Ma mansab doon baynu ahayn mise masiir doon

 


Marka hore waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo akhristayaasha sharafta leh. Marka labaa d , waxan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo laba arimood oo maal mahan danbe hadal hayntoo du socotey.

Sidaynu lawada soconoba waxaa dhowaan soo geba geboobey magacaabistii xilalka sare ee da wlada cusub,Sida Wasiirada, Agaasimayasha Guud iyo Hayadaha madaxa banaan.

Sidoo kale waxaa jirey la xisaabtan masuuliyiin xilal ka hayey dawladi hore taas oo xoqitaan iyo xajiimayn lagu sameeyey balse mudnayd soo dhowayn inkasta oo dadka sida khaldan u dhigaye y dad yar oo kooban ahaayen , waxa ku filayd xisabi xil maleh hadaan la xumayn.



Hadaan u daadego dulucda maqaal kayga biyo dhaciisu yahay:

Waa wax iska dabiici ah inaan meel lagu wada dhamaan, waxana dhacda in dad rejaynaya in ay ku soo baxaan iska dhexwaayan liisaska magacaabista taas oo aan u dhicin kas iyo ku xumayn laakin xilalka iyo dadka oo kala badani aanay suura gal ka dhigayn in qof walba iyo qabiil walba murayada iska arko markasta oo doorasho dhacdo ama cidl a magacaabo dad soo dhoweya iyo dad saluugaaba jiraan haba kala bataane, diido cidina soo dhowayso, laakin waxa lagu kala duw an yahay sababaha loo cuskanayo darkaa laga bixinayo.

Waxa wax lala yaabo ah in dadka hada ka hadla magacabista dawlada cusubi aanay haba yara to e ku salayn cabashadooda aanay ku salayn aqoon, waayo,aragnimo,daacad iyo aaminimo, ba lse ku saleeya qabyaalad qaawan un.Taasna waxaa soo afjaray nidaamka dimuquraadiyadeed iyo asxaabta badan ee aynu qaadanay. Waxaaba xididka loo siibay markii ay dhacday doorasha dii dhowayd ee madaxtooyadu taas oo si aan kala hadh lahayn oo heer qaran ah kana fog qabi ilo iyo qoysba, ay shacabka reer S/land ugu doorteen hogaanka shanta sano ee soo socda ho gaamin lahaa kana talin lahaa ayahooda iyo mustaqbalkooda


Waxay si cad u muujineen shacabku bisayl iyo qaangaadhnimo wadaniyadeed waxay codkooda ku muujiyeen oo kale in ay yihiin masiirdoon ee aanay ahayn mansab doon.

Waxaa xusid mudan oo lama ilaawan ah oo ucad sida qorax gadiid joogta,  inay leeyihiin hadaf hi gsad iyo himilo gof oo isku mid ah ,kana guureen qaab beeled una guureen xisbiyo dimuquraadi yad iyo in cidii isku fakir iyo mabda ahi israacdo.Waxaan leeyahay dadka arin kasta oo  caafima ad qaba kana caagan qabyaalad sida magacaabis iyo xisaabtan iska taaga xaga qabiilka,  dadku way ka koreen boog la xoqo iyo beelo,  lamina majaro habaabin karo hadaf kooda iyo midnimado oda, masiir doonka ku dhisan mansab doon in loo leexiyo



Abtirsiimadii laga tegey bay uurka ku hayaane
Maba oga dastuurkiyo xisbiga laysku aaminaye




Waxaa hubaal ah in durba aynu hayno isbedel iyo bilow wanaagsan iyada oo aan lagaadhin xili la dhaliilo dawlada cusub,masaafada kunka mayl ahi waxay ka bilaabmata talaabo ilaa hadana wax aa dawladu qaaday talaboyin wax ku ool ah taas oo ay indhihii caafimad qabaa arkayan sida ay u qorshaysan tahay talaaboyinka ay qaadayaan oo boqol maalmood loo qorsheeyey halka  qaw laysatadii UDUB qorshe iyo wax qabad midna la iman haabkeedna hayn,markaa aynu sugno oo yaynaan ka deg degin oo aynu sidii isku duubnida lahayd ee aynu u dooranay hogaanka dalka is u garab taagno, si aynu u gaadhno ugana midha dhalino ujeedooyin keena iyo hadaf keena sida, horumar iyo ictiraaf



Waxaan kaga baxaya gabaygan:


 

Inkastoo halyey hanan kara

Oo hanada loo dhiibey
 

Inkastay hanaan wax u wadiyo

Horumar loo aayo

Waad hayb sataan dawlada'e

Uma hilowdaane

Haadaa qabiil baa ina rogey

Aad ku hadafteene

Ninkani waa halyey

Yaase raba waaba reer hebele
 

Walee taas hadaynaan ka hadhin

Haakah odhan mayno

 

 

 

 Yuusuf Xasan Cabdilaahi
yuusuf_x@hotmail.com