MA KULMIYE
AYAA GUULAYSTAY MISE UDUB AYAA GUULDARAYSTAY ?
Ahmed Arwo

Waa
isku mid haddana kala kaan, oo kolba dhinaca aad ka
eegto. Waxa se hubaal ah in shacbigu gu ulaystay.
Waxa muuqata dhaqdhaqaaq aan hore looga arag Dawladda
Hoose oo weligeed UDUB aha yd welina ah, waxa
bilaabmay qurxintii iyo bilic soo celintii magaalada
Hargeysa. Waxa is-taagay sh axaadkii looga bartay
askarta. Yaa wax siiya, bal adba garo. Waxay noqdeen
duul ka xishooda kaar aamo jabkii ka haystay gacan
aadmi ooy hoos dhigtaan, iyagoo habeen iyo dharaar u
heegan hawl qaran. Waxa ugu hawl badan askarta taraafiga
oo jidad qaab daran, iyo darawalo aan wadis aqoon, iyo
shacbi xad dhaaf ah kala hagaaya, ayna u raacdo xoolo
aan cidi wadin, gaadhi dameer daalan, iyo ey baabuurta
hoos hadhsada.
Intaas ha ahaato iidaankii maqaalka, ee aan gudo galo
dhacdooyin muujiyey sida guusha loo hantay, oon weli u
qudhqudhsamin reer UDUB. Waxa weli Madax/xigeenka Aamed
Yaasiin iyo Xoghgayaha G uud si fog u baal
marayaan waxa dhashay guusha Kulmiye, iyagoo meel kaga
dhacaaya garaadka d adweynaha kala doortay 5 sano
oo la mid ah 8 deedii ay soo mareen, wax-qabad la’aan,
been joog ta ah, laaluush, xatooyo iyo cay
daramalka ay u garaacdo warbaahintii qaranku. Bal
dhegayso dana nka iyo kalsooniada ka soo baxaysa
dhalintii cagta afka laga saaray...waa Radyow Hargeysa
oo dar daaran iyo dhaliilo xukuumadda cusub looga
digaayo ku adimeysay, waa TVgii qaranka oo ka hoos
b axay qoyskii cunaha hayey..Maxaad ka filaysaa tartanka
waxqabadka ay hormoodka ka yihiin Maya or Jiciir
iyo Ina Xoor Xoor. Maxa hore u diidanaa inay hawshan
fuliyaan, maxay ujeedadoodu tahay? Ha ka tegin Taliye
Saqadhi.. Waxa muuqata in labada oday yihiin kuwa keliya
een garan in awoodda dadweynahu leeyahay, garaadkoodana
qabaan, dad karaamo u dhashay oon badankooda baahida
haysa ayna hoos u dhigeen sharaftooda, waa kuwa diiday
inay codkooda eebshaan, waa kuwa KU CIIL BAXAY CODKOODA
IYAGOO GAAJOONAAYA OO HARAADAN.
Waxaan ahaa kormeer
Kulmiye ah iyo magaalada Hargeysa. Waxaan 7.30 ee subax
u lugeeyey Dugs iga Gaandi oo dhowr talaabo u jira
gurigaan deganay, xiligaas maan haysan warqadda
Kormeerka oon sugaayey. Waxaan se xidhnaa koofiyadda U
CODEE KULMIYE...waxaan galay dayrkii dugsiga oo laba saf
oo midna dumar yahay midna rag si miyir ah loo taagan
yahay. Waxay garaaceen sacabka iyagoo leh ..KUNNA YUU NA
SIINE KULMIYAANU NAHAY.. waan la yaabay ciilka iyo
cadhada haysa ee ayna qarin karayn dareenkooda.. Waan
dhextegay oon idhi guulaysta..Waxa horjooga afar askari
oo iyana sacabka iyo weedhaba la wadaagaaya...Wiil
dhalinyaro ah ayaa kor u yidhi..Afartaa oday ee
cumaamadaha sita ayaa naga UDUB ah Waxaan idhi waa u xor
codkooda ee iska daaya cayda iyo q
of-tilmaamka...Adeer waa runtaa ee ilaa shalayto ayey
kolba na lahaayeen naga iibiya codkiina.
Kolkaan bilaabay Kormeerkii oon ku wareegaynay baabuur
uu weday walaalkay Cali nalana socday Baashe Cabdi,
Guddoomiyaha Ololaha Kulmiye ee Galbeedku oo
gaadhigiisii siiyey koox kale oo korm eer ah,
ayaanu ka bilownay Kheyriyadda oo ah meel dad buux
dhaafshay, safafku 8 iyo wax ka bad an ay yihiin
ay is-dhexgaleen . Waxa laga cabanayaa in siday safka u
hayaan kolkay gudhaha galaan la odhanaayo dib u noqda oo
safka kale ayaa xarafka magacaagu ka bilaabmaa yahay.
Haddana ca dho ma jirto, ee samir aan qiyaas
lahayn iyo go’aan adag ayey miyir dib ugu laabtaan...
Weligiinba na celceliyaa walee KULMIYE ayey guushu
raacaysaa...islaan 70 jir ah ayaa is haysan kari weyday
ayaa ku tiraabtay.
