Maagistaydii iyo Magacaabistaydii Laba Isku-Lamaanaa Qormadii: 34-aad. Qalinkii Muj Boobe Yuusuf Ducaale
 

 


Hadda xaaladdaasi meel xun ayay soo gaadhay oo waa tan Odeygii fadhiba loo diiday ee safarrada bari iyo.............

Qormadii aan idiin soo gudbiyaba fal-celis la yaab leh ayaa ka soo noqda. Aniga oo galabta Qormadan 34aad garaacaya, ayaa nin I soo garaacay. War dhiillo leh ayuu ii sheegay oo ah in Jibriil Aammin markii la toogtay, ninkii beddelay ‘Foojarkii’ la waayay ee lagu dilay ka helay khasnadda dabadeeda mar xafiiska la sifaynayay.

Qaybtii 33aad ee Magcaabistaydii, waxaan idiin ku sheegay sifooyin badan oo togan oo ay uu taxanahan koobani leeyahay.Waxaan intaa idiin ku daray in aan idiin sheego sababaha sifooyinkaa keenay. Sida ay aniga ila tahay, waxaan idiin ka sheeekeeyay, waxyaabo ayda an hore u maqli jirin oo noloshiinna iyo aayihiinnaba taabanaya. Waxaan si hufan oo aan dhaleeeco iyo shakhsi-weerar lahayn idiin ku guud-maray siyaabaha dalkan loo maamu lo.Waxaan ku dedaalay in ay Qormooyinkaygu noqdaan qaar mowduuciya (objective) oo aan ‘daati’ (subjective) ahayn.

Qoraalladayda waxaan idin kula wadaagay dhacdooyin dhab ah oo I soo maray, aniga oo aan qofna ribayn qofna aan iskaga rixin. In badan oo aan qormooyinkaygan ku dhalliilay, haddana waxaan ka marag kacay waxyaabo togan oo ay sameeyeen ama ay ila qabteenba. Xaasha! Cidna libin ay leedahay kagama aan masuugin. Mar mar waan idin la yar fogaaday si aan u soo lumiyo ma-kas waxaanay ahayn iska dhigaysay. Raallina waad ka ahaanaysaan haddii aan idin la fogaaday.

Waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii faraha badnayd ee dalkan iyo dadkiisaba xoreysay. Sida in badan oo ila mid ah, wax gaar ah kuma aanu doonayn. Waxaan aamminsanahay sida in badan oo idin ka mid ah in aan dawlad iyo xukuumad midnaba nalaga xigin.Xukuumadduu waa tii aanu u soo halgannay, waa tii aanu doorannay.In aan ceebeeyo iyo in aan xajiime eyo midna qalinka uma hollan.

Sida dadka qaarkii fikrad ahaan xaggayga dadku (macaa dawladdu) Muxaafid iyo Mucaarid iiguma qaybsana. Su’aasha qofka caqliga lihi is-weydiinayaa waxay noqonaysaa: Maxaan Muxaafid ku noqdaa? Maxaan se Mucaarid ku noqdaa?Yab-yab iyo yagleel ayaynu nahay aan weli loxos goyn. Xaalkeenna waxaan u arkaa: “Xaggan qabo iyo halkan ka toosi.” Wax la isku riixo iyo wax la kala riixdo midna ma haynno. Waxaynu taagan nahay ma jirnaa, Gees ka Afrika iyo adduunkaba ma ka muuqanna. Taasina waa mid aynu karaynno

Xukuumaddeenni dhabanka iyo gacanta ayaa isku engegay.Waa ay xiiqsan tahay.TV-gii Qa ranka waad arkaysaan habeen walba inta soo gelaysa ee wax-qabad iyo guulo soo hoyday ka sheekaynaysa.Xog-ogaal ayaan isku tiriyaa, in aan qaldanahayna waa suuro-gal oo qiim ayntu tayda ma aha ee waa ta Eebbe.Wixii soo raacaa waa qiimaynta shacbiga.Xukuumad dan waan ka tirsanaan jiray, in kasta oo ay muddadu koobnayd.

Markaygii horena, shacbiga ayaan ka tegay immikana iyagii ayaan ku soo noqday oo inta noloshayda ka hadhayna aan is-leeyahay ka tirsanow.Xukuumaddu intii aan ku jiray waxay aad iyo aad iyo aad ula yaabbanayd waxan dadweynuhu u arki waayeen mashaariicdan faraha badan ee ay hirgelisay.Intii aan Xukuumadda ku jiray si dadban iyo si toosanba waa looga hadli jiray. Alla, werwer iyo walaac badnaydaa!

Hadda xaaladdaasi meel xun ayay soo gaadhay oo waa tan Odeygii fadhiba loo diiday ee safarrada bari iyo Galbeed galaa-bixinayo. Hadda safarradaa innaga oo ka da’ yar ayaan qaadi karneen.Midi waa geed ka-go’an oo mashaariicda la hirgeliyay intan ay Xukuumadda Siilaanyo talada haysay aad iyo aad ayay uga badan tahay intii ay Xukuumaddi UDUB ee Daahir Ra’yaale Kaahin qabatay ama ku tallaabsatayba. Taa muran kama taagna. Hadda anigu ma aan odhan Xukuumadda Kulmiye, bal se waxaan leeyahay oo ku adkaysanayaa Xukuumadda Siilaanyo. Kaasi waa nabar.

