M A A N S O

 




Maansadani waxay xambaarsantahay fariin cullus oo ku socota shacbiga iyo xukuumada somaliland
cid ay gaar u dureysaana majirto waxay ka soo horjeedaa isqabqabsiga bulshada reer somaliland
waxan jecelahay akhristayaashu inay si fiican u fahmaan waxa la yidhaahdaa fariin
 

 


Been baan lagu ceeshin
haddii la cantuugo
Run baan cabsaneynin
hadduu cadaw maago
afkaagoo ku ciilla
bal-ayaad ku canaanan
ninkii cadawgiiisu
caqligiisa hogaansho
inuu is cunaayo
horey u caddayde
cannaanta naftiina
caddaan wax u eega

****

jahligu maciseeyo
halyeyga ciddiisa
cannaana ma waayo
haddii la casuumo
illaa la ciqaabo
caddaab la marsiiyo
cirkaa arkimaayo
cadcade korkiisa
bal-eeg ictiraafka
adduunku caddeeyey
een inoo cuntameynin
bal-eeg cunsureynta

****
kuwii cududooda
callankeena kukeenay
oo cay iyo aflagaado
casuumad looga dhigaayo
careeda wireyda
annaa cudud weynleh
dhibay curisaaye
haw adeegin cadaawe
dhurwaa ku cunaaya
curyaanshe dantiisa
haddana cabanaaya
weliba cilladdisa

****
cidkale u nisbayni
ciidduu rogayaaye
ayuu kugu ciirsan
nin aan cudurhaynin
u ciillan ballaayo
hadduu ku cataabo
cidbaa i dilleysa
dhibbuu curiyaayoo
ciidduu rogayaaye
ka cawdubilleysta
addoo caydh mudhataagan
cuud nin kaala bakhayley

****
maalintuu caadil ku siiyo
cudurdaar haka yeellin
ummadyahay is cannaano
oo ka cawdubilleysta
collaada dhexdiina
ibleys curinaayo
dad aan isciseynin
midkii yara ciira
ceebtiisa dadeynin
cadawgey u jabtaaye
bulshooy iscanaano
oo ka cawdubilleyst

****
collaada dhexdiina
ibleys curinaayo
hogaan cadliwaayey
ceebbuu ku raftaaye
hacaadeysan xumaanta
hana ciilin dadkaaga
caddaadis dadweyne
culleys la korsaaro
carjuuqda rag heedhe
caddaabbuu ka xigaaye
kadaa candadawlka
addoo cidla taagan

****
shallay cabanaaya
waa kuwii ku cugtee
codkooda ku siiyey
cidnaba kuu cadwmaaha
siday faqash caano
cidladda ugu saydhey
cibbaaro ku qaado
bal-eeg cadawgiina
jabkiina u ciilan
markay cududiinu
dhexdiina ka ciirto
incuudka dhexdiina

****
ninaba calfaneynin
caryaa igu diidan
caddaan weeye midhkaasi
aan caad kasokeyne
ninowna codkaygu
ayuu cay ulla muuqan
walloonan cid ujeedin
caqligeyguun baanhadlayaa
hana moodin ciyaare
fariin cullus weeye
miskiin cabanaaya
oo aan cuntohaysan

****
caddaaladna waayey
carjuuqdheh mayeelo
cabsina mayaqaano
ciwaanka tixdaydu
codkii dadka weeye
gayigoo cabanaaya
ka cawday dilweeye
dadyohow isciseeya
cilaaqda ka leexda
intaa carcartii dheh
cannaan iyo toosin
ninkii carqaleeya

****
ammase caasiyidhaahda
cidluu gudayaaye
wixii loo cararaayey
ee carruuriyo cirroole
wadkii looga cabsoonin
hadafkeenu caynkan kaweyne
caqligu ha shaqeeyo
nin caad laga saarey
nabadaa cirka gaadhay
ku caanno maaley dadkeenu
callooshuu ka bukaaye
markuu ciyo heedhe

****
ciddeey ha dhageysan
curyaan nin ordaaya
cagihiisa ma xiiso
iimmaankii cawarmaa
iyo cirweyne madeeqdo
waxkastoo la cunsiiyo
haddii loo caddeeyo
ciiddaa dhulka taala
ku ciilbiximaayo
carruur cadaloolka
maroodi cadheysan
hadday ku ciyaarto

****
cadtuu mariyaaye
illaahay ka cabsooda
oo ka cawdubilletsta
collaada dhexdiina
ibleys curinaayo
cadawguna ku farxaayo
siilaanyo cidmaaha
qollana yaan lagu caayin
idinkaa cod ku doortay
oo intaad calmateen
caynaanka u dhiibtay
caqligiisa u daaya

****
wuxuu cabiraayo
markuu cagta saaro
jidkii ceelka tagaayey
cambaareynta ka daaya
way curyaaminaysaaye
adna cawdubileyso
dadkani wey ku cugteene

 


qofna kuu cadaw maaha

M. M. ELeye {Suweys}
From Nederland