Maalinta Cuntadda Aduunka oo siweyn looga Xusay
Magaalada Hargaysa
Hargeisa (TNN)-Xafladan lagu xusayay maalinta Cuntada aduunka oo ay
soo qaban qaabisay Hay adda FAO, waxaana ka soo qayb galay
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi I smaaciil
(Saylici), Wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole,
Agaasimaha Wasaar ada Beeraha, Wasiirka Wasaaradda
Kaluumeysiga Maxamed Yaasiin Xasan, Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali
Shire, Wasiirka Cadaalada Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirka Xanaanada
Xoolaha iyo Dee gaanka Axmed Xaashi Nuur (Oday), Wasiirka
Arimaha Bulshada iyo Shaqada Marwo Ilhaan Maxa med Jaamac,
Maayarka Magaalada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, Masuuliyiin
kaloo ka tir san Dawladda, Maxamed Jaamac oo ah Sarkaal ka
tirsan Hay’ada FAO, Saraakiil kale oo ka socda Hay’aadaas iyo Marti
Sharaf aad u tiro badan, Maalintan oo Cuntada Aduunka oo loogu magac
da ray u midawga la Dagaalanka gaajada.
Madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland Maxamed Jaamac Gaheyr oo ugu
horayn halkaa ka hadlay, ay aa si weyn ugu mahadceliyey guud ahaan
ka soo qayb-galayaasha munaasibada lagu xusayo maa linta
Cuntada adduunka ee 16 October, isla markaana waxa uu tibaaxaya inay
qaban qaabada mu naasibada ay kala qayb-qaadatay Xukuumadda
Somaliland.
Sergio Innocent oo isna ah sarkaal ka tirsan xafiiska FAO ee Nairobi
oo munaasibdaasi hadal ka je ediyey, ayaa ka waramey maalinta
cuntada aduunka oo ah maalin caalamka oodhan laga xuso 16 october
sannad kasta, isala markaana waxa tibaaxay inuu yahay xuskii 30aad
ee loo qabto.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
“Innaga oo ka duulayna maalintan cuntada adduunka ee 2010, isla
markaana qiyaas ahaan 925 milyan oo qof ay ku gaajaysan yihiin
adduunyada, aynu iska kaashano sidii ay mustaqbalka u xallin lahayn
dhibtaas, iyada oo cuntada iyo xasilloonidu ay fure u yihiin
ajandaha addunka.” Ayuu yidhi Sergio Innocent
Waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad
Cali Shire waxaanu Wasiirku mahad naq balaadhan u soo jeediyay
Hay’ada FAO iyo Masuuliyiinta ka socota waxaanu sheegay inay
xukuumad ahaan kala qayb galayaan maalintan caalamiga ah.
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr.Axemd Xaashi Odey oo isna halkaasi ka
hadlay waxa uu yidhi“W axaynu maanta la socona in doolarkii
qiimihisii aad u dhacay ,isla markaana waxaynu la soconaa in
cuntadii dibada laga keeni jiray uu qiimaheegii hoos u dhacay markaa
in aynu isweydiino weyaan cuntadani doolar bay ku iman jirtayee
hadii doolarkii dhacay maxay hoos ugu dhici weyday hadii doolarkii
dhacay maxay ula dhici weyday ee iyada kiciyay, taa kicisay waxa
weeyan ninkii cuntada beeri jiray imika marka aad daqiida oo kale ka
soo qaado wadanka ugu badan ee daqiiqda beera waxa u ahaa Ruushka
imikana abaar baa ku dhacaday oo qamadidiibaa yaraatay ,markaa
qamad idii yaraatana daqiidii baa yaranaysa deetana si toos ah
iyadoo aan waxba u ogeyn bay kacaday.
