Ma Wasiir Cabdirisaaq Baan Geyin, Mise Hay'adda Samo Falka iyo Xagla Toosiyaa Wada Socday

 


Aniga oo tix gelinaya, ixtiraamayana oo waliba jecel jiritaanka qaranimadda Somaliland, wa xaaan si caadi ah ku cabirayaa dareenkayga, aragtida aan ka qabo Magacaabista Wasiirka cusub ee dib u dejinta Saleebaan Ciise Axmed, oo ay mar qudha dhagaha shacabka ku soo d hacday in loo magacaabay Wasaarad uu masuul ka yahay Wasiir ka soo jeeda Gobolka Awd al.

Kaas oo sida aynu la wada socono ahaa Wasiir, wasaaradda uu maamulo ka adag oo maamul fiican, iyada oo Dhawaan Wasaaradda Dib u dejinta la hoos keenay Hay?adii samo falka Mad axtooyadda, taas oo dabcan Miisaan Shaqo ku soo kordhisay.

Waxa su'aasha isweydiinta lihi ay tahay, Ma Wasiir Cabdirisaaq ayaan u qalmin, wasaaradda Iminka uun yeelatay Miisaanka Mise Hay'addan Mucaawimadda iyo Xagla Toosiye ayaa wada socday.

Aniga oo qaba fekerka ah in beesha Dhulbahante sax ku tahay in la siiyo, saamigii ay xaqa u lahaayeen ee golaha wasiiradda, filayana in ay xaq u lahaayeen Wasaaraddaha kala ah, Arr imaha Gudaha, Duulista iyo Hawadda, Macdanta iyo biyaha ama Wasaaradda arrimaha diba dda.

Wasaaradahaas oo ay dhamaan ka taliyanaa ama masuulo ka yihiin, rag ka soo jeeda bees ha Dhexe, waxaana garaadka saxda ahi odhanayaa saamiga Dhulbahante, wuxuu ku maqan yahay ama buuxiyay beesha dhexe, balse arrintani waxa ay fajac ku noqotay dhamaan shac biga oo la yaabay Kursiga uu fadhiyo Masuul reer Awdal ahi in loogu wanqalo Soo dhaweynt a Dhulbahante.

Maaha ujeedadaydu in aan leeyahay dhulbahant uma qalmaan Kursiga, laakiin waxa aan she egayaa in aanay soo dhaweynta Dhulbahante mudnayn oo qudha booska Reer Awdal ee ay ahayd in mansabyadda ay beesha dhexe isku taxeen laga siiyo wixii ay u xaq lahaayeen.

Nasiib darose may dhicin oo waxaa lagu dul dhacay
Awdal oo marka horeba ul booc ah loogu tukubayay.

Hadaba sugida jiritaan qaran buuxa waxa astaan u ah in si siman looga wada muuqdo maam ulka dalka, Somaliland oo 21 jirsatay, soona martay marxalado kala duwan weli may dhicin t an oo kale, mana aha wax raali gelinaya qof wal oo damiirkiisu fayoow yahay.
 

 


Hodan Axmed Cali

Dubai