Arrintani, waxay inala gelaysaa sheeko-baralaydii ahayd: Timirta iyo Sonkorta kee ayaa macaan? Ninkii odeyga ahaa ee su’aashaa la weydiiyay wuxu ku jawaabay: “Ma Nahda hore, mise Raandhiiskadanbe?” Sidaas ayuu sonkortii iyo timirtii u kala siiyay labadii sifo. La iskuma haysto in Xukuumaddan Siilaanyo mashaariic badan hirgelisay, xaqiiqadu se waxay tahay in aanay Nah iyo Raandhiis midnaba lahayn. Mashaariicdii ayaa markaa ku soo koobmaysa daar, waddo, ceel ama wax la mid ah oo la taagay bal se aan lahayn maamul iyo agaasin hagaagsan oo aqoon leh. Wixii marka ay sidaa noqdaanna, wax saamayn ah kuma yeelanayaan noloshii mujtamaca, bal dhibaato ayay la imanayaan. Nin aqoonyahan ah oo reer Hargeysa ah oo mashaariicdan iyo hay’adaha Xukuumadda Mudane Mujaahid Axmed Siilaanyo ka hadlayay ayaa laga hayaa: “Waa bilaa ‘Software’ ama ‘Software’ ayaanay lahayn.”

Mashaariicdan la sheegayo, ayaa dib ugu noqonaya tilmaamihii maansooyinkii Gaarriye, markii uu lahaa:

“Dusha jidhifta mooyee,

Show dhuuxba kuma jirin,”



Mararka qaarkood ayuu baadi-doonku kugu dheeraanayaa si aad u hesho suugaan aad xaaladahan oo kale ku sifayso ama ku tilmaantaba.Dib waxaad ugu noqonaysaa, naxariisto Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, fannaanadii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Cumar.Waa Riwaayaddii horraantii lixdamaadkii ay fannaaniintu ka dhigeen Hargeysa. Waa Riwaayaddii ay saddexda nin ku kala dooranaysay ee ay lahayd:

“Mid qun loo abuuroo,

Qurux loo dhammeeyaa,

Ka qalaalan hoostood,

Qawaddaa hadhowtee,”

Mashaariicdan la sheegayo ayaa dadka ula muuqata waxa hoosta ka qalaalan oo aan dhu uxba ku jirin.Hadda ha ila ambanina, mashaariicda naftooda ayaan u jeedaa e’.Ma tusaale nool ayaad doonaysaan.Inta aad doontaanba aniga ayaa idiin la diyaar ah. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa: “Meyd maxaa ugu danbeeyay iyo kaa la sii sido.” Si aan la ii odhan dad kale ayuu maagayaaba aan idiin ku noqdo bartii aan ka hawl-geli jiray ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Wax la raadiyo Ictiraafka aynu ku il iyo dhegba beellanay, waxa inoo raaca yay Idaacad dalka oo dhan laga wada dhegaysto. Bal hadda fadlan ila socda oo ha iga hadhina.

Idaacad 100 kw ah oo dalka Shiinaha laga keenay oo aan loo hagar-bixin. Waxa ka qiimo badan oo looga han-weyn yahay Idaacadda Siddeedaad ee koontarabaan ahaanta u dhex taal barta uu yaallo Muuq-baahiyaha TV-ga Qaranku. Gabayaageennii weynaa ee Axmed Ismaaciil, Qaasin ayaa laga hayaa:

“Gobaad waxay la daaqdaa sagaal, Goroyo-cawleede,

Wax la yidhi gal daayeer cabbaa, habari geysaaye,

Wax la yidhi gujaa lagu lisaa, labada gooroode,

Gol-qaniinna waa loogu daray, yaanay gaaggixin e’,”

Idaacadda cusub markii aan ka quustay shidaalkii ay afarta bilood ee sannadka ka hadhsan aa ku shaqayn lahayd, ayaan door-biday in aan ka maqnaado kol haddii aanan ka muuqanayn.Odhaahda ayaana sidaa ahayd.

Idacadda cusubee 100ka kw ah, waxa laga jaray oo loo quudhi waayay TV-gii Qaranka ee gunnayn lahaa, oo laga door-biday sida la sheegayo ee laga yaabo in ay weliba muuqato in lagu gunneeyo dad gaar ah oo aan Madaxtooyada ka fogeyn. Hadda farsamayaqaannadii ka hawl-gelayay waa ay bakhtiyayaan.Hadal-haynteeda yaraatay ayaad ka garanaysaa in aanay samayn saamayntii ay samayn lahayd.

Waxaas iyo wax la mid ah ayay Xukuumaddeennii doonaysaa in aynu u riyaaqno oo durba an been ah u qaadanno. Xagga Hay’ad-dhiskaXukuumaddeennu waa ka hungo-qaawan oo hor Ilaahay ayay ka joogtaa.Shaqaalihii waaya-aragga ahaa ee aqoonta lahaa maalintii ay xilka tirsatay ayay u qaadatay xaaqin aan murxayn oo aan madhanayn oo ay ilaa maanta dabada haysato. Dad aan melena shaqo u soo marin ayaa tuurta lagu sitaa oo sidaa loogu saydhayaa hay’adihii Qaranka, intii xilalka gudan karaysay ee xishoonaysaynna dibadda loo tuurayaa. Aqoontayda gaaban, waa sida ay ila tahay.

Faanku wuxu ku jiraa xulidda, carbinta, korinta, tababaridda, dallacsiinta, u-xaq-sooridda iyo aqoon-u-kordhinta shaqaalaha hay’adaha dawladda ka hawl-gala (Human resources development).Faanka iyo reyn-reyntu kuma jiraan inta goobood ee aad dhisto. Adiga oo aan wax maaddiya (material) dhisin, ayaad shaqaalaha aad dhisataa meel cidla’ ah wax kaaga soo saarayaan, meel la dhisay oo kuwa ka shaqaynayana hayb, eex iyo qolo lagu soo xulay oo aan wax kale loo eegin, gool ku dhalan maayo, dadkana lagu sabi maayo. “Waa dad soo gubtoo jabay.”

(La soco…………………………………………..)