MA RUNBAA JAAMAC YARE WAXA MADAARKA KU QAABILEY FAYSAL CALI WARAABE?
 

 

 


Waxa u xaqiijiyey agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha in Jaamac yare ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeisa. Agaasimuhu wuxuu VOA u sheegay inuu Jaamac Yare yi mid kadib markuu madaxweynuhu u fidiyey cafis, uu ninkani soo dalbaday. Waxase wakaalad aha wararka qaarkood soo qoreen inuu Jaamac yare shir jaraaid ku qabtay Madaarka oo sh eegay inuuna wax cafis ah dalban oo uuna cidna uga baahnayn cafis ama oggolaansho uu dalka ku yimaad.

Arrintan ah cadowga Somaliland ee dalka iska soo galaya, tan iyo maalintii kulmiye xukunka la wareegay, maqaal dambe ayaan fikraddayda ku soo bandhigi doonaa. Waxaaase fajiciso igu noqday arrinta in Faysal Cali waraabe (Guddoomiyaha Xisbiga Qaran ee UCID) uu ninkan kaga hortegey madaarka si uu ugu soo dhaweeyo, isagoo wata duqa magaalada Hargeysa. Jaamac yare oo la ogyahay inuu geed gaaban iyo ku dheerba uu fuulay sidii uu qaddiyada gooni isku taaga ee Somaliland u baabiin lahaa.

Wuxuu ahaa ninkii 1962kii maxkamda soo saaray saraakiisha ciidanka ee u hoggaaminayey X asan Kayd ee isku dayay in Somaliland goosato. Wuxuu ka qayb galay 100kii shir ee Somaliya loo qabtay tan 1991kii, isagoo ag fadhiya kuwii shacabka Somaliland xusuuqay ee ka mid aha ayeen gacan ku dhiigle Gaandhi iyo Morgen. Wuxuu meel walba ka sheegay inuuna marna na sanayn ilaa u baabiiyo Somaliland. Ninkaa ayaa aayar iska soo galay Hargeysa. Waxaase ka sii xanuun iyo murugo badan inuu Madaarka ku soo dhoweeyo nin madax ka ah Xisbi Qaran, door ashana u galay inuu madaxweyne ka noqdo Somaliland!!!!! welina ku hammiyaya oo diiday in uu guddoominimada xisbiga ka dego.

Waxay dadweynuhu ka argagaxeen markii Faysal iyo raggii xisbiga kula jireen is qabteen wixii uu ku hadlayey....hadaladii Qabyaalada, Qabiilaysiga iyo Qaran dumiska ahaa. maantana had duu soo dhoweeyey ninka Somaliland - diidka ah. Waxa cad inuu Faysal uuna rabin qaranimo Somaliland oo cadawga dalkeena sidii ay yar dhabta ugu fadhiyo. Wuxuu caddaystay in qabiil ku uga qiima badan yahay qaranimada Somaliland (waa isku qabiil jaamac yare iyo duqa Harg eysaba).

Arrintani hadday runtahay waa ayaan darro.... waxa qabriga ciil dartii qabriga isku laba rogay Geesigii Ibrahim Koodbuur (oo isku qabiil ahaayeen Faysal) iyo rag badan oo dalkan dartii naft ooda u huray una dhintay! Ha la ogaado UCID maaha xisbi Qaran ee waa urur u xaytay inuu Qaranka dumiyo.

 

 

 

 

Ayanle Hussein
ayanle_60@hotmail.com