Laba qof ayaa geriyoo tay afar kelena way dhaawacmeen ka dib markii nin hubaysan oo aan la garanayn soo weeraray saldhig ku yaala magaalada Burco .

 



Hargeysa (TNN)-Ninkan ayaa arrortii hore ee saaka werrar ku soqaaday saldhiga ka mid ah saldh igyada magaalada Burco. Ninkan oo ku hubaysan mindi ama Toori ayaa weerarka ka bilaabay Guri ku dhaw saldhiga oo uu ku dilay hooyadii gurigaas,isagoo halkaasi ku dhaawacay Gabadh dhalinya ra ah oo ka ag dhoweyd meesha, intaa kadi waxa uu soo weeraray saldhiga Faarax Oomaar,waxa nu weerar gaadma ah Qorigii kaga furtay Gaadhka Saldhigaas ,halkaas oo uu qorigiisi ku dilay ask ari kalana ku dhaawacay, intaas ka dibna waxay Ciidamadu gacan ta ku dhigeen Ninkii Falka gayst ay iya goo dhaacana soo gaadhsiiyay.



Cisbitaalka Burco ayaa lagu daweynayaa Dadka uu dhaawacu soo gaadhay, oo ay tiradoodu dhan tahay Afar qof oo uu ku jiro Ninkii Falka gaystay .Taliyaha Ciidanka Booliska ee magaalada Burco Saleban Ducaale Ubaxle (Dhagacade), oo warbaahinta kala duwan la hadlay ayaa sheegay inay baadhayaan Kiiskan waxanu yidh i"saaka subaxnimadii hore ayaa saldhigayaga Faarax Omar waxa soo weeraray nin aan la garanayn wuxu yahay waxanu weerar gaadma ah ku laayay qaar kamid ah Askar ta saldhiga iyo dad shacab ah, waxa socda baadhitaano aanu ku xaqiinayno dhacdadan"

 


Illaa hada lama xaqiijin sababta uu ninkan dadka u laayay walaw ay jiraan warar soo gaadhaya shabakadan Timacade News, oo xaqiiqda ku dhawdhaw ,ayaa tilmaamaya in nin kani dhalasha ah aan Ka soo jeedo Konfurta Wadanka somaaliya, kana mid yahay Ururo diimeedyada Kajira Wadan kaasi Somalia.



Waxaa hore uga dhacay magalada Burco weeraro noocan oo kale ah kuwaas oo ay fuliyeen kooxo lagu xidhiidhiyay inay ka mid yihiin Ururo diimeed ka ka dagaalama koonfurta somalia.

 

 



Axmed Maxamed Ismaaciil (Hanad)
hanad080@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco ,Togdheer