LAMA FILAAAN

 



Lama filaan(3):maxaa igu watay
Waxa ay amintu ahayd 11:00pm,waa gudcur,magaalada inta badan dadkii wuu ka seexday, waxaan marayay dhabo inta badan ay dadku maraan marka ay tahay dharaar,laakin wakh tigan waxaad moodaysay in ay tahay waddo aan cidi marin 1500 oo sano, cidlada iyo mada wga ,argagaxa iyo cabsida ka muuqata waddada ayaa ah lama filaan,waxa aan dareemay cabsi aanan dareemin intii aan dunida ku noola,fajac iyo amaakaaga,naxdin iyo baqdin ayaa I hadheeyay,haddii aan faraxsanaamarkii hore,iminka waxaan is waydiinaya: “goormaa wax aanad arkaynini ku heli oo laba kaa-kala dhigi….!!!!!” Waxa is-bedelay hawadii ,daruuri hii ,xidigii cirka ku fidsanaa , sidoodi hore maahaa,xidigaha qaar ka mid ah way ololayaan,qaar waxa ay muujinayaan sawiro argagaxah,haddii aad cirka eegto ,waxaad is-odhan waxa ku gu soo dhicidoona dhimbiil iyo holoc wada socda oo naar ah!!..... lama filaan.

Waxaan is-waydiiyay oo naftaydii u sheegay: “waa yaw mal qiyaamihii ee naf-yahay maad ashahaaddatid !!!1?. lama filaan ,,,tallaabo markaan qaadoba ,isbedel hor leh iyo argagax kale ayaan arkayaa,iminka waxa bilaabmay codad iyo,sanqadh naxdin leh,hareerahaan ee gay,waxba waan arki waayay,waan socday ,waxa ii baxay cod naxdin leh,gurxan iyo bulxan is-ku mar ah wada socda, “libaax ayaa jooga meesha !?” ayaaan waydiiyay naftaydii,waxa ii baxaya cod ,waxaan is-ku dayay in aan maqlo oo fahmo,laakin suurto gal maaha in aan m aqlo waxaas odhan,marba marka ka dambaysaa ayaa argagaxii iyo wax yaabihii layaa b-ka lahaa way soo badanayaan,si lama filaan ah ayaan waxaan u maqlay cod naxdin leh , cod-kan ayaa dhowr jeer soo noqday !!! yaab ayaa isugu kay yimi ;waxaan is idhi “ ma qof hal aag-may baa” markaasayaan haddana naftaydii ku idhi sidaas ayaa ku dambayn doonta.
!!!!!!!!.

Waan is-taagay,inyar markaan taagnaa ayaan socod bilaabay,haddana waan is-taagay,w aayo indhihii ayaa siigo iga gashay,markaan is-taagay oo aan weli naxsanahay ayaa mar keliya dhinac bidix sanqadh ka maqlay,sanqadhaas oo aad mooddo sidii wax igu soosocda laakin ma arko ,mugdiga jira awgeed,sidaa markaan u jeestay,ayaa waxa ila-kulan-tay dhi rbaaxo xanuun keeda waxaan ku qiyaaso aanan kasayn illaa iminka,gacan sayn leh,ciddiyo aad mooddo foog,faro aad mooddo qodax ,jidhif iyo dhogor is-ku taal,…. Intaas ayaan garanayaa gacantaas igu dhacday astaameedii ,,,,,,,,,,,,,,,!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!


Markay dhirbaaxadaasi igu dacday ayaa miyir iyo xus iigu dambays,,,magaranayo wixii dhac ay intaa ka dib In markaan sidaa ahaa runtii aanan garanayn ,muddada uu miyir-ku iga maq naa,ayaan marqudha booday,ka dib cagaha ayaan wax-ka deyay,laba tallaabo anigaan is-waydaarin ayaan dhagax wayn ku ku fay,dabadeed af-wayn-ta ayaan goostay,waxa igaga sii daran intaa markaan is-idhi kac, ayaa bullaacadi ila duntay,ka dib daf ayaan idhi,haseyee shee,guulle waa garab ayuu ii bixiyoo ,meel ayaan ku dhegay nafla caarigii,anigoo aan wax ba ka noolayn ayaan ka soo baxay...!!!!!!. markaan kasoo baxay meeshii ayaan madaxay-gii culays ka dareemay,waantab-tay,!!!! Lama filaan ,waxaaba igu yaal “ gees-dheer”!!!!
timahay-gii meel dhexaad ka ahaana,midh igu ma yaal,yaab!!!!! , Ka dar oo dibi dhal,waxaa ka sii daran gees-kan ,dib-kii geela oo kale ayaan yeeshay ,lama filaan!!!! Anigoo waalli ku dhaw ayaa waxa ila kulmay markeliya ,oo bullaacaddi aan ku dhacay ka soo baxay,daayee robaalal leh iyo eey, bisado iyo jiir ciidda ka badan,masas gaagaaban iyo mas-kacalayo laba dib leh,diiman waji libaax leh oo haddana sidii diinka u shaqlan, iyo waraabayaal qadh-muu n-ka ka soo uraya aad matagayso,waxaas oodhan oo argagax ah oo mid ba mid eryanayo
,fool-xumada bahalahaas ka muuqata iyo urta qadhmuun aad fajacayso,ayaa markay ka soo bexeen bullaacadii marqudha I soo eegay,markaasay xaggay-gii u soo yaaceen,markaa n arkay in ay aniga igu soo ordayaan ,ayaan anna cagaha-wax ka deyay,habeen-kii oo dh an ayay I eryanayeen,marba mid ayaa isoo gaadha ,markaasu igu dhegaa,haddana waan ka mudhux sadaa,mid-ba meeshu soo gaadho ayuu iga goosta,dib-kii iyo gees-kii markii u horaysay ayay goosteen,maryiihii dhamaade siday inba mar u cantuu-gayeen ,luguhii dhii ga iga dareeraya iyo xanuun-ka ,jiir-kii ayaa qaniinyo igala daalay ,,,,lama filaan. Markeliya ayaan waxaan maqlay cod bani-aadam oo leh: “ waar axmed dumaashi maxaa kugu dhacay ee kaa cabaadinaya sidii neef geela oo bahal cunaayo” naxdin inta aan cirkaa u booday ay aan hareeraha eegay ,mise waa maqaaxidii kaltuun ee aan ku qayilayay oo aan keligay fad hiyo,waxa ka sii daran intaa ba... lama filaan ,,dhar ma sito ,sidii laygu dhalay ayaan ahay
,waan qaawanahay,kor ayaan eegay ,mise dumaashiday ,gabadhayda walaasheed oo aan aroostay laba todobaad ka hor ayaa I hor taagan...ceeb..ceeb ..ceeb,iyana way is-hayn wayday oo way sii jeedda,waa arooryo hore ,libdhadu markaas ayay soo baxday,heeraha
ayaan fiiriyay ,wax is-bedelay ma jiro,wax-kastaa waa sidisii hore, bahalihii I eryanayay ay aan eegay,wax bahal ahi ma joogo meelaha,markaas ayaan gartay in waxaan oodhan qaa d-ku u sabab ahaa.

Axmed meelintaas ayaa xiskiisii ugu dambaysay,laga bilaabo maalintaa qol ka mid ah gurig iisa ayaa lagu xidhay, waa kaas masiirka qaadka
 

 

 

 

W/Q: Bashir Saleban Adam (raacdeeye)
Qoraa,Cilmibaadhe,Burco ,Somaliland