Labaatan Askari oo watay laba baabuur oo Tikniko ah Maleeshiyada Puntland


 

 


Ceerigaabo (TNN)-Labaatan xubnood oo ka mid ah maleeshiyadda Puntland oo ka soo jeeda beesha koonfurta Sanaag ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaa bo ka dib markii ay shalay galab soo gaadheen magaaladaasi.

Maleeshiyo beeleedkan oo watay laba baabuur oo nooca tiknikada ah waxa maanta si wey n ugu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo Weftigii xukuumadda Somaliland ee uu hogg aaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku sugnaa gobolka Sanaag.

Xubno u hadlay maleeshiyadan ayaa sheegay inay markii ay arkeen inaanay Puntland wax horumar ah u soo wadin beelaha dhul bahante ay go’aansadeen inay wax la qabsadaan So maliland oo dal ka dhaxeeyo.

Xubnahan u hadlay maleeshiyo beeleedkani waxaa kale oo ay hadalkooda ku sheegeen ina y aqbaleen gogoshii nabada ee uu Madaxweynaha J.Somaliland ugu baaqay beelaha dega gobolada bari ee Somaliland .
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsa de oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay talaabada ku dayashada mudan ee ay ciidan beeleedkani ku shacbigooda sidii ay shacbigooda reer Somaliland wax ula qaybsan lahaaye en waxaanu intaas ku daray in arrintani ay badhitaarayso hawlaha nabadgalyo ee ay ka wadaan gobolka sanaag.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo xafladaasi ka hadlay ayaa u balan qaaday ciidan beeleedkan inay si rasmi ah u qaramayn doonaan.
waxa uu wasiirku tilmaamay inay waajib tahay sidii meel looga soo wada jeedi lahaa qadiya da qaranimada oo uu tilmaamay inay tahay Masiir iyo aayo ka tashi ummadeed.

Wasiirku waxa uu sheegay in weftiga uu hogaaminayaa ay gobolka Sanaag u yimaadeen si dii ay xaal waara ugu heli lahaayeen Shaqaaqadii ku dhex martay magaalada Ceerigaabo laba beelood oo walaalo ah oo xurgufi dhex martay isagoo intaas ku daray inuu haw lgalka asi haataan marayo meel gabo gebo ah waxaanu u mahad celiyay waxgaradkii gacanta ka siiyay dhinaca ammaanka.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Maxamed Cabdi Maalik oo xubin ka ah Gudida heerka qaran ee Diiwaangelinta Ururada Siya asada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa ku dheeraaday kaalinta ay shacbiga gobolka sanaag kaga jiraan nabadgaalyada, iyo dhismaha dawladnimo ee Somaliland iyagoo u soo jeediyay inta weli ka maqan dhismaha dalkooda inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan cid kastoo wax la qaybsanaysa dadkooda.

 

Source: Somaliland.Org