Ma dhabaa Jabuuti ma
ogola Jiritaanka Somaliland….?!

Dawlada jabuuti iyo doorkii halganka
Somaliland.
Umad waliba waxay leedahay ayaamo ku xardhan taariikhdeeda oo
a an la ilaawi karin
Dalka soomalilandna waxa uu soo maray marxalado kala duwan. Hada ba
akhristow hadaad dib u raacdo taariikhda oo aad hubiso doorkii
dawlada jabuuti ku lahayd halkangii dib u xoraynta Somaliland waxa
kuu muuqanaysa maalmo lama ilaawaan ha oo dawlada jabuuti horm
ood ka ahayd in Somaliland xoroowdo, bal u fiirso dhacdooyinka soo
socda.
Doorkii Dib u xoraynta dalka.
Dawlada jabuuti waxa ay si badheedha oo aan qarsoodi ahayn u
taageertay halkangii ururka S.N.M, waxay noqotay saldhig laga duulo
oo halganka laga abaabulo, rag badan oo aqoonyahanda Somaliland ah
oo halgankaa hormoodka ahaa waxay qirayaan in dawlada jabuuti
la’aanteed halgankii S.N.M aanu taabo galeen., haday tahay xag
dhaqaale iyo haday tahay xag abaabul iyo haday tahay marin loo maro
tagitaanka Ethiopia oo markaa saldhig u ahayd halgankii hubaysnaa..
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa Jabuuti u hayaamay markii
dagaaladu dhaceen oo ay gabood u noqotay.
Kusoo guryanoqoshadii dalka.
Markii Dalka laguu soo noqday ee Jamhuuriyada Somaliland lagu
dhawaaqay, taakuulayntii ugu horaysay waxay ka timi dalka Jabuuti oo
saldhig u ahayd Tujaarta Somaliland oo iyagu ah halbawlaha
dhaqaalaha Somaliland ilaa maanta, hadii aanay Somaliland ku
tiirsanayn Jabuutina dhaqdhaqaaqa ganacsi ma hirgaleen.
Gargaarka Caafimaad.
Dalka jabuuti waa meesha kaliya ee Somaliland ka raadsato gargaar
caafimaad oo deg-dega, waxaan tiro lahayn muwaadiniinta reer
Somaliland ee lagu daweeyo cusbitaalka Jabuuti haday tahay
shakhsiyaad magac leh iyo haday tahay dad rayid ah intaba, hadii aad
dib u eegto tii ugu dambaysay waa dhacdadii 29-Oct-2008 qaraxyadii
ka dhacay hargeysa maalintaasi waxa dadkii loola cararay Jabuuti oo
lagu daweeyey, bal ogow maalinta aad liidato nin gacan ku siiyey,
waa abaadalada ay adagtahay in bani’aadamku galo.
Hadaba hadii aad qiimayso maalmaha kor ku xusan ee soo maray
Somaliland iyo doorkii Dawlada Jabuuti ku lahayd waxa kuu muuqanaysa
in dawlada Jabuuti iyo Somaliland yihiin Ul iyo diir, dad wada
dhashay oo walaala ah oo ayaamaha qadhaadhna qaybsada, waxa is
waydiin leh jabuuti miyey diidan tahay jiritaanka Somaliland? Waxay
dad badani sheegayaana ma dhabaa?
Qofka bani’aadamka ahi waa kii xisaabtama ee wax isku geegeeya
natiijada u soo baxdana ku meel mara, hadaba akhristow hadii aad dib
u jaleecdid dhacdooyinka aan kuu sheegay iyo qaar kale oo aanan
tilmaamin natiijada kuu soo baxaysaa waxa weeyi
Jabuuti waxay garab taagan tahay Somaliland( bal dhagayso
waraysiyadii ugu dambeeyey ee Madaxweynaha Jabuuti kaga hadlay
Somaliland iyo horumarkooda aan la dafiri karin).
Guntii iyo gabagabadii waxaan dadka reer Somaliland u sheegayaa (si
xun wax u sheeg sixir ka daran). Xus baa la diidayna waa sheeko la
xeeladeeyey.
Jabuuti iyo Somaliland waa walaalo wada dhashay oo dhiig iyo dhalas
ho wadaaga , xiqdi iyo xaasinimana dhex oolin.
Daaha Nuur Cali
Wakiilka Jabuuti ee Bristol
nour ali taaha
taaha58@hotmail.com
|