Labadda
Urur Siyaasadeed Ee Jamhuuriga Iyo Rays Oo Isku Biirey, Noqdeyna
Isku Hal Urur Siyaasadeed

Madashan ayaa waxa hadallo ka soo jeediyay Gudoomiyaha urur
siyaasadeedka Jamhuuriga Mu dane Cismaan Xasan Mire iyo Gudoomiyaha
ururka Rays Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ..
Hargeysa (TNN)- Labadda urur siyaasadeed ee JAMHUURIGA iyo RAYS,
ayaa maanta isku biirey, waxana ay sheegeen in labaddan urur
siyaasadeed ay isku biiriyeen Cudoodii iyo taageeridood u, iyaga oo
tilmaamay in maanta wixii ka danbeeya ay yihiin isku hal urur.
Sidaas waxa ay ku sheegeen Munaasibadd balaadhan oo maanta ka
dhacdey Hotel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, xafladdan ayaa waxa
ka soo qayb galay Gudoomiyaha urur siyaasadeed ka Jamhuuriga Mudane
Cismaan Xasan Mire, Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali ga
afaadhi, iyo madax ka socota labadda urur ee Jamhuuriga iyo Rays,
Ugu horeyn waxa xafladaasi ka Hadley Muuse C/lahi Nuur, waxana uu
sheegay in labaddan urur ay yihiin labaddii urur ee ugu horeeyay ee
isku biira iyaga oo diwaan gashan “labaddan urur w aa labaddii urur
ee ugu horeeyay iyaga oo isdiwaan galiyay isla markaana buuxiyay
Shuruudihii laga rabay oo maanta midooba” ayuu yidhi Muuse C/lahi
Nuur, waxana uu intaasi raaciyay “has hiiska labadda urur ku
midoobeen waxa uu yimid ka dib markii hadalo iyo kulano goosgoos ay
yeesheen labadda urur”.
Muuse C/lahi Nuur waxa uu carabka ku dhuftay in labadda Gudoomniye
ee Rays iyo Jamhuurigu ay maanta halkan iskugu yimaadeen in ay
saxeexaan Qodobaddii ay ku midoobeen “maanta oo ay taariikhdu tahay
bishii 02/Febawari/2012, waxa ay labadda Gudoomiye oo ka wakiil ah
taage erayaashoodda ay halkan iskugu yimaadeen in ay saxeexaan
Hishaaska iyo qaodoba ay wadda galleen”.
Muuse C/lahi Nuur waxa uu si qoto dheer uga Hadley qodobadda ay ku
hashiiyeen, waxana uu sheegay in qodobadda ay ku hashiiyeen ay ka
mdi tahay in ay wadda noqdaan isku hal urur siy aasadeed, iyo in la
sameeyo guddi farsamo kuwaas oo ka soo tallo bixinaya in ay soo
dhamay stiraan wax kasta oo qabayo ah iyo magaca ka dhaxeyn doona
labaddan urur Siyasaadeed.
Sidoo kale waxa iyana madashaasi ka Hadley labadda gudoomiye ee
Cismaan Xasan Mire iyo Xa san Maxamed Cali Gaafaadhi, waxana sidoo
kale ay saxeexeen qodobadii hashiiskoodda.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|