Maamulka Degmadda Geedbalaadh oo Hirgaliyay Dhismaha Xarunta Degmada iyo Xukuumadda oo ka Gaabisay Duruufo Qalafsan oo ku Gadaaman Bulshada Gayigaasi.

 

 


Degmada Geed-balaadh oo ka mid ah Degmooyinka ku Suntan Taariikhda Halgankii war bixin    by:
Wariye Mustafe Future ..............Daawo Sawiradda


Geed-balaadh (TNN)-Maamulka Degmadda Geed balaadh ayaa hirgaliyay Dhismihii ugu horeeyay ee Dawlada Hoose ee Degmadda Geedbalaadh laga yagleelay kaasi oo dhismihisu gabo gabo ku dhawyahay , Gudoomiyaha Degmadaasi oo u waramay Shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News, ayaa sheegay in Hirgalinta Dhismahan aanay Ciddina ka Caawin isla markaana ay Degma da Geedbalaadh hirgalisay dhisme wax wayn ka tari doona Xafiisyadda Maamulka Dawlada Hoo se ee Degmada Geedbalaadh.



Gudoomiyaha Degmada Geed balaadhan Ciise Cabdi Jaamac ayaa sharaxaad ka bixiyay Xaalada Guud ee Degmada Geelbalaadh isla markaana Xusay in Degmada Geedbalaadh hodan ku tahay Wax-soosaarka sida Khudaarta iyo Noocyada kala duwan ee Rashinka sida Hadhuudhka, Galay da, Digirka iyo Bariiska oo uu sheegay in uu sifiican uga baxay Degmada Geedbalaadh oo beero dhawr ah laga Beeray, tijaabadiisuna si fiican uga hirgashay Degmada.


.
Gudoomiyaha Degmada Geedbalaadh waxa kale oo uu sheegay in Degmada uu Maro Tog-wayn oo Biyo mareen ah isla markaana uu ku yaalo Riig wayn oo biyo ah oo Waraabiya Deegaano bad an oo ka tirsan Degmadda iyo qaar kale oo ka soo Arooro Tuulooyinka fog-fog.Gudoomiya ha Degmada ayaa ugu Baaqay Qurbajoogta Degmada Geedbalaadh, Maamulka Gobolka Gabiley, Xu kuumadda Dhexe ee Somaliland inay ka qayb qaataan Horumarka Degmada, isaga oo Carabka ku dhuftay in Degmada Geedbalaadh ka muuqdaan Baahiyo badan oo dhinaca Kaabayaasha No losha, sida Caafimaadka, jidadka iyo Waxbarashada, Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay X anaanadda Degmada Wax wayn ka Qabteen Maamul ahaan, bulshada ku dhaqan Geedbalaadh na garab wayn ku siisay.


Degmada Geedbalaadh oo ka mid ah Lixda Degmo ee Gobolka Gabiley ka koobanyahay taasi oo ka mid ahayd Degmooyinkii kaalinta Wayn ka soo qaatay Tartankii Doorashadda Dalka iyo Taa geerada Xisbiga Talladda haya ee kulmiye Taasi oo aan illaa hadda waxba laga Qaban Ballan qaa dyadii Kulmiye ku beerlaxawsan jiray Bulshada Gobolka wakhtigii uu u baahnaa Codkooda, Sidoo kale waxaa Qabyo badani ka muuqataa Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada oo aan ku filnayn Ardayda isla markaana ka kooban laba Fasal iyo hal Fasal oo Xafiis ah oo mararka qaar loo istic maalo fasal ahaan, kuwaasi oo aan lahayd wax Dayr ah iyo Musqullo dhisan oo ay ardaydu isticmaali karo.



Dhinaca kale qaar ka mid ah Tuulooyinka Hoos yimaada Degmada Geedbalaadh ayaa waxaa ka muuqata Baahi balaadhan oo dhinacyada Adeegyadda Bulashada ah, kuwaasi oo ay ugu Muda ntahay Waxbarashadda oo aan Meelaha Qaar Dugsiyo ka jirin oo lagu Dhigto Geed hoostii, halka qaar kale loo kireeyay Girgido yar yar oo aad ugu Cidhiidh ah ardayda kuwaasi oo aan haysan Agabka Dugsiyada sida Kuraasta Miisaska, Samuuradaha iyo Dugsiyo ay dhaxanta ka galaan, Dhamaan Dugsiyaddan oo ay ku suganyihiin arday aad utiro badan oo Dayac badani ka muuqdo daryeelkooda waxbarasho, kuwaasi oo ka awood batay Waalidka iyo Bulshada Deegaanka oo la Tacaayalaya Gadgadoonka Nololeed ee Wakhtigan aadka u adag, deegaanadaasi oo ay ka mid yihiin Magaalo Xayd iyo Gaashaamo oo Baahi badan uqaba in Gacan laga siiyo Dhismaha Dugsiya dda Waxbarasho, Ceelasha Biyaha iyo Goobaha Caafimaadka Bulshadda.



Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Tuuladda Magaalo-Xayd oo u Waramayay Wariye ka Tirsan Timacade News ayaa Sheegay in Xukuumada iyo Xisbiyadaba ay Arkaan uun marka ay Cod ka doonayaan, markaasi oo ay Sheegeen in ay Balanqaadyo tiro badan u Sameeyaan Dadka deeg aankaasi balse aan dib loogu soo noqon marka laga dhamaysto dantii laga lahaa.



Degmada Geed-balaadh oo ka mid ah Degmooyinka ku Suntan Taariikhda Halgankii dib uxoray nta Dalka somaliland iyo ubucdii Degaaladii Qadhaadhaa ee lagula jiray Dawladii Rajiimkii Maxa med Siyaad barre taasi oo ay wali dhexyaalaan Kaarayaal iyo Calaamado kale oo Xusuus gaar ah Mudan oo Muhiimad gaar ah u leh Mujaahidiintii goob jooga u ahaa dhacdooyinkii kala duwa naa ee Gaarka u ahaa Degmada Geed-balaadh oo Badhtilmaameed Wayn u ahayd Ururkii Afraad oo ka mid noqday Ururkii Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM, kaasi oo Markii danbe ay ka Aa saasantay Guutadii Shanaad.



Hogaanka Xukuumadda Maanta Talladda Dalka Haysa iyo Xisbiga Kulmiye oo ka mid ahaa Horm oodkii iyo Madaxdii ururkii SNM, kuwaasi oo Ololihii Doorashada ku galay in ay Garab istaagi do onaan Agoontii iyo Naafadii SNM kuwaasi oo u Muuqda in aanay Muhiimad Badan siinin Goobo Badan oo taariikh ku leh Halgankii Dib uxoraynta Dalka, kuwaasi oo ay ka Dhaceen Dagaallo Aad u qadhaadhaa oo ay ku Shahiideen Geesiyaal badan oo U dagaalamayay Xoraynta Dalkooda Ho oyo, halka Meelo gaar ah oo ay Geed balaadh ka mudantahay la Buunbuuniyo, Taalooyin Xusuu seedna laga Dhiso, taasi oo u Muuqata in la Siyaasadeeyay Halgankii oo aad moodo in Dad aan ehel u ahayn ay Maanta ku faanaan oo ay Sheegtaan Midhihii Mujaahidiintii naftooda u soo hu ray Dalkooda Hooyo iyo Goobo aan Taariikhda halkagan meelna kaga jirin oo Xaga Danbe lagaga darayo.

 

 


Mustafe Future

Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland
mccfuture@hotmail.com