Ma dhab-baa in fadhi aan caadi ahayn la isugu yeedhayo Mudaneyaasha Golaha Guurtida?

 


“Fadhigan aan Caadiga ahayn oo la Sheegay in lagaga Doodayo Xeerka Isgaadhsiinta ee Kootada Jidaynaya, iyadoo Shirgudoonkuna ka Faaiidaysanayo
Gudoomiyaha Guurtida oo Dalka ka Maqan



Hargeysa(TNN)- Shirguddoonka golaha Guurtida Somaliland, ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu golahaasi u yeelan lahaa fadhi aan caadi ahayn.Inkasoo aanu jirin war rasmi ahaan Shir gudd oonku ka soosaaray arrintaas, haddana siday ilo xogogaal ahi sheegeen, waxa la filayaa in  Shirgud doonku maalmaha soo socda uu mudaneyaasha oo hadda fasax laba bilood ah ku jira ugu baaqo fad hi aan caadi ahayn, iyadoo uu hadda dalka ka maqan yahay guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Ma xamuud Aaden. “Waan maqlay warka ku saabsan arrintaas (fadhiga aan caadiga ahayn), laakiin ma aha war Shirguddoonka naga soo gaadhay,” sidaa waxa yidhi mudane ka tirsan golahaas.

Siday ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen, waxa uu Shirguddoonku qorshaynayaa in goluhu fadhiga aan caadiga ahayn kaga doodo xeerka Isgaadhsiinta ee Kootada jidaynaya oo Axaddii todobaadkan  gol aha Wakiiladu ansixiyay, iyadoo sida la sheegay ujeedadu tahay in laga faa’iidaysto maqnaanshaha guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden oo haatan fasax ku jooga dalka Ingiriiska.


Siday xoguhu tibaaxeen, intii ansixinta xeerkaas ka dambaysay waxa socday dhaqdhaqaaqyo lagu doonayay sidii inta guddoomiyaha Guurtidu maqan yahay golahaas loo horgeyn lahaa xeerkaas oo ka soo horjeeda ganacsiga suuqa xorta ah ee Distoorku damaanad-qaaday, isla markaana jidaynaya in shirkadda Somcable oo Xukuumaddu heshiis la gashay ay Kooto ku haysato xadhiga Isgaadhsiinta Badda hoosteeda mara ee Fiber Optic Cable.


Mudaneyaasha golaha Guurtida oo 2-ii bishan aynu ku jiro ee April fasax laba bilood ah galay, waxa sharciyan fadhi aan caadi ahayn isugu yeedhi kara Madaxweynaha iyo Shirguddoonka golaha, haddii ay xaalado dagaal, aafooyin dabiici ah iyo amaan-darro dalka soo wajahaan.
Hase yeeshee, haddii Shirguddoonku arrintan warkeedu soo duulay ku talaabsado, waxay sii hurin kartaa xasaasiyada Kooto-diidnimo ee ka dhalatay go’aanka golaha Wakiiladu ku ansixiyay xeerka Isgaadhsiinta.



Source: Ogaal