La-taliyaha Madaxwaynaha arimaha Dhaqaalaha ,Ganacsiga iyo Ma
algashiga Mudane Axmed Xasan Carwo oo boogasho ku yimid Dalka Qatar.
Doha , Qatar (TNN)-La taliyaha Madaxwaynaha ee Dhaqaalaha ,
Gacansiga iyo Maalgashiga Mudane Axm ed Xasan Carwo ayaa socdaal
shaqo oo qaatay 5 cisho ku yimid Magaalada Doha ee dalka Qatar
isagoo ka soo kicitimay dalka Imarate ka Carabta oo uu kulamo kala
duwan la soo yeeshay Jaaliyada Somaliland ee halka ku dhaqan
kagalana qayb galay debaaldegii 20 guuradii 18ka May.
Lataliyaha Madaxwaynaha Axmed Xasan Carwo intuu joogay dalka Qatar
wuxu kulamo kala gedisan la y eeshay Jaaliyada ku dhaqan dalka Qatar
, Mahad naqa iyo soo dhawaynta ka sokow wuxu lataliyuhu uga xog
waramay Odayaasha , aqoon yahanka iyo haweenka ku sugan dalka Qatar
xaaladda guud ahaan wa dankii ku sugan yahay gaar ahaan dadaalada
faraha badan ee ay dawladu wado , hadday tahay adkayn ta nabad
galyada , dhaqaalaha , ganacsiga iyo maalgashiga. Waxuuna hoteelka
uu deganaa ee Retaj Hot el kula kulmay xubno isagu jira aqoonyahano,
ganacsato, iyo madaxda Jaaliyadda isagoo la yeeshay war bixin iyo
aqoon-is-weydaarsi si saraaxada leysu dhaafsaday. Axmed waxuu ku
booriyey in loo baahan yahay inay sharkado samaystaan si ay qayb
libaax uga qaataan maalgashiga dalka. Dalka oo dihin una baahan uun
maal lagu dhaqaajiyo.Waxa kale oo uu xusuusiyey doorka jaaliyadda ka
saran isku-xidhka labada dal, iyagoo ah dhammaantood ambasadooro
matalaaya dalkooda hooyo.
“…Xidhiidh kasta oo Somaliland dal kale la sameysatay waxa hormood
ka ah qurbajooga dalkaas degan”, ayuu yidhi La-taliyaha Dhaqaalahu.
“ Waxaan door bidiyaa inaydun idinku ka muwaadin ahaan iyo dadkeena
gudaha joogaaba aydun awood iina isku darsataan oydun samaysataan
shirkado intii shisheeye ina maalgalin lahaa…waxii se taas loo w
aayo waa lama huraan in la soo jiito maalgashiga shisheeye, si dalka
horumar looga sameeyo..waad ara taan oo maalgashi shisheeye dalalkii
hore-umaray ayaan ka maarmin..kan aad joogtaan ayaad aragtaan inuu
soo jiidanaayo maalgashi isla markaasna uu maalgashi kale ku
sameynaayo dunida kale..casriga la joogaa waa mid ku salaysan xuduud
furan kolka maalgashiga la eego..dunidina ay noqotay tuule la wado
deganyahay…””, Ayuu yidhi Axmed Carwo
Waxa Axmed la kulmay rag ay ka mid yihiin Aqoonyahanada Cumar
Ducaale- (Cumar Laydh), Maxamed M ahdi Xuseen, Maxamed Cabdisalaan,
Cabdillahi Maxamed Diiriye, Muxumad Maxamed Xasan, Cumar Muxu mad
Dhamac, Aadan Xuseen Cali, Maxamed M Adan, Siciid Cabdi Cilmi iyo
dhalinyaro badan. Dhinaca oday aasha Qatar waxuu kala kulmay rag ay
ka mid yihiin Madaxda Jaaliyada oo kale ah Cali Maxamed Yuusuf,
Maxamed Cabdi Jama, Maxamed Yuusuf Maxamed, Xasan Cismaan Cajab, iyo
Dubbe Aadan Dhere.
