Loolankii Muuse Biixi Iyo Wasiir Samaale Oo Dib U bilaabmay

 


Hargeysa (TNN):-Loolankii adkaa ee u dhaxayn jiray guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa mar labaad maalmahan dib uga istaadhmay magaalada Hargeysa.

Loolankan oo ah murashaxnimada KULMIYE, marka uu Madaxweyne Siilaanyo banneeyo waxa ay labadan siyaasi ku dhex loolamayaan Beesha ay ka soo jeedaan si ay u kala reebto, iyadoo midkooda guulaysta uu doonayo inuu noqdo murashaxa madaxweyne ee KULMIYE, Madaxweyne Siilaanyo dabadii. Guddiyo is xilqaamay ayaa maalmihii u dambeeyay ku hawlanaa shirar doceedyo ay kaga tashanayaan sidii loo kala saari lahaa Guddomiye Biixi iyo Wasiir Samaale.

Guddiyadan ayaa kulan la yeeshay toddobaadkan guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo ay ka dhagaysteen doodiisa iyo damaciisa. Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu kulanka kasheegay inuu yahay qofka ku haboon ee noqon doona murashaxa marka uu Madaxweyne Siilaanyo jagada banneeyo, maadaama oo uu isagu hore ugu dhawaaqay inuu yahay murashax, inkastoo markii dambe uu uga tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo. Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu guddiga u ballan qaaday inuu aqbali doono go’aanka ay soo saaraan.

Guddigan oo la filayay inay isla toddobaadkan la kulmaan Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaanay u suurtogelin kulankoodaasi, waxase la sheegay inay la kulmi doonaan toddobaadka soo socda haddii Alle yidhaahdo. Waxaanay kulankaas Wasiir Samaale kaga dhagaysan doonaan doodiisa iyo damaciisaba.
Guddigan ayaa marka ay dhammaystaan kulamadooda waxa la filayaa inay soo saaraan go’aan ay ku kala saarayaan damaca labadan siyaasi, lamase saadaalin karo in loolanka Muuse iyo Samaale halkaas ku dhammaan doono, maadaama oo dhawr goor oo horeba xal kooban loo helay.

Geesta kale, wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ay dadka qaarkii hadal hayaan inuu ka mid noqon doono murashaxiinta Madaxweynaha, ayaan wakhtigan saaxadda ka muuqan, waloow aan weli la xaqiijin inuu tanaasulay.
Loolanka Muuse iyo Samaale, ayaa ah sheeko xiiso leh oo si weyn looga hadal hayo goobaha lagu falanqeeyo siyaasadda Somaliland, waxaanay bulshadu isha ku haysaa halka uu loolankoodu toddobaadyada soo socda sal dhigan doono.


Xigasho: Geeska Afrika