Maalqabeen Reer Somaliland ah oo Sheegay Haddii Midni mo la Waayo in Aannu Shaqsi Gaar ah Taageeri Doonin

 


Hargeysa (TNN)-Mulkiilaha shirkadda Prime Resources Limited, ahna Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Somaliland iyo Britain Mr. Maxamed Yuusuf Cali Guray, ayaa waxba kama jir aan ku tilmaamay hadallo beryahan dambe ay bulshada la dhex wareegayeen shakhsiyaa d ka mid ah xubnaha damacu kaga jiro inay ka qayb galaan tartanka doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona 2015-ka, kuwaasoo uu sheegay inay taageero ka haystaan Mr. Maxamed Yuusuf Cali Guray.

War-murtiyeed uu siiyey saxaafadda Mr. Maxamed Yuusuf Cali waxa uu ku beeniyey inay jiraan shakhsiyaad ka mid siyaasiyiinta tar tamaya oo uu taageero la garab taagan ya hay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xubnaha ay isku haybta yihiin ee hadalladani ka soo baxe en aanu mid koodna ku taageeri doonin haddii ay la yimaaddaan qorshaha keli-kelida ah, hase yeeshee hadday hal meel ku midoobaan ay suurtagal tahay inuu gacan-ka–geysto taageeridooda.

Sidaa darteed, waxa uu carabka ku adkeeyay in aanu marnaba diyaar u ahayn inuu qofna si gaar ah wax-u-taro, isla markaana haddii midnimo la waayo aanu isaguna cidna wax ta ri doonin.

Geesta kale waxa uu ka codsaday dadka hadaladan la dhex wareegaya bulshada inay ka waantoobaan sheekooyinka beenta ah ee aan afkiisa ka soo bixin.

 

Source:Jam