Laba Muwaadin oo u dhashay Somaliland oo Xabsiga Gu’aantanamo Bay laga soo Daayay

 


Hargeysa (Timacade News)-Laba nin oo Somali ah oo ku xidhnaa Xabsiga  Guantána mo Bay ee Jasiiradda Kuuba ayaa shalay Hay’adda ICRC ay ku wareejiyeen  Xukuum adda Somaliland, labadaasi nin oo magacyadoodu kala yihiin Maxamed Sulaymaan B are iyo Ismaaciil Maxamed Caraale.


Labadaasi nin ayaa shalay duhurkii la keenay Madaarka Hargeysa, iyadoo ay siday Diyaarad nooca yar-yar ah oo ay leedahay Hay’adda ICRC, guud ahaanba  Saxaafad da ayaa laga hor-istaagay in ay gudaha u galaan Madaarka.


Hay’adda Bisha Cas ayaa sida la sheegay waxa ku soo wareejiyay labada nin  Dowlad da Maraykanka, ka dibna Hay’addaasi waxay ku wareejisay Shalay Xukuumadda  So maliland oo uu hor-kacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro).


Qoysaskii iyo Eheladii labadaasi nin ayaa waxay shalay ku sugayeen Madaarka Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargeysa, sidoo kale waxa iyaduna Madaarka ku sugnayd Haweenay Maraykan ah oo sida la sheegay Looyarad u ahayd oo intii  m uddo ahayd ee ay xidhnaayeen.


Maxamed Sulaymaan Bare wuxuu Xabsiga Guantánamo Bay ku xidhnaa muddo  gaad haysa sideed Sanadood ah isagoo laga qabtay Dalka Pakistan horaantii sanadkii  20 02, halka Ismaaciil Maxamed Carraale ku jirya Xabsigaasi Saddex Sanadood iyadoo laga qabtay Dalka Djibouti.

Labadaasi nine e shalay Xukuumadda Somaliland lagu wareejiyay ayaa waxay ka soo jeedaan Gobolka Tog-dheer, iyadoo loo lagu tuhunsanaa Argagixiso, balse waxba  la gu caddayn kari waayay.


Hore yaaa Xukuumadda Somaliland sidan oo kale loogu wareejiyay sanadkii hore nin muddo toddoba sano ah ku xidhnaa Xabsiga GuantánamoBay.


Source:Waaheen