Ma Ninka Xukumi Kari Waayay 150 Qof , ayaa Lagu Aamini Karaa Somaliland?

Waxa hubaal ah in cid kasta oo la socota hadalada uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmad Maxamad Siilaanyo ka jeediyo fagaarayaasha iyo munaasabadaha lagu kulmo, in uu ka dhadhansan karo sida kulul ee uu u weeraro madaxda xisbiga UDUB .

Waxa aan shaki ku jirin in habka loo qabtay shirka iyo sida uu Siilaanyo u maroorsaday talada xisbiga Kulmiye, ay muujinayso sida uu Siilaanyo u yahay kalidiitaliye aan ogolayn in lala tartamo. Siilaanyo waxa uu si cad isku hor-taagay in lagula tartamo jagada Gudoomiyanimada iyo ta murashaxnimada madaxweynenimada. Qaamuuska dimoqraadiyadda kuma jirto qof kalidii jago sare isku soo sharaxa oo la yidhaahdo cidi lalama tartamin.
Sida u caadada ah, marka uu fagaarayaasha kahadlayo Mudane Axmad Siilaanyo, waxa uu aad u dhaleeceeyaa madaxweyne Riyaale oo uu ku tilmaamo in aannu ahayn qof u soo dagaalamay ama ka qayb-qaatay halgankii, balse uu yahay mid ka soo horjeeday halgankii hubaysnaa ee ay SNM soo gashay, hadaba waxa layaab leh sida uu uga hor-yimid in Mujaahid Cabdi Raxmaan Aw Cali oo ahaa qofka qudha ee beesha samaroon kaga jiray halgankii SNM in uu noqdo Madaxweyne ku xigeen. Waxa dad badan ka yaabisay taageerada uu Siilaanyo siiyay CabdiRaxmaan Saylici oo aan haba-yaraatee wax taariikh ah ku lahayn halgankii hubaysnaa ee ay SNM kaga soo horjeeday taliskii Siyaad Barre. Taageeradan uu Siilaanyo siiyay C/R Saylici waxa ay ka soo horjeedaa hadafkii uu fagaare walba kaga tiraabayey ee ahaa in ay dawladnimadii gacanta u gashay dad aan u soo dagaalamin gobonimada Somaliland.
Ficilka Siilaanyo uu ka muujiyay shirwaynihii Golaha Dhexe ee uu Xisbiga Kulmiye ku qabsaday Magaalada Burco, waxa uu muujinayaa sida uu dimoqraadiyaddii uu xisbigu ku faani jiray u dhaawacay. Aqoondarada Siilaanyo waxa ay dhaawacday isku duubnaantii xisbiga, waxa ayna meesha ka saartay mala-awaalkii iyo hadaaqii ahaa in uu Xisbigu ku guulaysandoono doorashooyinka soo socda.
Damaca aan xadka lahayn ee uu Siilaanyo la yimid waxa uu ka turjumayaa dabeecaddiisa ku dhisan xukun jaceylka . Arintani waxa ay khatar ku tahay hanaanka dawladnimo ee ku dhisan dimoqraadinimada ee ay Somaliland hiigsanayso. Dada badan ayaa rumaysan in haddii uu Siilaanyo noqdo madaxweyne aanay dalka ka jiridoonin dimoqraadiyad iyo tartan loo galo hogaanka dalka sida haatanba uu ka muujiyey Kulmiye dhexdiisa.

Waxa aan shaki ku jirin in ay maanta beenawday waxyaabihii uu Siilaanyo ku faani jiray iyo mabaadiidii dhalaan habaabista ahayd ee uu Kulmiye dadweynaha ku beer-laxawsanjiray.
Waxa ay dad badani saadaalinayaa in haddii ay Siilaanyo iyo C/R Saylici ku guulaystaan doorashada soo socota, in ay suurtagal tahay in si dhib yar uga tanaasulaan gooni-isu-taaga Jamhuuridyadda Somaliland.
Waxa dad badan fajiciso ku noqotay sida aan gabashada lahayn ee uu Siilaanyo u maroorsaday maamulka xisbiga, taas oo dhalisay in uu xisbigii Kulmiye laba ugu kala jabo. Taan waxa keentay maamul-xumada Siilaanyo.
Waxa hadda la is-weydiinyaa sida xisbi kala jabasani uu doorasho u gelikaro iyo sida uu taageero uga helilkaro dadweynaha Somaliland ee ogaaday in ay dimoqraadinimo ka dheer tahay Xisbiga Kulmiye .
Hadadaba waxa ay is weydiintu tahay Ma Ninka xukumi kari waayay 150 qof , ayaa xukumi kara Malaayiinka qof ee reer Somaliland, jawaabtu waa maya suurta gal maaha.

 



Abshir C/laahi Hassan

Hargeysa, Somaliland