Loolankii Samaale iyo Muuse oo u wareegay Qurbaha iyo Jaaliyadaha oo ay xamaasadi ka dhex bilaabantay
 

 


Samaale oo ku sii jeeda Ingiriiska iyo Muuse oo Maraykan ku sugan


Hargeysa (TNN):-Loolankii Xisbiga Kulmiye ee u dhaxeeyay Wasiir samaale iyo Guddoomiye Muu se ayaa u wareegay Qurbaha, waxaana laga dareemayaa Ingiriiska iyo Maraykanka dhaq dhaq aaqyo siyaasadeed oo ka dhex curtay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Dalalkaasi.

Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu galin hore caga dhigtay dalka Maraykanka oo uu lugtiisa ugu hore ysa ee Ololihiisa taageero raadiska ah ka bilaabay, halka koox kale oo ka mid ah hormoodka Olo lihiisu ay dhaqdhaqaaq gogol xaadh ah ka bilaabeen Dalka Ingiriiska gaar ahaan magaaladda Br istol.

C/casiis Samaale ayaa isna Olole ku lidi ah kaas ugu kicitimaya toddobaadkan Dalka Ingiriiska halakaas oo ay taageerayaashiisu uga gacan haadinayeen beryahanba, waxaana la filayaa in uu lugta Ololihiisa ka bilaabo isagoo dalal kale mari doona.

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaq dhaqaaqyada Siyaaasadeed ee labadan Siyaasi ayaa sheeg aya Taageerayaashoodu inay bilaabeen kulamo ay ugu gogol xaadhayaan, waxaana ka socda magaalooyinka Ingiriiska kulamo hoose oo diyaar garaw ah.

Wallow wararka Hordhaca ah ee soo gaadhaya Waaheen ay sheegayaan durtaba in ay bilaab meen weeraro siyaasadeed oo ay taageerayaashu ku kala hororsanayaan sidii koox kastaa ug u awood sarayn lahayd soo dhaweynta Siyaasiga ay taageersan tahay.

Arrintan ayaa Jaaliyadda durtaba ka dhex abuurtay in la kala xamaan urursado isla markaana fadhi ku diriryadii mafaariishta ayaa noqdaan kuwo bacda la isku cuno, iyadoo koox kastaa doo nayso galin horaba wixii calaf iyo Cuud ah in ay u sioi xasayso siyaasiga ay la socoto.

Waxa meelaha qaarkood ka aloosmay in la isku cadaysto loolan ka adag kii Hargeysa ku dhex maray taageerayaaasha labada Siyaasi, kaasoo qiiqiisii wali ku sii dhex jiro hawada Somaliland, balse imika u muuqda in uu u wareegay Qurbaha iyo fadhi ku diriryada laga soo waarido siyaas adda Gudaha Dalka.

Si kasta ha ahaatee waxa shaashadaha Telefishanada iyo Baraha Mareegaha lagala soco doon aa Loolankaasi halka uu sal dhigto, isagoo ku soo hagaagaya Xafladaha waaweyn ee qurbaha loogu qabanayo 18-ka May.
 

 

Source: Waaheen