Maamulka Degmada
Wajaale oo Dadwaynaha Ugu Baaqay inay Hantida
Maguurtada ah Sharciyaystaan
 
Wajaale (Longlivesomaliland
News)Masuuliyiinta Degmada tog wajaale ayaa ugu baaqay shacbiga reer
wajaale hantida ma gurtada ku leh magaaladaasi inay sida ugu
dhakhsaha badan u sharciyeystaan hantidooda
Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale Maxamud Muxumed (Maxamud Wanyne)
ayaa isagoo arintaasi ka hadalaya wuxuu yidhi “dhismayaasha
magaalada wa jaale ku yaala may lahayn sharci mana sharciyaysnen
isla markaana may laha yn town plan rasmi ah, sidaadarteed waxa aan
samaynay nidaam casri ah oo internetka laga helayo kaasi oo imika
laga bilaabo uu qof kastaa si dhib yar u ogaan koro halka uu dhisme
kastaa kaga yaalo magaalada taas oo yarayn doo nta is qabsigii
dhulka ee muranka badan ka dhalan jiray.
Sidaa darted waxaa dad waynaha ka
codsanayaa inay hantidooda ma guurta da ah sharciyaystaan ,kharashka
yar ee aan dadka ka qaadaynaa waa mid ay ku shaqaynayaan dadka
hawsha fulinaya waana qiime aad u jaban” ayuu yidhi Maayarku.
Dhinca kale xoghayaha magaalada Wajaale Cabdi Abiib Warsame ayaa
isaguna dadwaynaha ugu baaqay inay hantidooda sharciyaystaan , isaga
oo u sheega y in aanay dawlada hoose ee Wajaale hanti ku urursanayn
balse ay iyaga u danaynayaan waxaanu yidhi
“waxaan dadwaynaha reer Wajaale u sheegi lahaa in sharciyeynta
hantidu uu yahay mid inoo wada dan ah waayo dhulkii la isku qabsan
lahaa ayaa meesha ka baxaya waana nidaam magaalada qurxinaya anagu
isma lihin dakhli ha idi nka soo galo ee magaalada uun baanu u
danaynaynaa , oo aanu qurxinaynaa , waana waxba kama jiraan hadalada
suuqa la galiyey ee la leeyahay dawlada hoose hanti bay urursanaysaa”
.
Dhinaca kale waxa baryahan dambe jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyey
Gudo omiyaha iyo xoghayaha, taasi oo khilaafku gaadhay halkii ugu
saraysay todob aadki hore,hase ahaate mar aanu isku daynay in
aanu gudoomiyaha iyo xog hayaha wax ka waydiino khilaafka
labadooda ka dhexeeya ayaa labada masuul waxay ka gaabsadeen inay ka
hadlaan khilaafkooda .
Hase ahaate mar aanu la kulanay qaar ka mid ah gudida iyo odayaasha
maga alada ayaa xaqiijiyey jiritaanka khilaafka u dhexeya gudomiyaha
iyo xoghaya ha Wajaale taasi oo ay ku tilmaamen arin aan loo bahnayn
.
Oday Cabdi Saleebaan Xasan oo ah
Gudoomiye ku xigeenka Gudida odayaasha Wajaale isla markaana ka mid
ah Gudida Waxbarashada Magaalada ayaa ka digay cawaaqibka uu
leeyahay khilaafkani ku keeni karo degmada Wajaale wax aanu yidhi
“Magaalada Wajaale waxa lagu tilmaamaa inay tahay
Dekada Qalalan ee soom aaliland
waana isha labaad ee ugu dhaqaalaha badan
dalka hadana degmadu way ka aradan tahay dhamaan adeegyada bulshada
sida biyaha, caafimaadka iyo wadooyinka hadana imika oo maamul cusub
la keenay degmada ayaa waxa soo dhex galay khilaaf u dhexeeya
xoghayaha iyo gudoomiyaha kaasi oo dhiba atada ku sii
kordhinaya degmada.
Anigu inta aan ka ogahay
khilaafka waxa jira in Xoghayaha degmadu
uu u mu uqdo nin cid kale u shaqaynaya
oo aan dan ka lahayn degmada, waana nin
la ga soo magacaabay Degmo kale,
teeda kale waa nin kii 58 milayn shilin
ka luns aday degmada ee isagoo
katiinadeysan laga qaaday
magaalada Wajaale mark aa
khilaafka waxaa abuuraya xoghayaha .
Si kastaba ha ahaate dadwaynaha reer Wajaale ayaa walaac ka muujiyey
deg mada taas oo intooda badani ay farta ku fiiqayaan in Xoghayaha
Wajaale uu sal u yahay abuurista khilaafka taagan”.
Magaalada Wajaale oo ku taala xuduudka kala qaybiya soomaaliland iyo
itoo biya, isla markaana ah magaalo ganacsigeedu uu aad u
camiran yahay ayaa hadana waxay dad waynuhu ka cabanayaan in aanay
haysan adeegyadii ay u baahnayeen sida biyaha , Caafimaadka,
waxbarashada, wadooyinka oo burbu rsan iyo arimo kale.
Abdirisaaq Maxamud Aw Daahir (C/risaaq
Dhago)
Longlivesomaliand News Reporter
Wajaale Office/Somaliland
|