo Rogo M ADAXWEYNE
Rayaale
Burco (Longlivesomaliland News) -
Masuuliyiinta Maamulka xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer ayaa si
adag u canbaareeyay talaabada ay xukuumada Ra yaale dalka kaga
saartay ha,yadda Interpeace ee iyadu gacanta ku haysay hawlaha
diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.
Taasi oo ay ku tilmaameen mid dhaawacweyn u geeysanaysa
doorashooyinka Somaliland iyo dedaalka beesha caalamka ee
citiraaf-raadinta,taas bedelkee dana waxay beesha caalamka u
soo jeediyeen in ay masuuliyiinta Xukuumada Rayaale ay ku soo rogaan
cadaadis caalami ah iyo waliba xayiraado dhinaca socdaalka ah,
sidaasina waxay masuuliyiinta kulmiye ee Togdheer ku sheeg een
shir-jaraaid oo ay galabta ku qabteen xarunta xisbiga ee magaalada
Bur co
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer Sahal Aadan Maxamed
oo isagu ugu horeyn shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay talaabadaasi ku
tilmaa may mid waji gabax ku geedi-socodki dimuqraadiyada curdinka
ah”Talaabada Rayaale ka qaatay masuuliyiintii ha,yadda Interpeace
waxaanu u aragnaa mid ku lid ah geedigii loogu jiray
dimuqaraadiyadan curdinka ah, waxana aanu u aragnaa mid muujinaysa
in aanu Rayaale diyaar u ahayn doorasho xor iyo xalaal ah” Sidaasi
waxa yidhi gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee Togdheer Sahal Aadan
Maxamed
Gudoomiye Sahal waxa uu sheegay in taageerayaasha xisbigiisu
taageersan yahay mawqifka shirgudoonka labada aqal ka qaateen
talaabada Xukuumadu kula kacday Ha,yaddaasi Interpeace”Waxaanu
leenahay waxaanu taageers anay mawqifka Shir-gudoonka
Barlamaanka Somaliland, waxaanu usoo jeedin aynaa in ay dalka
badbaadiyaan iyaga oo isku dhan, dalku haadaan buu ku sii dhacayaaye”
Ayaa ka mid ahaa ereyadii gudoomiyaha
Yaasiin Maxamed Cilmi(Yaasiin X) oo ka mid ah gudiga fulinta ee
xisbiga Kulmi ye/Togdheer oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka
hadlay, ayaa beesha caala mka u soo jeediyay in ay dedaal
xoogan u galaan wax-ka qabashada waxa uu ugu yeedhay Talaabooyinka
Xukuumada Rayaale ku waxyeelaynayso habsa mi-usocodka hawlaha
doorashooyinka
“Beesha caalamka waxaanu leenahay waxka qabtay hadimada iyo ficilada
xu n-xun ee xukuumada rayaale kula kacayso dedaalkiinii ahaa in
Somaliland ay ka hirgasho dedaal Dimuqraadiyadeed” Ayuu Yidhi
Masuulkaasi
Waxa kale oo masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee shir-saxaafadeedkaasi
ka had lay ka mid ahaa Eng:Cali Siciid Raygal oo Beesha
caalamka ugu baaqay in ay Madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiinta
Xukuumadiisa ku soo rogaan Xayiraad dhinaca socdaalka ah iyo
Cadaadis Caalami ah”Beesha Caalamka waxaanu ug u baaqaynaa in
ay Rayaale ku Soo rogaan Cadaadis Caalami ah Iyo Xayiraad dhinaca
Socdaalka ah Sidii C/Laahi Yuusuf ba aad uga Qabateen Koonfurta
Somaaliya” Ayuu yidhi Eng Cali
Isagoo hoosta ka xariiqay in aan shacabka Somaliland qaadan dooniin
wax uu ku tilmaamay talaabooyin ka dhan ah guud ahaanba Dalka
Somaliland oo uu d edaal ugu jiro Madaxweyne Rayaale”Daahir Rayaale
waxaanu leenahay Shac abka Somaliland dalkan dhiigbuu u soo
daadiyay yeelimaayaan talaabooyinka aad doonayso in aad ku
waxyeelayso Sumcada wadanka iyo doorashooyinka, waxaanu u sheegaynaa
in aanu taageersanahay mawqifka Xisbiga Kulmiye ka qaatay wejigan
cusub ee ay yeelatay marxaladii Siyaasadeed ee Somaliland” Ayuu
Yidhi Cali Siciid Raygal
Dhawaaqa Xukuumada ee eriga Xubnaha ugu sareeyay ha,yadda Interpeace
ayaa intaba badan shacabka ku dhaqan Gobolka Togdheer ku noqotay
dhaw aaq dhegohooda ka weynaaday, waxana ay su,aal badan ka
keenaayeen dh abada loo mari doono suurtagalnimada sidii ay u
dhici karto doorasho lagu kalsoonyay
Source:Somaliland.org
|