Ma dardaaran baa hadhay, Xirsiyow, ninkii dudaba yeelkiisey,Hamud Duale

 



Nin la yidhaa Cabdi Shootalay ayaa durbaan tumay oo ilaaq dalbaday. Wuxuu ku faafiyey bar ta Internet-ka ee Oodweyne maqaal uu ku tilmaamay kaftan, laakiin anigu aan u aqaan ilaaq, afka qalaad aan u malaynayo in ay yahay "Satire", oo ah hab ka mid ah hababka wax la iskugu tebiyo ee la isku cabiro. Kaftankaa amma ilaaqdaa, Cabdi shootali wuxuu sheegtay in uu yah ay Xirsiga laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyey. Cabdi Shootali waxaan u malaynayaa in uu la yaabay ummad dhan oo ruux keliya, oo aan codkooda sidan, farta ku fiiqaysa.

Sidaa daraadeed wuxuu sheegtay Xirsi gabyaaye, waxaanu dalbaday cid u noqota badmacaa she oo haysta codkii dadweynaha, cidina aanay u hadal hayn sida loo hadal hayo Xirsi. Xirsi maalin walba wuxuu soo taagan yahay shaashadaha innagu cusub ee la iska dawado ee aan tiro mooyee tayad lahayn. Sidaa daraadeed waxaan isku xilqaamay in aan noqdo Badmacaas huhuu dalbaday. Waxaan leeyahay adeer Cabdi Shootaliyow, adigaga oo Xirsiya, ma laha waad kala ilawdey caadooyinkaygii, marka hore waa in aad ku dhaqantaa oo, Golaha wada tashiga iyo toosina guddi aad u saartaa. Weli guddibaa loo saaray ma maqal.



Xirsiyow (Cabdishootali):

Digtoono
dib u jeedso
horee soco
Ob jac, ob jac
Amar kaad dalbatay sidaasaad ku qabtaa. Aniga oo badmacaasha ah waxaanan ku leeyaha:
Guumeystii cirroobey maqal dabuubtayda. Maqal waanadoodoo; miisaan warkayga.
Xirsiyoo, Laguma dhaammee dhaqaaq.


La inna siiye si kasta u bood. Carsaanyada sideedii gees walba u carar.
Durbaanku garabkaaga ha ku jiro, amma ruux kaa gu' iyo garaad liita.
Gardarada sokeeyaha gees biciid u lahaw.


Masalaha ninkaan ku dhigeen, midigtaad ha saarin, xiitaa hadduu kaa gar leeyahay.
Waxa habeenkii guriga madaxtooyada lagaga haasaawo, sida dhallaanka maalintii ku hadaaq.
Wixii inna gaadhey waad garaney galaan iyo daasad innoo kari.
Qaraamaadka gudaha iyo dibada, Xawaaladaha wixii xaaraan quuta ah iyo bangigeena dhabshiil ee xalaalsha ah, isagaa asturayee, ku xeree.
Guddiyo aan macno lahayn weligaa ku raad gado.
Odayaal dhaqameedka quruskooda la ogow.
Culuma'udiinka qurbaankooda la ogow.


Xoolaha dadweynaha masaajid ku dhisa; adiga iyo cali Xoorxaar; la iigu magac daro.
Qurba joogta dibirsan ka fadil muwaadiniinta iimaanka qabta ee rajo ku noosha ah, naacawda dabiicada dalkood iyo nabada, naxariis ka helay.
Golaha wakiilada ha ku qoysanin hoodh, ilayn way shin dhaafeena. Mac macaana la ogow, kolba kuwaad u baahato, ee aad beel ku gudbeyso.
Sida mid guda baas ka yimid, oo aan rug wacan maalik ka abuurin, guhaadi odayada, aniga mooyaane.


Taribiyada iyo barbarin wacan oo guri hor allaad ka joogtaa. Horaa kuu arkoo ma lihid. Ina Skeerse geedkaad ku xidhay anigaa hadhsaday, markuu ahaa xoghayaha maaliyada ee KULMIYE, baabuurkaad qoriga saartay, calashaan fadligayg, waanigii ogaa. Mu'aamaraadkaad dhigteen adigiyo rag aan ogahay iyo cawar xareed, waa taan qalinka ku duugey. Maantana tabtaad Muuse Biixi la maagan tahay waan u bogey. Nina haybta kuma raaci karo hooya aan dhallin, in aad kaga jawaabtey heshiiskii inna dhexmaray, waan la socdaa. Gabaygii aad riciyadeena u tirsan waa u bogey. Gobanimo waa taa.
Nin kaa garaad badan gacan saar ha la yeelan.
Aqoon yahanka gawr gawrac, mid sidaad geeso lehi, hareertaada ha joogo, abkuu doono ha sheegtee.


Nin kaa gu' weyn iyo waaya arag ka dheeroo, abkuu doono ha sheegtee, gaar ahaan kuwa habarteena. Waa halis Guufaadhi iyo qaar kale oo badani. Bari iyo galbeedba waa laga yaqaan, waanu kuu ged baxayney. Garaadkiisu waa dhaafsiisan yahay Xaajo goboleed.
Uunka wada dareensii habarteenu in ay tahay duul wada socdoon wax u dahsoonayn, sidii Bedel Bukaaso, innaga oo is hundo og. U sheeg dadweynaha in ay adiga oo keliya kuu dabran tahay. Beentaasi waa lagama maarmaan, waxaana kuu xoojin kara, mid sidaad dawdar ah, oo mid sidiisa dulugle ah danbigaad adigu gashay, dusha ka saaraaya. Sidaasaad ku heleesaa mid kaloo ku difaaca. Weli lagama gudbin diin god gal, god goray gal, iska daba wareegii.
Qaraamida yaryar ee xildoonka ah ee aan anigu beelnimo ku soo gardaashe xilligii SNM-ta ee kula qayrka ah ha moogaanin; Kuwa waayo aragnimo ka qaday, waxbarasho ka qaday ee jilib miciin moodaaya, ha daymo la'aan, ilayn waa adoo kala eh.
Gashi nimaan ku leeyahay waa in aad dab gashaa, ha moogaanin dib u gocashad xaajooyinkii sula.
Dir cunno beelaysan ma waayeysida, isku door doori, hadba qaar magacaw.
Ma dardaaran baa hadhay, ninkii dudaba yeelkiiye.
Ma dardaaran baa hadhay wixii dumaba yeelkiiye.


Cabdi shootaliyoo, saaxiib:

Digtoonow
dib u jeedso
horay soco
Amar waad qabtaa. Yaan laga waayin warbaahinta maalin walba sida Xirsi oo kale, adiga oo ka duulaaya qodobada kor ku xusan, ilayn adigaa durbaan tumay oo ilaaq dalbadaye.