Maamulka Gabiley oo Shaaciyey Fuitaanka Jaa macad Cusub oo Gobolkaasi Yeelanayo
 


Way jirtaa in la iibiyey dhulkaasi, waanay fiican tahey in warbaahintu baahi so wixii la lunsanayo iyadoo ilaalanaysa danta guudGudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib)


Gabiley (Longlivesomaliland News)- Maamulka Gobolka Gabiley ayaa si rasmi ah u shaaciyay shalay furitaanka jaamacad cusub oo laga hirgeliyey  magaa lada Gabiley.

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib), ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga dhawaaqay waqtiga ay si rasmi ah hawlaheeda u bilaabi doonto jaamacaddii ugu horreysay ee laga hirgeliyo magaalada Gabilay.

Badhasaabku waxa uu shacbiga Somaliland, gaar ahaan reer Gabiley ugu  bu shaareeyey in Jaamacadda Timacadde oo weli dhismaheedu socdo in bishan October laga bilaabayo diiwaangelinta ardayda noqonaya dufcaddii ugu  horr eysay ee jamacadda gala.

Hindisaha dhismaha jaamacadda cusub oo uu bilaabay Badhasaab Xabiib laba sannadood ka hor markii lagu dhawaaqay Gobolka Gabiley oo hadda  dhisma heedii gebagebo yahay waxa laga yagleelay oo lagu beddelay dugsigii sare ee Timacadda (Ex. Qalax) oo ku yaal duleedka woqooyi ee magaalada Gabiley.

“Ujeeddada xog-warrankani waxay ku qotontaa sidii aannu dadweynaha reer Gabiley iyo ciddii kale ee danayneysa ugu bushaarayno, ugu wargelin lahayn in la bilaabay isdiiwaangalinta dufcaddii ugu horreysay ee gala Jaamacadda cusub ee Gabiley laga hirgeliyey oo si rasmi ah u hawlgeli doonta 15 October 2009, duruustana la bilaabayo bisha November. Sidaa darteed, waxaan u  sh eegayaa guud ahaan dadka reer Gabiley, gaar ahaan qurba-joogga  ballanqa aday inay ka qayb qaataan dhammaystirka jaamacadda in looga baahan  yah ay doorkoodii, maadaama aannu ku dhawaaqnay furiteenkeeda,” ayuu yidhi Badhasaabka oo iftiimanayey ujeeddada kulanka.

Waxa kale oo Badhasaabku faafaahin ka bixiyey tirada dadka ku nool gobolka iyo baahida reer Gabiley u qabaan jaamacad si dhakhso ah looga hirgeliyo  m agaaladaas oo uu xusay inay ku yaallaan dugsiyo sare oo ay wax ka bartaan ardayda ugu badan Somaliland, “Arrintaas ayaa sababtay in qoyasas badan oo reer Gabiley ah ka hayaamaan guryahoodii, una guuraan magaalooyin  ka le sida Hargeysa iyo Boorama si carruurtoodu u helaan waxbarasho  jaamaca deed.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Md. Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) ka jawaabayey su’aal saxaafaddu ka weydiiyeen waxa ka jira dhul danguud ah oo ku yaal magaalada Arabsiyo oo Wargeyska Jamhuuriya  baa hiyey in maamulka Gabilyey iibiyey, ayaa caddeeyey in fagaarahaas la  iibiy ey, “Way jirtaa in la iibiyey dhulkaasi, waanay fiican tahey in warbaahintu baahiso wixii la lunsanayo iyadoo ilaalanayo danta guud.

Dhulkaas waxa loo iibiyey arrin ay isla soo oggolaadeen, soona wada  gaadh een duqayda  deega ankaas, maamulka Arabsiyo iyo kan degmada Gabiley, taasoo ahayd in  laca gta lagu iibiyo in xafiisyo loogu dhiso maamulka  magaal adaas, waana la  bilaabey dhismihii iyo halkii laga hirgalinayey, qiimaha lagu iibinayey wuxuu ahaa $25 kun oo dollar, balse sida loo buunbuuniyey ma a ha,” ayuu yidhi Badhasaabku.


Source:Jamhuuriya Online