Laba Askari Oo Ka Kala Tirsan Bileyska & Milatariga Oo Qudha Iskaga Jaray Gabadh Ay Isku Qabsadeen Iyo Taliyeyaasha Ciidamada Oo Wada Jir Uga Hadlay

 



“Xalay Ayey Laba Askari Iskugu Yimaadeen Dumar Iyo Arimo Noocaas Ah, Intii Arinta Lagu Jiray Ayay Labadii Askari Rasaas Isku Rideen, Waxay Sababtay In Askarigii Bilayska Ahaa Dhinto, Kii Kale Ee Milatariga Ahaana Ay Xabadi Madaxa Fadhiisato” General Taani



Yagoori/Hargeysa, November 30, 2011 (TNN) – Laba Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Bileyska iyo Milatariga Somaliland ayaa qudha iskaga jaray kadib markii ay isku maandhaafeen arrimo dumar, isla markaana arintooda oo ergo soo dhex gashay ay labadii Askari Rasaas isla beegsadeen, taas oo keentay inuu dhinto Askarigii Bileyska ahaa, halka kii Milatariga ahaana dhaawac culusi ka soo gaadhay Madaxa oo xabadi fadhiisatay oo lagu daweynayo Cusbitaalka Burco.

Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga iyo Bileyska Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani iyo General Maxamed Saqadhi Dubad ayaa si wada jir ah uga hadlay dagaalka shalay Tuuladda Yagoori ku dhexmaray Laba Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Milatariga iyo Bileyska, kuwaas oo sheegay in khilaafka labada Askari ka dhashay arrimo dumar oo ay isugu yimaadeen, waxaanay intaasi ku dareen in Gaadhi ciidamadu lahaayeen oo ka gurmaday Laascaanood uu markii uu noqonayey dhexda ku qalibmay, taas oo Keentay in Dhimasho iyo Dhaawac.

Labada Taliye ayaa sidaasi ku sheegay Shirjaraa’id oo ay xalay si wada jir ah ugu qabteen xarunta CID-da, ayaa ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Generaal Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu yidhi “Maanta shil-yar ayaa ka dhacay Magaaladd Yagoori, isla markaana xalay ayey laba Askari hawlyar iskugu yimaadeen, kuwaas oo iskugu yimid Dumar iyo arimo noocaas ah markay arintaas isku jiidheen ayaa saaka la damcay in arintii la soo xaliyo intii arintii lagu jiray ayey dhibaato yar oo kale dhacday laba askari oo midna Bileys yahay mid Milatari yahay ayaa rasaas isku riday, arintii waxay sababtay in Askarigii Bileyska ahaa uu dhinto kii kale ee ciidanka Milatariga ahaana ay xabadi ku dhacdo oo ay waliba Madaxa Fadhiisato oo Cusbitaalka ayaa isagiina la keenay oo uu hada yaalaa”.

General Nuux Ismaaciil Taani ayaa intaasi ku daray in ka dib markii Labadaa Askari isku dhaceen in Baabuur Ciidamadu leeyihiin oo gurmad kaga yimid Laascaanood uu noqoshadii dambe ku qalibmay dhexda, isagoo shilkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa kale oo intaa dheer inay dad ka soo gurmadeen Laascaanood, markii la noqonayey ayaa baabuur Ciidanku lahaa oo askari saaran tahay oo ehelada ninka Bileyska ah ee dhintay u dhawaa ayaa isaguna meel Canjiid la yidhaahdo ku qalibmay, halkaas nin ayaa ku dhintay dhawr nina waa dhaawac oo cusbitaalka Burco ayaa la keenay ilaa todoba qof. Inta dhacdayna waa intaas, sababta aanu Shirkan Jaraa’id idiinku qabanayna waxa weeyi dadku iyaga oo aan waxba hubsan ayey warxumo tashiil sameeyaan, markaas beenta ayaanu ka hortagaynaa. Dawladuna arintaas talaabo cad ayey ka qaadi doontaa marka baadhitaanadu dhamaadaan, waxaana la sheegayaa inkasta oo aan la hubin in ninka rasaastu madaxa kaga dhacday aanu ninka dhintay dilin ee nin kale uu dilay, ninkii kalena waanu haynaa oo wuu xidhan yahay baadhisna way ku socotaa. Waxaanu Madaxwaynuhu amar ku bixiyey in Maxkamada Ciidamadu tagto halkaas oo arintaas wixii danbiga leh si dagdag ah talaabo looga qaado”.

Sidoo kale Taliyaha Bileyska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad oo isaguna dhiniciisa ka hadlay dhacdadaa Yagoori ayaa sheegay in dhacdadan oo kale ay mar walba aduunka ka dhacdo, waxaanu tilmaamay in arintiina ay Bileysku la wareegeen, waxaanu yidhi “Waxani mar walba aduunyada way ka dhacaan, arintiina bilayska ayaa la wareegay oo baadhaya, isla markaana dambiga kii yeesha ayuunbaa lagu qaadayaa markaa. Sababta aanu shirkan idiinku qabanayna waxa weeyi intii warar khalad ah la idin siin lahaa ayaanu go’aan ku gaadhnay inaanu xaqiiqda idiin soo gudbino”.

Saqadhi Dubad mar uu ka hadlayey dhacdadii habeen hore ka dhacday Madaarka Hargeysa, ee ay ku qabteen raga dhaawac ah, waxa uu yidhi “Warbaahinta qaarbaa leh dadbaa Madaarka ku xaniban, waa nin dhaawacan oo ka yimid Koonfurta, runtii ka shaki ayuu leeyahay sababta oo ah muxuu u tagi waayey Garoowe, Gaalkacyo ilayn Cisbitaalo way ku yaalaane, Maxaa ku kalifaya halkan inuu yimaado nin Koonfur ku soo dhaawacmay ka shaki wayn ayuu leeyahay, Waxaanu u joojinay ninkan dhaawaca ah waxa weeyi Al-Shabaab ma yahay markuu bogsado inaga inagu soo laabaya. Halkan Madaarka waxa aanu ku haynaa laba nin oo mid dhaawacan yahay, kaas oo leh Xabad ordaysa ayaa aniga igu dhacday, hadalo badan oo is burinayana waa laga yidhi arintaas, markaa maadaama oo anaga iyo Milatariga iyo Ciidamada kale-ba naloo xilsaaray Nabadgalyadii wadanka waa inaanu hubinaa waxa dalka soo galaya iyo waxa ka baxayaba. Labadan nin ee aanu haynana bari waanu sii daynaynaa, waxaana ka habsaantay diyaaradii soo qaaday markii hore oo aanu ku nidhi la noqda oo geeya halkii aad markii hore ka soo qaadeen”.
 

 

source:haatuf