Safkii oo lagu jiro ayuu nin xidhan kaadh ay ku taal
magaca Komishanku soo dhexgalay dadkii isagoo ku amray
si qaldan inay safafka kala bedelaan oo buuq
dhashay..deedna koox dumar ah ayaa gara tay...Waa
tuug UDUB ah ee ha rumeysanina...waxa xigtay isagoo
kabta loo naco..mabuu joogsan ee degdeg ayuu dhinaca
suuqa u cararay.. Waa dareen labada oday ka qarsoon.
Waxaanu gaalaa bixin ay KIlinka, Biyo Dhacay,
Sheekh madar, iyo meelo kale oo ka tirsan Gacanlibaax,
26ka Juun, Koodbu ur iyo Axmed Dhegax... Waa
dhacdo kale iyo agagaarka masjidka Xawaadle.. Waxaa
naloo sheegay in dadku diideen biyo iyo sharaab ay
qaybinayeen reer UDUB...Ha cabina waa fal ee... Iyana
waa dar een wax ku qaadasho leh..
Ku darso oo heesaha
mobileka soo dhacaaba waxuu qaadayaa... Halyeeyadii...iyo
KULMIYOW cayn anaka hay...Waxa kaalinta labaad ah
..DILAAL NOO DHUUNTAYOW DHAADHAC...isgaadhsiinta
KULMI YE waa heer sare ka xoog badan oo ka xooli badan
ta CIAda..Waa Osmaan Saxardiid oo sacaad saa cad
nooga soo warama Oodweyne iyo Burco Galbeed,,,,Waa
Cabdilaahi Gidhigidhi oon khadkeygaba ka bixin oo ka soo
waramaaya Burco bari, waa Cali Isse oo soo kooba wararka
Bari, ha ahaato Cee lafweyn, Garadag, Ceerigaabo,
Laascanood, Caynaba iyo Buuhoodle... Waa war farxad leh
oo dham maan sheegaaya in Guushu tahay KULMIYE...maan
garan xiligaas waxa reer UDUB maqlayeen... kol
ayba warbaahintooda oo ku salaysnayd been iyo riyo iyo
faal wey garan weyday dareenkii dadwe ynaha.
Waxa ayaan darro ah in guushaas lagu sheego mid ka
dhalatay is-kaashiga cadowga Somaliland gu do iyo
debedba, sida Xoghayaha UDUB sheegay. Waxa iyana gef ah
in shaki la galiyo codka dadawe ynaha u guntaday
danta guud, diiday in codkooda ay siistaan qadhiidh, oo
la yidhaahdo waa la fars ameeyey, sida uu qabo
Madax/xigeenku. Waxa cad in hadalkaasi yahay mid lid ku
ah danta qaranka, loona nisbeen karo mid cadownimo ah,
oon ka naxayn magaca iyo maamuuska uu leeyahay qaranka
Soomaliland ee ammaanta iyo sharafta ka helay doorashada
sida weyn adduunku ugu qiimeeyey.
Aqlabiyadda xoogga
badan ee codka siisay KULMIYE, waa mid shacbigu ay ku
muujiyeen inay bislaa deen, gaadheen heer ay
garteen inay iyagu awoodda leeyihiin, hoggaanka ay
doortaana ay badeli karaan. Waa u digniin hoggaanka
cusub, waxaana waajib noqotay in la joogteeyo la-xisaabtan
cid kasta oo xil haysa. Waana mid hoggaanka cusubi ku
xisaabtamaayo, awoodeed, kartideed iyo aqoo
nteedna leh. Waana sida uu ku bilaabay la-tashiga
ballaadhan ee bulshada uu u fidiyey, si uu u helo fikir
iyo hab uu ku soo xulo rag iyo dumar uu ku aamino
fulinta barnaamajkii uu ummadda u soo band higay,
shacbiguna ugu codeeyey.
Waxa iyana ah talaabo horukac ah in la dhisay Guddiga
Ilaalinta iyo Dabogalka Hantida qaranka, ood moodo in
meelaha qaar laga sheegaayo in lagu dhacay hanti gaadiid
iyo qalab kale leh, iyo guryo la magac guuriyey. Intaba
waxay tahay in Madaxweyne Riyaale inta u hadhsan ka hawl
galo, haddii kale iyadoo dabagal lagu samayn doono,
waxay noqon doontaa mid magac xumo ku noqon karta,
ta ariikhdana u gali doonto, laguna xusuusan doono.
Waa guusha KULMIYE oo loo rogo guusha dadweynaha, taasna
waxa lagu gaadhayaa in la hanto h immiladooda oo
la hormariyo kolba danta guud ta ugu culus. Waxoo dhanna
waxa horseed ka ah xu kuumadda cusub ee la sugaayo.
Waana waajib in xilka loo dhiibo rag iyo dumar lagu xulo
aqoon, karti iyo daacadnimo, iyo waxii kale een danta
guud looga maarmeyn. Waa tan shacbigu ku codeeyey, wa
ana tan barnaamajka xisbigu ku dhisan yahay, hoggaankuna
aaminsan yahay. Waa muraayad laga akhrisan karo fulinta
iyo ka-midho-dhalinta barnaamajkii guusha lagu dhaliyey.
Allaa mahad leh, guushana aan ka midho dhalino, Allana
aan talo saarano.

Ahmed
Arwo
MSc. Finance and Accounting
Hargeysa
409 6421 |
|