Labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan
Wasiiro Dulaysan Oo Dantii Ummadda Isku Feedhay
 

Marka hore waxaan sallaan qiimo badan hawada u marinayaa dhammaanba mareegayaasha wararka ee Somaliland, marka xigta waxaan sallaan  haw ada u marinayaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ee jecel horusocodka iyo hannaanka dalkooda hooyo.

aan u dego dulucda qoraalka eh waxaa jirtay tuug ku noolayd magaalo ka mid ah magaalooyinka Somaliland tallada ay gaadheen ee ay heshiiska ku ahaayeena waxay ahayd in marka hore ileen dhac iyo boob ayey u badheedhayaane ay samaystaan nidaamkii kala hagi lahaa siday wax u xadi lahaayeen, cidii gadh hayeenka uga noqon lahayd iyo goobahii ay beegsan lahayeen.

qodobka koobaad ee dastuurka tuugtu ay ku heshiiyeen wuxuu ahaa in  m adaxweynaha ama guddoomiyaha ay doorteen aanu isagu waxba xadin balse waxay iyagu soo xadaan uu u qaybiyo sadkiisana qaato.

dabadeed qorshahii dastuurka iyo gadh-hayeenimadii markay iskugu duba dhacday ayey u dhaqaaqeen hawshii tuugnimada, wax la socdaba waxaa la soo xaday saanad dahab ah oo laga soo dhacay islaan indho la'a oo dhego la'a oo aan wa qorin waxbana akhriyin waxna dhegaysan balse keliya faraha wax loogu sheego dabadeedna sideeda waxaasi u rumaysata, oo waxaa keliya ee ay hanti lahayd ee ay ilaashanaysay ahayd saanadaasi dahabka ah oo ay u haysay wixii ay dhashay iyo wixii ay sii dhashay.

dabadeed nimankani oo ahaa tuug xariif ileen waa niman qorshe meel  dhigt aye ayaa sidii heshiisku dhigaayey waxay la yimadeen goobtii lagu kala qaybsan lahaa saanadani dahabka ah ee la soo xaday siduu qorshahu dhigayey waxay ula yimaadeen guddoomiye tuugii ay doorteen, xoolahii waa la kala qaybsaday guddoomiye tuugani sadkiisii la sii, qadar ka dib marka laga joogo wakhtigii la kala qaybsaday saanadii la soo dhacay ayaa waxaa goobtii ka bilaabmay muran markii danbana keenay in faraha la iskula tago, waxaa lagu muransana wuxuu ahaa adiga guddoomiye tuugu ku sad buriyey iyo adiga ayaa lagu sad buriyey

Waxaan akhriste uga gol leeyahay dumaashii ina rayaale waxay maanta ina dhaxalsiisay tuugnimo aan dahsoonayn, laakiin lamaba yaabin raggu waa isdaaliye, waxaan la yaabay oo afkala qaad igu noqotay hantida ummadeed ee loo badheedhayo ee aan xishoodka lahayn ee la leeyahay Ina rayaale aya bixiyey haba bixiyo eh haddii uu qof baahan oo muwaadin ah siin lahaaye uu leeyahay waxaan siinaya Wasiir, waxaase ka sii darran wasiirku siiyey wasiirka kula sii dagaalamay, waxaan isweydiiyey guryahii dawladda ee dalku dhamaado eh, tallow ina rayaale goormuu gurigii gaani dhistay ee uu ku jiro iib u bixin doona mise imikadanaabu rahmanyahay.

Akhristow miyaanay maanta taasi ka dhignayn tuugtii xatooyada ummada ku heshiisay ee xaqa ku calowday allow adiga og halkaad ummaddan iyo tuugta ugu kala xaq qaadayso.

Wa Bilaahi Tawfiiq.
 


Saleeban Siciid Kabadhe (Danjire)

Coventry, West-Midlands, UK.
danjiree@gmail.com