Waxaan haddaba anigu leeyahay
maalinta aynu leenahay waa maalintii cuntada adduunka aad iyo aadbay
inoogu wajahan tahay inaga in aynu dadaalno oo shaqayno ayaa loo
baahan yahay, guri kasta wixii lagu cunayay ayaa dibada laga sugayaa
dalka intaa leeg ee dhul beereedka intaa leeg na weynu nahay
sanad walbana waxaynu u dabaal dagnaa maalinta cuntada adduunka
waxana kuma darsano ummadahana ka mid baynu nahay markaa aniga waxay
ila tahay, haddii aynu Soma liland nahay timkeenu muxu
noqonayaa markaa adduunka ayaynu iska raacayana inga oo waxba ka
qabsan mise mid inaga in dareema oo wax ka qabsano oo aynu maanta la
baxanaa oo bishaa bisheeda haddi aynu gaadhno isweydiino halkeebaynu
gaadhnay waxan anigu leeyahay aynu bee rano dhulkeena oo
waxaynu inagu cuno aynu beerano dhul aynu wax ka beeranana weynu
hayn aa, anigu waxan ahay dadka aad ugu dhex jira dhulka ku haboon
falashada beerashada waxaad arkaysa dadkii loogu talo galay in ay
wax beertaan oo aan waxba beeranay oo caagad caano ah inta ay suuqa
u soo dirtaan inyar oo bariis ah iyo inyar oo sonkor loogu soo
badalaayo maalin wal ba oo aan caagadii sonkortii iyo bariskii
is waafaqaynin oo maalin walba bariskii sii kacayo daqiiq
diina sii kacayso cagadiina sii dhacayso oo la yidhaadhahdo waa
guyee caanuhuna wey jaban yih iine maxaad caanaha noogu
kicinaysa, markaa anigu waxan leeyahay anigoo afkii dawlada ku had
laya waxa weeyan in aynu dib ugu noqono oo ku dadaalno inaynu wax
beerno ,wasaarada beera ha runtii imika dadaal weyn bay wada oo
bariis bay beeraysaa oo tijabadiisa ku jirta haddii bariisa
kaasi ku dadaalno oo aynu la beerno oo nin waliba dhulkii baneeyo
bariiskanina maaha kii biyaha faadhisan jiray ee waa bariis yar
hadaynu dhamaanteen inteena halkan fadhida in waliba dhul yar buu
leeyahay ama ehelkiiba leh oo nimaan dhul lahayn inaguma jiro
laakiin maanta waxan aad ugu faraxsanahay in iyaga la leeyahay waar
wax beer aanu kaa iibsanee oo waliba adiga aan ku celin ee
inta aniga la iga iibsado ayaa waliba siidh ahaan loo siiya
markaasan dib u beeraya, waxa weey an waa in aynu ku
xisaabtanaa maxaynu qaban karnaa shicib iyo dawlad maanta weynu u
dhan ahay shalayna weynu dhaliilaynay dawladii hore , waxa weeyan in
aynu isku wada darsano oo aynu u jeesano maanta maxaaynu qabsan
karna maxaynu beerana”.
Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Maxamed oo isna halkaasi ka hadlayay
ayaa sheegay inay wadaan mashruucyo ay ku Beerayan oo ay bilaabeen
shinidii u horeysay ee ay ku kobcinayaan wax soo saarka dalka
waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “maanta oo aynu u dabaal dagaynaa
maalintii cun tada adduunka oo ah 16 October oo ku beegan
sodon guradii maalintaa cuntada adduunka , maa nta oo ay wadamada
adduunku ka dhigteen kalmadaa hal kudheg ah ee ay yidhaahdeen u
midaw ga maalinta gaajada oo (United Against Hunger) runtii waxan
ummada reer Somaliland ku boori nayaa in sidii aynu uga bixi
lahayn ama ula dagaalami lahayn gaajada aan ku dadaalno oo cid kasta
oo reer Somaliland ahi ay Arraintaa ka qayb qaadato sida caalamka-ba
tartanka loogu jiro wax soo sarkeena u kordhino isku dayno sidii
aynu iskugu filnan lahayn ee aynu ugu gudbi lahayn sidii aynu
cuntada u dhoofin lahayn ,ummada caalamka ee heerkaa gaadhay mahaa
ummad inaga, ina ga duwan laakiinse waxa kaliya ee ay inagaga duwan
yihiin waa dadaal runtii waxa jooga wadanka Hay’ado faro badan oo
wax ka qabta dhinacyada beeraha ha ugu horeysao ha’yada FAO oo
dad aal weyn ugu jirata sidii ay wax ugu qaban lahayd ama u
horumarin lahayd hawlaha beeraha iyad oo waliba ku dadaalaysa
in ay u raadiso maalgalin wax lagaga qabto beeraha , ha’yado faro
badan oo iyagu-na ku waajahan wax qabadka beeraha runtii kuwaas-na
aad ayaan ugu mahad naqaay naa in ay kordhiyaan wax qabadkooda
xaga beeraha oo, arrinta noogu daran runtii ayaa waxay tahay sidii
waxa looga qaban lahaa biyahaa yar ee ina dhaafaya , wayo
roobabkeenu way yar yih iin madaama roobabka wadanka ku da’aa
yar yihiin in ha’yadahaa aan ka rabnaa had iyo jeer-na waxan la
rabnaa in ay biyahaa ay noo qabtaan taasun baan baan ku kordhin
karnaa wax soo sa arka, Wayo biyo la’aan waxaba maynu kordhin
kareen inaga qudheenu in aynu ku dadaalno bal sidaa aynu biyaha u
qaban lahayn barkado yar yar u samayn lahayd in aynu ku dadaalno oo
u jee sano xaga beeraha , runtii beeralayada Somaliland
dhibaato faro badan baa haysata oo ay ka mid tahay dhaqaale xumada
haysata wadanka maanta taas oo aad u samaysay, waxanay u
saamay sanysaa madaama oo dakhligoogu u yar yahay waxa weeyan
maalgalintii ay ku samayn lahaayeen beeraha ayaa yaraanaysa sidaa
darteed samayn weyn bay ku leedahay cuntadiina waxay noqo tay
mid qiimaheegii kor u kacay oo aan la gaadhi karayn madaama oo wixii
yaradeen oo wax soo sarkii yar yahay.
Waxa kale oo beeralayda haysata hibaatooyin xaga Technical-ka oo
aanay haysan qalab cilmigii-na ku yar yahay iyada qudheedu u baahan
maalgalin aad u faro badan waad ogtihiin wasaarada beeruhu waa
Wasaaradda waxqabadkeedu u aad yar yahay oo wax alaale iyo wax ay
haysata ma jiro wixii beeraha wax lagaga qabanayay ma haysato oo
waxa ay baryasaa waa ha’yadaha”.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Magaalada Hargeysa Eng:
Xuseen Maxamuud Jiciir, ay aa waxa uu sheegay inay muhiimada koowaad
tahay in la kaantaroolo biyaha qulqulaya, ka dibna laga faa’iidaysto
oo dalag laga beerto.
Maxaweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil [Saylici]
oo munaasibadaas oo munaasibadaasi soo xidhay, ayaa Wasaarada
beeraha Somaliland iyo Hay’adda FAO uga maha d celiyey
qabanqaabadooda la xidhiidha xuska maalinta cuntada Adduunka, isla
markaana waxa uu tibaaxay inay muhiim tahay in la is xasuusiyo
muhiimada ay leedahay wax-beerashada iyo wax-soo-saarka dallaga.
Waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Hay’adda FAO ku
ammaanay kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaadato kobcinta
waxsoorka Somaliland, isaga oo tilmaamay inay xukuumad ah
aan-na muhiimad weyn siin doonan horumarinta beeraha waxsoosaarka ee
dalka.
Sida oo kale waxa uu ugu baaqay beeralayda Somaliland inay xoojiyaan
dadaaladooda ku waajah an horumarinta wax-beerashada dalka, si
looga maarmo cuntooyin badan oo dibada ka yimaada oo dalka gudihiisa
laga beeri karo.
C/raxman Axmed Ibraahin (Bataash)
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland
|