Waxay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xidhiidhka xukuumadda
iyo Jaaliyadda, iyo in la fududeeyo maalgashiga dalka loona dhiso
sharciyo iyo nidaam arrintaas soo jiita. Cali Maxamed, Maxamed Cabdi
iyo Maxamed Yuusuf oo afka odayaasha iyo dadweynahaba ku hadlaayey
ayaa aad ugu mahadnaqay sida buuxda ee murtida iyo aqoonta ah ee
Axmed ugu xog-waramay, iyagoo mahad balaadhan u jeediyey Ax med iyo
habka xukuumaddu u abaartay wax-qabadka muuqda muddada yare e ay
jirtay. Waxayna balan qaadeen inayna waxba kala hadhayn dhismaha
dhaqaale ee dalka inta karaankooda ah iyo inay doorko oda ka soo
bixi doonaan sidii dalka Qadar iyo oomaliland leysagu xidhi lahaa.
Waxayna Axmed u fidiyeen martiqaad danbe ooy iyagoo tusaalayntiisa
ka faaíideysanaaya ay ka sii midho-dhalin doonaan, ayna fil ayaan
inuu soo noqdo iyagoo waxqabad muuqda qaaday.
Axmed Xasan Carwo kulanka kala duwan ee uu la qaatay Jaaliyada ku
dhaqan dalka Qatar wuxu kulamo kale duwan la yeeshay, shirkado ,ganacsato
kala duwan oo danaynaya inay maalgashi ku samaystaan dalka
Jamhuuriyada Somaliland , isagoo uga xog waramay khayraadka dihin ee
dalka Jamhuuriyada Soma liland leeyahay iyo fursadaha ka banaan ,
balan qaadayna in dawlada Somaliland soo dhawaynayso maa lgashiga
dawliga ah gaar ahaan wadamada carabta isla markaana loo fududayn
doono wixi dawlad ahaan iyaga ku xidhan. Waxa kale oo Axmed
wada-hadal la yeeshay masúuliin rag iyo dumarba leh oo uu ka mid
yahay Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee Xidhiidka xafiiska gaarka ah ee
Amiirka, iyo Xoghaynta khaaska ah ee Amiirada. Iygoo balan qaaday
inay fariinta gaadhsiin doonaan xukuumadda ayna dib ula soo xidh
iidh doonaan Axmed iyadoo albaabkii u horreeyey hadduun uu furmay.
Kulamada Mudane Axmed Xasan Carwo la yeeshay , Ganacsatada ,
shirkadaha iyo Jaaliyada ku dhaqan Dalka Qatar waxay dhamaantood ku
dhamaadeen guul iyo isfaham waxaana loo balamay in halka laga sii
wado xidhidhka iyo wada shaqaynta.
Waxa Axmed Carwo intaanu iman Qatar soo maray Imaaradka isagoo ka
qaybgalay debaaldegii 18 May ee ka dhacay Dubai. Waxuuna ka jeediyey
qudbad dheer isagoo ku matalaaya Madaxweynhana hanbalyo iyo
bogaadina u soo jeediyey Jaaliyadda UAE. Waxa xafladda ku weheliyey
Xaji Cabdi Waraabe oo matala ayey Golayaasha Sharcidejinta iyo
Cabrirahman Cabdiqaadir oo matalaayey xisbi xaakimka Kulmiye. Waxa
kale oo Axmed Carwo la yeeshay waraysi dheer shabakadda
Hadhwanaagnews wakiilka u jooga Imaara dka oo dhowaan la soo deyn
doono.
Axmed Xasan Carwo wuxu u kicitimay dalka Boqortooyada Ingiriiska
halkaas oo uu u tegay hawlo shaqo oo ku sahabsan arimaha dhaqaalaha
iyo ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland, xidhiidhka Jaaliyadaha iyo
xukuumadda, iyo xoojinta xidhiidhka dhaqaale ee UK iyo Soomaliland.
Guul iyo Gobannimo
Mohamed M Aden
Doha
mohamedmaden@gmail.com
|