Maadooyin laga helay
caanaha geela oo rajo u noqon kara malaayiin
dad ah

"Waxyaalaha mudo aad u dheer
kamid ahaa quutal-yowmka caafimaadka qaba ee dunida Carbeed maalin
walbaale laga isticmaalo ayaa waxaa la rajeynayaa in mustaqbalka
dhow ay nasiib kaa lamida helaan Wadamada galbeedka Yurub iyo
Woqooyiga America". ayaa lagu bilaabay Macluumaad lagu lafa guray
Caanaha Geela
Aqoonyahano ukuurgalay
baadhitaanona kusameey waxay kutilmaameen in Caanaha geelu hodan
kayihiin Vitamiino aad u badan iyo waxyaalo muhiim u ah Jidhkeena
iyago kutilmaamay Quud aad tayadiisu u sarayso marka la eegayo
caafimaadka.
Faalo ay Hay'ada Cuntada Aduunka
ee FAO kasii deysey Idaacada BBC-da qaybteeda Online-ka ayay kaga
warameen inay soo waaridida Caanaha-geela aad u danaynayaan qaar
kamida Dukaamada waaweyn ee dunida ugu caansan Sida: Harrods,Fortnum
& Mason
Aqoonyahanada baadhitaanada
kusameeyey Caanaha geelu waxay isku raaceen in Caanaha geela oo
dha-dhan ahaan kayara dhanaan kuwa Lo'da qani kuyihiin Vitamiinada B
iyo C, Macdanta Birta ee kujirtaana tobanjeer kabadan tahay kuwa
caanaha Lo'da laga helo.Sidoo kale waxay dadk aqoonta fiican u leh
arimaha kutaxaluqa quudka kutilmaameen iyagoo kaduulaya Kaalshiyamka
oo aad ugu badan caanaha geela aadna ugu yaryihiin maadooyinka
baruurta sameeyaa arin baahideeda leh in gacmo furan lagusoo
dhaweeyo caafimaadkana waxtar buuran u leh si loogu kaabo
Quutal-daruuriga.
Waxay kaloo Culimadu isla meel dhigeen baadhitaanadoodana
kuxaqiijiyeen in Maadooyinka kujira Caanaha geelu lidi kuyihiin
xanuunada Kansarka,HIV/Aids, Alzheimer iyo Hepatitis C ,Arintaasi
waxay usii gogol xaadhay kuna sii dhiiri gelisey aqoonyahanada in ay
baadhitaano dheeraada ugu sii gonda degaan si ay wax uga ogaadaan in
Caanaha geela laga heli karo Maadooyin kale oo waxtar u leh
kahortaga Diabetes-ka (macaanka) iyo Cudurada Wadnaha kudhaca.Waxa
iyana jirey Wiigagii lasoo dhaafay warar kale oo sheegayey in
Dhakhaatiir Holandiis iyo Jarmal lihiba si kala gooni-gooni ah uga
heleen Caanaha Geela Maadooyin lagu daaweyn karo Asmada iyo
Dhiig-karka.Nasiib darose aanan waqtigan xaadirka ah halkan kusoo
xigan karin.
http://www.bleibfit.at/kamelmilch_liefert_antikoerper.phtml
Sidii Daawo ahaan maloo isticmaali karaa
Caanaha Geela?.
Faalooyinka qaar waxay isweydiinayaan Caanaha geelu Dawo manoqon
karaa.
Hadii Caanaha geela labarbar dhigo bay leedahay macluumaadka kasoo
bax ay baadhitaanadii kala duwanaa ee lasameeyey Caanayowga laga
maalo Ida ha,Lo'da,Riyaha iyo Fardaha waxaa kasoo baxay in
Caanaha Geelu yihiin kuw a Qofku ugu qabatimi ogyahay,waxaanay
dhamaan Caanayowgaa kale kaga tageen meel cidla ah markii laqiyaasay
Protein-ada (fadlan hoos ka akhri wa x a yahay Protein-ku)
kujira Caanaha geela iyo waxyaalaha ay xambaarsan yihiin oo wax loo
dhigaa jirin dhan walba.
