Ma dhab-baa in Shirkii Golaha Wasiirrada lagaga hadlay cabasho ka timi dawladda Itoobiya?

 



Hargeysa (TNN)- Agaasimaha Idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa Mr. Maxamed Siciid Muxu med, ayaa looga yeedhay laanta dambi-baadhista ee CID-da Hargeysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan wasaaradda Warfaafinta iyo CID-du ka soosaartay arrintaas, haddana siday ilo xogogaal ah u xaqiijiyeen Wargeyska Ogaal, waxa Agaasimaha Idaacadda loo  ye edhay Khamiistii aynu ka soo gudubnay, si wax looga waydiiyo hees ay Idaacaddu todobaadkii hore baahisay.

Warku wuxuu intaa ku daray, in CID-du Agaasimaha idaacadda wax ka waydiisay heestaas oo lid ku ah dawladda Itoobiya oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland, iyadoo sida la sheegay  shal ay markale loo yeedhay Agaasimaha.

Ma cadda waxyaabaha ka soo baxay baadhistaas iyo waxa sababay baahinta heestaas oo la  samee yay waqtiyadii ay socdeen dagaaladii 1964 iyo 1977-kii dhexmaray Jamhuuriyaddii burburtay ee  So omaaliya iyo dawladda Itoobiya, kuwaasoo xilliyadaas dacaayado dagaalkaas ku saabsan hawada isu marin jiray. “Agaasimaha waxa lagu haystaa hees Raadyow Hargeysa baahisay oo liddi ku ah Ito obiya, CID-duna dhawr jeer bay u yeedhay,” sidaa waxa yidhi suxufi ka cudurdaartay in magac iisa la xuso.

Dhinaca kale, shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada Somaliland, ayaa la sheegay in kulankoodii u dambeeyay lagaga hadlay cabasho sida la sheegay dawladda Itoobiya ka muujisay heestaas ay  Ra adyow Hargeysa faafisay. Sida warku sheegay, shirkaa golaha Wasiirada ee Khamiistii la soo  dhaaf ay waxa sida la sheegay la iskula qaatay in wasiirka Warfaafinta Mr. Axmed Cabdi Xaabsade uu CID-da u gudbiyo arrintaas ay dawladda Itoobiya ka cabatay, si baadhitaan loogu sameeyo, isla  marka ana talaabo looga qaado cidii masuulka ka ahayd arrintaas, maadaama uu labada dal xidhiidh  muddo oyinkii u dambeeyay sii xoogaysanayay ka dhexeeyo. Ma cadda in cabashadaasi ay ahayd mid  qora al ah oo Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa Xukuumadda u gudbisay iyo inkale.

Hase yeeshee, inkastoo maamulaha Idaacadda xarunta CID-da looga yeedhay, haddana waxa jira warar sheegaya in wasiirku warqad digniin ah shalay u qoray Mr. Maxamed Siciid Muxumed iyo  Fars a moyaqaankii maalinta heesta la baahiyay shaqada ku jiray.




Xigasho: Wargeyska Ogaal