“Cid Kasta Oo Dalka Maalgalinaysa Wuu Furan Yahay, Waana Balan Qaadkii Xukuumadu Balan Qaaday In Ganacasigu Xor Yahay Oo Lagu Tartami Karo

Wasiirka Boosaha Axmed Xaashi Oday

 


Hargeysa, June 2, 2011(TNN)-Shirkadda wadaniga ah ee Gulf Petroleum ayaa ku dhawaaqday in dalka Somaliland keeni doonto shidaal Bishan June ee 2011-ka, islamarkaana ay dalka soo gaadhsiin doonto shidaal tayo leh oo qiimaha uu duniada ka marayo la jaanqaadaya.

Waxaana sidaasi lagaga dhawaaqeen Xaflad balaadhan oo lagu wanqalayey shirkadaasi Gulf Petrol eum Trading Company oo shalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa

Xafladan loogu wanqalayey Companiga Gulf Petroleum oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasim ay waxa ka soo qaybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato, Aqoonyahano, Salaadiin iyo marti shar af badan.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland Axmed Xaashi Oday oo xafladaasi ugu horeyn ka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo maalgashanaysa Somaliland waxanu yidhi “Xukuumada Somaliland waxa ay balan qaaday in Cid kas ta oo dalka Somaliland maalgalinaysa in uu u furan yahay, waana balan qaadkii xukuumada Somalila nd balan qaaday in Gancasigu xor yahay oo lagu tartami karo, Shirkadanina waxa ay noqon doontaa kuwa ugu horeya ee maal-gashada dalka, kuwa kalena way soo raaci doonan oo way ku dayan”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku intaa ku daray “Maalgashigaas la yidhi dalka ha la maa lgashado waxay ka danbeysay kadib markii madaxweynaha iyo waftigiisii tagay Dalka Imaaradka Carabta ay cid waliba ay u sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay dalka maalgashadaan, Shirkadan Gulf Petroleum waxaan ugu hambalyeynaynaa in sida ay ugu soo dhiiradeen in ay Somaliland maalgashi ka sameeyaan, maalgashigu waxa ugu weyn ee faa’iidadiisu tahay waxa weeyi in shaqo abuur laga helo”Ayuu yidhi Wasiirku

Rooda Axmed Yasiin oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee shirkada ayaa sheegtay inay dadka reer Somaliland u keenayaan shidaal jaban, waxa kale oo ay intaa ku dartay, in ay tahay masuulkii ugu horeyay ee dumar ah ee madax sare ka noqota shirkadaha shidaalka dalka.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee dibu dajinta haatana ah Maareeyaha Guud ee shirkada Gulf Petroleum. Maxamed Yuusuf Waxanu sheegay in shirkadani tahay mid shidaalka ge ysa meelo badan oo aduunka ah. waxanu tilmaamay in shidaalka ay keenayaan uu yahay mid Jaban oo Tayo leh isagoo faahfaahinayana waxa uu yidhi “Shidaalku waa tamarta uu dalku ku shaqaynayo, haddii aanu shidaal jirina wax kala soconayaa ma jirto, markaa shirkadaydani waxa ay soo bandhiga ysaa shidaal tayo leh oo joogto ah iyo Qiimo Macquul ah. waxaanu xarumo ka furanay magaalooyin ka Somaliland sida Berbera, Burco, Hargeysa iyo Boorama oo aanu dhawaan ka furayno xafiis, waxa anu shidaalka ugu horeeya dalka keenaynaa bisha June ee aynu ku jirno”Ayuu yidhi Maxamed Yuus uf

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo isaguna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan shirkadan shidaalka keenaysa ee Gulf Petroleum waxanu u soo jeediyey in ay dalka keenaan shidaal tayo leh.

Ugu dambayn waxa xafladaasi soo gunaanaday Guddoomiyaha Shirkadda Gulf Petroleum Trading Co mpany Guuleed Jaamac Faarax oo sheegay in shirkadoodu tahay mid ka turjumaysa baahiyaha dad weynaha, isaga oo xusay in dalka Somaliland Bishan June ay keeni doonaan shidaalkii ugu horeyay. Waxa kale oo uu tilmamay in shirkada Gulf ay tahay mid ka shaqaysa Dalal badan oo Dunida ku yaa la, islamarkaana xidhiidh wayni ka dhexeeyo shirkadaha ganacsiga Imaaraadka ee shidaalka

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaano Aqoonyahano iyo Masuuliyiin kale, oo dhamaan tood sheegay in dalka laga soo dhawayanayo Shirkada Gulf Petroleum Trading Company ummada reer Somaliland-na gacmo furan ku qaabilayaan inay dalka keento shidaalka.
 

 

Source:Haatuf