Tusaala ahaan waxaa haba yaraatee
laga waayey Caanaha Geela Maadada loo yaqaano Beta-Lactoglobulin iyo
weliba Maadada kale ee loo yaqaano Beta-Casein lagana helo Caanaha
Lo'da (labaduba waxay kiciyaan Alergiga).
Dhanka kale Caanaha Geela waxaa laga helay Maadada loo yaqaano
Immunglobuline (waa nooc kamida Proteinada oo difaac adag leh iyadoo
ay weliba intaa udheertahay waxay Maadadani kor usoo qaadaa marka
difaaca Jidhkeenu daciifo ) iyo weliba Maadooyin kale oo lidi ku ah
noocyo fara badan oo Bakteeriya ah.
Geba gebadii markii laysku soo
kiciyey waxay noqdeen Caanaha Geelu kuwa keliya ee ugu dhowaaday
Caanaha Ubadku Naaska Hooyada kanuugaan ,tusaale ahaan
hadaynu soo qaadano waxa kujira Caanaha Geela Maadooyin joojiya,
kahor taga ama baabiiya waxa loo yaqaano Morbus Crohn (fadlan hoos
ka akhri waxay tahay Morbus Crohn) inkasta oo aan baadhitaanadan
lagu xaqiijin halka ay ka imanqayaan ,sida ay wax ula dagaalamayaan
qaab ahaan loona magac bixin,waxase la ogyahay in Caanaha laga nuugo
Hooyada ay kujiraan Maadooyin kuwan lasansaan ah oo kahor taga
noocyo badan oo Cuduro ah oo ay kamid yihiin Kansarka kudhaca
Afka,Cunaha,Hunguriga,Mindhicirka etc...etc.
Morbus Crohn waa Nabaro asalkooda kabilaabma Mindhicirka ama qayb
kas ta oo kamida Dheefshiidka,ama kabilaabma Afka ugana sii gudba
Hunguriga gaadhina kara ilaa meesha u dambaysa Mindhicirka haba u
badnaadeen qay bta u dambaysa Mindhicirka yar (Ileum) ama
halka uu kabilaabmo Mindhicirka weyni (Kolon) aakhirkana isu bedela
noocyo kamida Kansarka iyo Gaaster iga..iyo dabcan Xanuuno
kale oo oo kudhaca Uurkujirta...etc.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa Nimco waliba nusqaanteeda lehe waxa
iyana baadhitaanadan lagu ogaadey in hayaraato hase badnaatee
Caanaha Geelu lumiyaan noocyo fara badan oo Macdano iyo Vitamiino ah
marka lakululeeyo ama lakariyo halkaana waxaa kadhalatay su'aasha
odhanaysa sidee waqti dheer loo kaydin karaa caanaha Geela iyagoo
aanu ku iman wax isbedel ahi loona gaadhsiin karaa Wadamo fog-fog,maadaama
aynu wada ognahay in Dadka Geela dhaqdaa ay badiyaa kadurugsan
yihiin Magaalooyinka?.
http://www.kamelhof.de/510488985712f0405/51048898571325 f25/index.html
Waa maxay Protein-ku?.
- Protein-ku ugu horeynba waxaynu
odhan karaa waa aasaaska Jidhka wax aana looga baahdaa meel
kasta oo Unug kadhalanayo ama kadhambalmayo
hanoqoto Muruqyada Neerfayaasha...etc
- Waa Gaadiidka xambaara
Ogsegiinta gaadhsiiyana qaybaha kala duwan ee Jidhka.
- Waxay Jidhka u kaydiyaan
Macdanta Birta (fe),
- Waxay suurtageliyaan dhaq-dhaqaaqa Muruqyada,
- Waxay xoojiyaan dhamaan Xubnaha kala jiidma sida:
Seedaha,Muruqyada,Mergiyada..etc.
- Waxay kaloo Xoojiyaan difaaca Jidhka.
Waxaa soo diyaariyey qaybo kamida soo turjumey
Hersi Osman
Frankfurt am main/Germany
osam71@hotmail.com
|