Maalinta Qaaxada Aduunka Oo Hargeysa Laga Xusay
Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Cisbitaalka.......
Hargaysa (TNN)Munaasibad balaadhan oo lagu xusayo maalinta qaaxada
aduunka ayaa Shalay lagu qabto Cisbitaalka Tbda ee magaalada
hargeysa.
Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Cisbitaalka Tb-da
ee magaalada Harg aysa Dr Cismaan Cabdi Maygaag , Drs Aasiya Cismaan
Axmed oo ah Madaxa Xafiiska WHO ee Som aliland , Dr Cabdi ismaaciil
oo ka socday Haayada Wold Vission iyo dhakhaatiir kala duwan.
Drs Aasiya Cismaan Axmed oo ah Madaxa Xafiiska WHO ee Somaliland oo
Munaasibadaasi ka had ashay ayaa iftiimisay doorka ay haayadoodu ka
qaadato Cidhibtirka Qaaxada oo ay sheegtay in haatan gabo-gabo ku
dhawdahay iyadoo geesta kalena xustay in haayadoodu ay bishii ku
dhaw aad saddex jeer ay soo saaraan daawooyinka lagula tacaalayo
cudurka Tbda waxaana hadaladeedii ka mid ahaa .
Waxa aynu soo marnay maxaaxil kala duwan oo TBda lagu daweeyo
waxaynu soo marnay mar xal ado fara badan oo TBda lagu baadho,
tadawuraad ayaa yimi boqolaal dawo ayaa lagu tijaabiyey oo lagu
daweyn jiray ayaa haddana la bedelay siyaabo badan ayaa loo baadhay
, awal waxa ay ahayd dadka ha la daweeyo awal waxa ay ahayd aynu
cidhibtirno maanta se waxa ay maraysaa in la yidhaahdo Somaliland
TBdu waa Eber halkaas ayaa la doonayaa in la gaadhsiiyo yaa odhana
ya waxa odhanaya dadka Somaliland ku nool waa in ay isu tagaan oo ay
ka fikiraan sidii ay ugaa dhi lahaayeen Somaliland Sero in TB”.
Marwo Aasiya waxa kale oo ay sheegtay in lacag aad u tiro badan ay
sannadkii ku baxdo ka hort aga iyo dabar-goynta cudurada dilaaga ah
balse haddii laga hawlgalo dabargoynta xannuunada asi in lacagahaasi
meelo kale oo horumarinta bulshada ah la galin lahaa .
Waxa Kale oo halkaasi ka hadlay Cismaan Cabdi Maygaag oo ah
Agaasimaha Cisbitaalka Tbda ee Magaalada Hargaysa waxaana uu sheegay
in guud ahaanba dunidu ay ku mashquulsantahay sidii ay u dabar-goyn
lahayd cudurka TBda isagoo geesta kalena tilmaamay in cudurkani uu
muddo dheer uu jiray oo uu galaaftay nolosha dad fara badan oo ku
noolaa dunida oo qaarkood ay ahaayeen dhakhaatiirtii daweyn jirtay
cudurkan ,. Waxa kale oo si faahfaahsan uga waramay adeegyada uu
cisbitaalka Tbdu uu u fidiyo dadka uu ku dhacay xannuunkani iyo
dariiqyada ugu haboon ee ay u maraan daawayntiisa.
Gabagabadiina Cismaan Cabdi Maygaag waxa uu bulshada u soo jeediyey
in marka ay isku arkaan calaamadaha cudurkan sida qufac joogta ah ay
tagaan goobaha caafimaadka si loo baadho.
Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Dr Cabdi Ismaaciil oo ka
tirsan haayada Wold Vission yo dhakhaatiir kale oo ka soo qayb galay
Munaasibadaasi balaadhan ee lagu xusayey Maalinta Tbda adduunka oo
sannad kasta laga xuso dunida
Timacade News
|